Wednesday, September 18th, 2019

Maxamed Salaax oo lugtiisa Liverpool kugeeyey wareega Xiga

Published on December 11, 2018 by   ·   No Comments



11:00 PM ee xiliga geeska afrika & kan magaalada Makka al mukarama ayaa si toos ah looga baasay garoonka Anfield taasoo dhexmareysay kooxaha Liverpool & Napoli kaasoo ahaa mid kala reebto ama labada kooxood midna ay hareysay midka kalena aysoo baxeysay, Wiilasha Klop ayaa kaliya ku dadaalayey iney 3da dhibic kahelaan Napoli halka & Ancheloti & Xertiisa ay iguna si taa lamid ah uga go’need.

Heeskii ugaarka ahaa ee Liverpool ayaa Teribuunka looga qaadayey , balse bilowgii horeba weerar xoogan ayaa bilowday oo labada dhinac isku qaadayeen, kubad qurux badan oo aan marna laga dhargeynin ayey soo bandhigeen labada dhinac, fursad aad uga soo shaqeeyeen xidigaha Napoli ayaa Insigine banaanka marsiiyey, cagsigeeda si qurux badan ayey fursad uga soo shaqeeyeen Wiilasha Klop kadina laad uusoo qaaday Arnord ayaa madaxa waxa ku dhuftay Milner kaas oo goosha sigay.

Intaasi kadib ciyaarta ayaa noqotay mid xamaasadeeda wadata  midkasta waxa ay ku dadaaleysay inaan shabaqeeda lasoo taaban balse taasi kamadhigin ciyaarta inaan lagu raaxey, balse goolkii  ugu horeeyey waxa uu yimid daqiiqadii 34 aad kadib markii Maxamed Salaax uu kasoo tagay Kolibouli isla markaana shabaq dhex dhigay, intaas wixii ka dambeeyey waxey aheyd mid liverpool si xoogan u adkeysay difaaceeda qeybtii horena goolkaasi & Waxba ayaa lagu kala tagay.

Markii leysu soo laabtay waxaa halkeeda kasii socotay ciyaartii Napoli & Liverpool waxaana wiilasha Napoli ay ku dadaalayeen iney goolkaasi kasoo qabtaan halka Klop uu wiilashiisa ugu sheegay iney farqiga goolasha udheereeyaan , ciyaarta ayaa aheyd mid aad uxiiso badneyd iyadoo labada dhinacba ay si xoogan isu weerarayeen, balse Liverool ayaakasoo xoog bad naatay qeybtii hore iyadoo abuurtay fursado isdaba joog ah waxaana Napoli loo diiday fursado ay ku weerartamaan wax isbadal ahna kama dhicin ciyaarta ilaa daqiiqadii 72 aad oo Napoli ay soo qaaday dagaal weerar ah oo Nolol & geeri ah taas oo ay ku doonayeen in ugu yaraan in gool ku helaan si ay usoo baxaan, balse 90 kii daqiiqo waxey kusoo afmeerantay 1-0 oo liverpool



Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!