Sunday, July 21st, 2019

X🚨X✈Decomentry Qaabkii ay ula bur burtay diyaaradii uusaarnaa😭Emiliano Salla Xidigii Nentes

Published on January 27, 2019 by   ·   No Comments

Daawayaasheena dunida Ciaayaraha Tube Asc kuna soo dhawaada muuqala cusub

Waxa uu ahaa Xidig raadinayey nolol cusub koox cusub & Jawi cusub lkn waxaa haleelay arin aan marnaba lasaadaalin , markii la maqlay warka wixii ku dhacay waa lawada argagaxay , cidkasta oo cushaaqda kubadda cagta waa ayka xanuunsatay, magaalooyin dhowr ayaa looga baroordiiqay , Waa Xidigii Nantes & Cardef Emiliano Salla oo Martideena maanta , waxaan uga hadli doonaa qaabkii ay uluntay diyaaradii siday , Wixii dhacay markii uu diyaaradda raacay , dardaaran kii ugu dambeeyey & fariintii Saaxiibadii uu ugu sheegay dhamaan intaasi & kabadan waxaad uga bogan doontaan muuqaalkan gaarka oo kamid ah xubinteena xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aad kadaawataan bartiina dunida ciyaaraha Tube iyadoo qoraal ahna waxaad ka heli kartaan dunidaciyaaraha.com.

Dabcan ma awoodo inaan music farxadeed saaro waayo waa maalin aad umurogo badan dhamaan cushaaqda kubadda cagta , galabnimadii Salaasada waxaa gebi ahaanba lawaayey dayaaradda intii ay mareysay Channel Mancha kuna sii jeeday Wales , diyaaradda waxaa saarnaa laacibka reer Arjentiin Emiliano Sala wiilka 28 jirka ayaa sabtidii todobaadkii tagtay waxa uu heshiis usaxiixay naadiga cardeff city kana yimid naadiga Nantes ee dalka France isagoo sidaasi kunoqday kii ugu qaali sanaa aysoo iibsato taariikhda naadiga waxey gaartay qiimaha lagula soo wareegay 17 milyan oo Uero , waxaa lawaayey diyaaradda uu saarnaa Emiliano Salla iyadoo 20 KM ujirta jaziiradda Jerz ee dalka Ingiriiska waxaana gebi ahaanba go’ay xiriirkii taleefanada diyaaradda kadib markii ayku socotay 2300 feet, Madaxa howlgalka lagu raadinayey diyaaradda ayaa sheegay iney wax aan dhaceynin oo mustaxiil ah aytahay waxaana la sheegay in diyaaradda ay ku dul bur burtay bada iyadoo fursadda bad baadadiisa ay tahay mid aad uliidata dhab ahaantii xitaa cidna magaran karto xaqiiqada lumista diyaaradda lkn qubarada gaadiidka hawada ayaa sheegaya iney suurtagal tahay iney daadisay ama cilad kale ay soo gashay ama sababo ku aadan cimilada.

Warbaahinta reer France ayaa sheegtay in Emiliano Sola uga digay diyaaradaasi saaxiibkiisa hore Niclos Poulis isagoo usheegay inuu kawalwalayo kunoqoshada diyaaradaasi taasoo aheyd isla diyaaraddii geysay magaalada nantes ee dalka France mana aheyn mid uu raaxo kudareemayey diyaaradaasi tan & todobaadkii tagay , geesta kale Booliska Jaziiradda ayaa helay waxyaabo loo arkay iney ahaayeen haraaga diyaarada uu saarnaa Emiliano Salla oo dul sabeynaya badda kaasoo riyadiisa halkaas kusoo gabagabowday.

Cushaaqda Naadiga Nantes ee dalka France ayaa ku kulmay saaxadda Royal Plus kuwaas oo muujinaya sidii ay dareenkooda uga dhiiban lahaayeen isla markaana caalamka ugu muujin lahaayeen in quluubta reer France & tan caalamka uuku mideysan yahay , dadkii goobta isugu yimid ayaa ku qeylinayey Imiliano…Imiliano Sala , Xili yadii ugu dambeeyey xidigan ayaa layimid bandhigtay cajiib ah oo soo jiitay dareenka daawadayaashiisa , Waxa uu matalay kooxdiisa Nantes ilaa kala barka xili ciyaareedka oo ka dhigan 19 kulan kahor inta uusan geeriyoon waxaana uu udhaliyey 12 gool, lkn iyadoo taasi ay jirto nolosha inbadan ma aysan udhoola cadeyn intii uu kubadda cagta kujiray waxa uu dagaal ugu jiray sidii uu isku muujin lahaa.

Emiliano Salla waxa uu kudhashay 31 kii bishii October 1990 Magaalada Kalolo Santa ee dalkaasi Argentiin , yaraantii waxa uu kubadda cagta ugu tababartay naadiga Santa Martin oo ka dhisneed magaaladaasi .

Sanadkii 2010 waxa uu ku biiray kooxda da’yarada ee ka dhisneed magaalada Sanfarnc ee Qorduba ee dalka Arjentiin , mudo kadib waxa uu uwareegay kooxda Arleanz ee heer 2aad ee horyaalka dalka france halkaasi waxa uu kasameeyey bandhig aan liidan ilaa uuka gaaray goodhaliyaha 1aad ee kooxda kadib markii uu dhaliyey 19 gool 37 gool .

Bishii febraayo 2015 waxa uu isaga tagay kooxda lkn markan waa kooxda can ee heerka 1aad ee horyaalka dalka france waxaa uu lahaa fadliga iney wanaagsanaato goolasha kooxda waxaana uu ku hogaamiyey guulo wax ku ool ah , kadibna waxa uu uwareegay kooxda Nentes halkaasi waxaa bilaabatay xidignimadiisa caanbaxday fadliga goolashii uu dhaliyey gaar ahaan kuwii uu Sanadkii hore , taasi waxey keentay iney kooxaha ugu waaweyn ee yurub ayku tartamaan bal waxa uu kamid ah kuwa usharaxan iney kubiiraan naadiga Real madrid , haa lkn Nasiibku masaamixin in xili ciyaareedkan inuu ku biiro los blancos misna uuka soo muuqdo qalcadda cad , waxa uu go’aansaday Imiliano Sala inuu ku biiro horyaalka Ingiriiska taasoo ay ku guuleysatay saxiixiisa naadiga Cardeff City isagoo qalinka ugu duugay ilaa iyo sanadka 2022 qiimo dhan 15 milyan oo giniga Starliinka oo udhiganta 17 Milyan oo Uero waxaana taasi ayka dhigan tahay heshiiskii ugu waaweynaa ee naadiga ay xidig ebid kula soo wareegto , nasiib daro cidna ma aysan saadaalin iney dhibaatadaasi oo kale iney ku dhici karto taasoo go’aamisay nolosha xidigan cajiibka haa.

Emiliano Sala markii uu korayey diyaaradda waxaa lasheegay inuu qabay dareen cabsi leh oo ku aadan xajimiga diyaaradda , hadaba waxaa lasoo bandhigay dar daarankii ugu dambeeyey ee Imiliano Salla kaasoo aheyd fariin codeed oo uu lawadaagay asxaabtiisa waxaana uu kadalbaday hadii saacad & bar kabadan lawaayo in lasoo raadiyo isagoo yiri:- ” Soo dhawaada Walaalahey sidee tihiin , aniga waxaan udhimanayaa daal , maanta waxaan ku qaatay nantes si aan usoo qaado waxyaabo badan . alaabtu ma dhamaaneyso aniga waxaan saaranahay diyaaradda waxey u egtahay sida iney dhaceyso oo kale waxaan aadayaa Cardf , beri duhurka kadib waxaan latababarayaa kooxdeyda cusub , waan arki doonaa sida ay umuurtu noqoto , Sidee tihiin saaxibadey hadii aadan iga helina saacad & bar wax macluumaad ah ma ogi in dad la isoo dirayo oo la iraadinayo maxaa yeelay ma ihelayaan sikasto oo ay tahayba xaaladda ala maxaan dareemayaa cabsi ”

Hadaba mudo dhowr cisho oo si wada jir ay uraadinayeen Laamaha kushaqada leh ee Ingiriiska & France lagu daray jaziiradda diyaaradda ayku dhacday diyaaradda hadaba daawadayaal sidee baad udareenteen noogu soo gudbiya fikirkiina !

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!