Sunday, November 17th, 2019

Taariikhda Lory Sane barbaaristiisii & Ma ogtahay fuleynimadiisa

Published on April 4, 2019 by   ·   No Comments

Daawayasheena dunida ciyaaraha Tube asc kuna soo dhawaada muuqaal cusub

Halka uu dhibaatooday Aabihii oo kasoo haajiray dalka Senigal ilaa laga soo gaaro cunsuriyadda Jamaahiirta Bundus Liga¬† rubuc qarni ka hor wiilkiisa waxa uu hantay quluubta reer Manshaft kadib markii uu noqday mid kamid kuwa ugu muhiimsan xulka Jarmalka xiligan & mustaqbalka , Waa wiilka da’yarka madow ee Lory Sane Hogaamiyaha jiilka soo socda ee laacibiinta jarmalka sida ay ku sifeysay warbaahinta jarmalka , Sane magaca uu amaanay Pep Guardiola markii macalin u ahaa kooxda Bayern Munich isagoo leh :- “Isagu waa mowhibad weyn Jarmalka waan kugu hambalyeynayaa mowhibadaada” , kahor inta uusan ku soo biirin Manchester City xili ciyaarredkii 2016 talaabo mid kamid riyooyinkii laacibka oo aheyd inuu ka hoos ciyaaro macalinka reer Spain , muqaalkan waxaanu wadajir ugu baran doonnaa nolosha Lory Sane , muxuu uga doortay Matalida Jarmalka Kan France , qaar kamid ah shaabadaha kuyaala jirkiisa , Rikoorka cajiibka ah uu ka heysto Real madrid dhamaan intaasi & kabadan waxaad ku ogaan doontaan xubintan oo kamid ah sil siladaha xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aad uga barateen bartiina dunida ciyaaraha tube iyadoo qoraal ahna waxaad ka heli kartaan¬†dunidaciyaaraha.com¬†.
Lory Sane waxa uu ku dhashay 11 bishii January 1996 magaalada Esin galbeedka Jarmalka , waxa uu nasabsadaa Sane Qoys wada Isboorti ah oo saameyn kulahaa waayihiisa hooyadii xidigta Jumbazka Jarmalka Gena Vaber oo ah tan kaliya ee suurtagelisay iney xaqiijiso bilad dahab Olombikada , aabihii waa Suleymaan Sane laacibkii caalamiga ahaa ee wadanka Senigal kaasoo maaliyada xulkiisa difaacay 55 kulan , halka uu matalay dhowr naadi oo wadanka  Jarmalka oo ay kamid tahay kooxda Frie Bok oo usaftay 174 kulan horyaalka Bundusligaha ah , halka Sane oo leeyahay laba walaalo oo qaaday wadadiisa kubadda cagta , walaalkiis kaweyn waxa uu matalayey kooxda Shalka & walaalkiis kayar Sidiisa oo kale isla kooxdaasi matala.
Lory¬† Sane waxa uu heystaa laba jinsiyadood oo kala ah jinsiyadda jarmalka & tan france , Faransiiska ayuu ku helay kadib markii aabihii uuku bar baaray dalkaasi kadibna uwareegay dalka Jarmalka intuu ku jiray adeega Askareynta¬† si uu udoorto Sane xulka qaranka Jarmalka badalkeeda diiqda , arinka uu dhawaan ku fasiray laacibka intii lagu guda jiray wareysi uu siiyey Majalada France Football markii laweydiiyey sababtii uga doortay diiqyada Xulka makiinadaha , Waxa uu yiri :- “Waxa aan ku dhashay kokoray, waxkubartay kuna barbaaray jarmalka sidaasi daraadeed waa wax dabiici ah inaan doorto jarmalka , waa sax qeyb kamid ah qoyskeyga iney joogaan halkaasi¬† lkn waxaan dareemayaa inaan ahay Jarmal madaxeyga ilaa lugteyda , wax walba qalbiga & caqligaba waa jarmalka sidaasi ayaan ku doortay xirashada fanaanada Manshaft marna kuma fekerin xirashada fanaanada France ama Senigal “.
Sane waayihiisa kubadda cagta waxa uu soo bilowday markii jiray 7 sano Academiyadda naadi Wetish Hite naadiga aabihii uu usoo ciyaari jiray 4 sano kadibna waxa uu ku biiray shalka sanadkii 2005 kadib Bayern Liver Kusen sanadkii 2008 si uu markale dib ugu laabto da’yarada naadiga Shalka O4 kahor inta aan lagu soo darin kooxda 1aad bishii marso 2014 si uu ugu ciyaaro kooxd√† 1aad waxaana loo diiwaan geliyey kasoo muuqashadiisii ugu horeysay ee Bundusliga Bishii April 2014 markii uuka qeyb galay guul daradii shalke ee Sturdgart badal ahaan daqiiqadii 77 aad , waxa uu bilaabay laacibka inuu si cajiib ah uukusoo muuqdo kasoo uu awooday in nafsadiisa uu soo muujiyo tartanka horyaalka jarmalka isagoo ku tiirsanaa mowhibadiisa weyn oo gaarsiisay in boos joogto ah ka xirto shaxda 1aad ee kooxda , kadib markii uukusoo muuqday bandhig fiican heerka qaarad ahaaneed , waxa ay go’aansatay naadiga Manchester City bishii August 2016 iney lasoo wareegto jowharadda jarmalka heshiis qiimihiisu gaaray 37 milyan oo Uero , si uu unoqdo mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan Shaxda Macalin Pep Guardiola.
Waxa uu carabka ku adkeeyey suleymaan Sane waalidka Lory Sanne wareysi horey loola yeeshay in wiilkiisa uu u arko¬† Arjentiineeska reer Barcelona Lionel Messi & Portuqaaleeska Cristiano Ronaldo Xidiga Juve kuwa uu kaga daydo kubadda cagta halka garabka reer jarmal uu hore usheegay hadal uu siiyey jariiradda daily mail ee wadanka Briten¬† mar la weydiiyey dareenkiisa is bar bardhiga lagu sameeyo isaga & Messi waxa uu ka yiri :- “Isagu waa kan ugu sareeya aan ku daydo suurtagal maaha in leyla bar bar dhigo maadaama uu ka mid yahay kuwa ugu fiican dunida , lagu daray Cristiano Ronaldo , Neymar JR & Eden Hazard , weli kama zuulan heerkoodu inaan ka fogahay mana joogo cid la tartami karo lkn waan sii wadi doontaa shaqada isla markaana waan horumari doonaa si aan u qaado wadada xidigahaasi ” .
Lory Sane waxa uu kashifay shaabad weyn oo uu ku daabacay dhabarkiisa , waxa uu isku shaabadeeyey muuqaalkiisa intuu uuku dabaal dagayey gool uu udhaliyey naadigiisa hada Manchester City shabaqa Manoco ee dalka France , kulankii 8 dhamaadka koobka Horyaalka qaaradda yurub ee Uefa “Champions league xili ciyaareedkii 2017 , waana arinka saaxiibka kooxda rahim Sterling ku riixday inuu ku fowdeeyeeyo bartiisa instgramka kadib markii uusoo dhigay sawirka shaabadda laacibka isagoo leh:–¬† ” Ala muxey tahay Shaabad magaceygu waa Lory Sane nafteydana inbadan waan jecelahay ” lkn Sterling kagama tagin mudo dheer sawirkaasi & qoraalkaba bartiisa Instgramka waana uuka tir tiray mardambe si uu uga fogaado mashaakil soo kala dhex gala isaga & saaxiibkiisa halka ay dhaleeceen qaar kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada , sababaha shaabada ayaa ah laba mid tan 1aad in shaabadu caado ahaan christainka ayka dhigtaan¬† sawir qoyska ah, halyeeyada ama shaqsiyaadka¬† taariikhiga ah lkn Sane waxa uu doortay sawir nafsadiisa ah
, sababta kale ayaa ah doorashadiisa goolkii shabaqa Manoco gaar ahaan kooxda reer France oo guuleysatay lugtii labaad & ugudbidii wareegga xiga .
Koobabkiisa wadar ahaan ilaa hada waxa uu kula guuleystay tiro Premier Laeague ah , Koobab Carabao Cup & kuwo kale lkn mustawa kali ahaanshaha maheysto wax badan oo lasheegi karo layaabna malaha maadaama xidigan ay sugeyso bandhigga mowhibadda cajiibka ah , geesta kale Sane waxa uu heystaa rikoor u gaar ah oo uu gaaray markii uu matalayey safka kooxda Shalke 04 waxa uuku noqday 19 sano 58 maalin laacibka ugu yar ee taariikhda horyaalka qaaradda yurub ee Uefa Champions league oo goolka taabsiiya shaqaba Real madrid garoonka Santiego Bernabue bishii marso 2015 taasoo lugtii hore Kooxda reer Jarmal ayku guuleysatay natiijo 4-3 lkn tartanka waa uu macsalaameeyey.
Sane waxa uu la kulmay mowqif aad u adag balse ciyaar ahaa intii uu joogay kooxda Shalke kagana yimid weeraryahanka reer Arjentiin Franko disanto intii lagu guda jiray kulankii kooxdiisa ayka hortageysay Wolsburg markaa oo 5 & waxba aykusoo idlaatay maslaxada Shalka kana mid aheyd tartanka koobka Jarmalka , disanto ayaa udabaal dagay kulanka kadib gushaasi wadadiisa gaarka ah markii uu cayayaan dhulka kasoo qaaday kagana naxsaday Lory Sane Waxa uu ugeliyey dhabarkiisa waana waxa qaracan ku riday Sane taasoo keentay in deg deg uu usiibo fanaanada si daawadayaasha baraha bulshada ula Cajabaan , waliba iyadoo ay qaateen intabadan Jaraa’idka caalamka waqtigaasi .
Pep Guardiola waxa uu kashifay sirtii ka dambeysay inuu lasoo wareego Lory Sane hadal uu daabacay Boga naadiga Manchester City waxa uu yiri:- ” Sane waxa uu ku raaxeystaa tayo & xirfad cajiib ah kubadu waxa uu ula tacaamulaa si kalsooni leh , inbadan oo xirfadiisa kamid ah waa mid lala cajabo waxa uu ku daray isagu waa laacib orod badan waliba fursado badan u abuura saaxiibadiisa si dhab ah ayuu ugu shaqeeyaa kooxdiisa waxa uu dhaliyaa goolal waliba kama zuulin inuu nafsadiisa horumarinayo , isagu waa mowhibad fariid ah , waxaan rumeysanahay taageerayaaasha iney ku raaxeysanayaan daawashadiisa waxa uu leeyahay awood & tayo cajiib ah ” .
Laacibka garabka Manshaft ayaa kashifay in pep Guardiola uuka dalbaday inuu uciyaaro sida Messi sida ay qoraan jaraa’id badan oo aykamid tahay the Gardian markii uu yiri:- ” waa dhibaatoonayey waayaheyga kubadda cagta ilaa aan lakulmay Pep Guardiola , waxa uu iga dal baday inaan ku kalsoonaado awoodeyda misna aan u ciyaaro xoriyad sida lionel Messi , ma aahanayo sida Messi waayo majiro laacib lamid ah lkn waa inaan ku raaxeysto waxyaabaha aan sameynayo misna laga doonayo weerar yahanka sida dhameystirka weerarada & go’aan qaadashada deg degga ah shuudadka ama baaska “.
Jariirada The Sun ee dalka Ingiriiska waxa ay qortay warbixin inbadan oo layaab leh taasoo ku saabsan Lory Sane , Awoodiisa Orodka waxa uu ka xawaare dheereyaa xayawaano badan , jariirada ayaa xustay in 23 jirkan waxaa loo diiwaan geliyey xawaarihii ugu dheeraa kulan hore oo kooxdiisa uuku matalay oo uu ka hortagay kooxda Chelsea laguna magacaabay kan ugu orodka badan horyaalka England , ciyaartaasi orodkiisa waxa uu gaaray 22,05 mile saacadii si uu xitaa uga orod bato xayawaanada qaar oo orodkoodu gaarayo 21 mile saacadii , xidiga Citezens ayaa ka horeeya sidoo kale waraabaha & noocyada kale oo dilaaga ah ee dawocooyinka kuwaas oo usuurtagal ah in orodkoodu uu gaaro 20 mile saacadii & xawaano badan oo kale .
Shaqsigan caalamiga ee Sane waxa uu leeyahay dabeebad aad u fiican oo caawineysa inuu abuuro saaxiibo badan gudaha bartamaha&¬† kubadda cagta , kuwa ugu dhow caalamka kubadda cagta ee¬† sane waxaa kamid ah dambeedka midig Kail Walker difaaca Jone Stone , Weerarka Raxiim Sterling halka uu laacibka lafsadiisa Sheegay hadal uu hore ujeediyey oo uu uga hadlay balwadiisa kana fog kubadda cagta isagoo yiri :- ” malihi wax balwad ah oo aan aheyn kubadda cagta mar walbana waxaan ku riyoon jiray inaan noqdo laacib weyn oo kubadda cagta waxa uuna intaa¬† ku daray majecleyn wax kale kaliya balwadeyda waxa ay aheyd¬† kubadda cagta “
kuwani waxa ay ahaayeen Xaqiiqooyin ku saabsan

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!