Sunday, November 17th, 2019

Maxaad ka taqaanaa Nolosha qarsoon ee Macalin Yorgen Klop Aqriso

Published on January 6, 2019 by   ·   No Comments

Daawayadaasheena Dunida Ciyaaraha Tube ASC kuna soo dhawaada muuqaal cusub

Yaa islahaa Tababare tababaraya koox heerka 2aad ee dalka Jarmalka waxaa uu halka ugu sareeya ka istaagayaa horyaalka Ingiriiska & dunida kubadda cagta sanado yar kadib , ninkii ka bilaabay eber waxaana yurub uuka noqday kan loogu cabsi badan yahay qaaradda duqda, hadana waxa uu riyooyinka mustaxiilka ka yeelay ahdaaftiisa 1aad , ninkii dhameeyey fikrada ah lama gaari karo iminkana haminaya rabitaanka¬† samada ah , waa midka ay jecelyihiin jamaahiirta kubadda cagta Waa tababaraha reer Jarmal Yorgen Klop ee nolosha kusoo koobay isagoo leh :- “waxaan noolahay hal mar sidaa daraadeed waxaan sameynayaa waxa iibanaan sida maanta iney tahay maalintii iigu dambeysay nolosha”.
Kahor inta uusan galin kulankiisii riyada tababare ahaan Liverpool oo ka hortagayey Real Madrid dhamaadkii koobka Uefa Champions League , waxaan idin soo gudbin doonaa muuqaalkan oo aan uga hadlayo nolosha gaarka ee Yorgen Klop , sida uu unoqday tababare aan la aqoon & kan loogu cabsi badan yahay yurub  & Sidaa bidaarta ugashay & abuurtistiisii tinta , kala tagiisii Xaskiisa & sirabadan oo aadan Tababre Yorgen Klop muuqaalkan waxa uu kamid ah sil siladaha xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aadkala socotaan barteena dunida ciyaaraha Tube ee nala daawo muuqaalkan iyadoo qoraal ahna waxaad ka heli kartaan barteena dunidaciyaaraha.com .

HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA

Yorgen klop waxa uu ku dhashay 16 kii june 1967 magaalada Studgart ee wadanka Jarmalka , waalidkii notbert¬† waxa uu ahaa laacib kubadda hawada¬† oo uu ka dhaxlay ciyaarista kubadda cagta hooyadii waa Elizabeth waxaa wax ka iibin jirtay mid kamid ah Supermartyada dalkaasi , Klop waxa uu leeyahay laba gabdho oo walaalo la ah oo kaweyn da’ ahaan waana Izold rish & Stevani klop , sida uu shaaciyey waalidkii Klop waxaa uu canug laga nabad galo , mana ku riyooyin jirin in kabadan inta la xaqiijin karo balse waxa uu awooday inuu xaqjiiyo inbadan riyadiisu waxa ay aheyd inuu noqdo laacib kubadda cagta oo caan ah misna heerkiisu sareeyo isla markaana horumariya kubadda xulkiisa waana waxa uu ku fashilmay qeybtiisii ugu horeeyey inuu guuleysto isagoo laacib ah lkn waxa uu ku guuleystay si weyn qeybta dambe ee riyadiisa waxaana uu noqday mid kamid ah kuwa ugu fiican qaaradda duqda ah .
Klop ma aheyn laacib caan ah waqtigii uu joogay jarmalka¬† bal waxa uu ahaa laacib iska dhex dhexaad ah ama kayarba , tareenkiisa kubadda caga waxa uu ka bilaabay kooxda da’yarada la Entrakht frank fortt & kuwo kale oo meel dhaxaad ah waxaana dhamaantood ay ahaayeen horyaalka heerka 2aad ee dalka Jarmalka kahor inta uusan wareeegin Mainz oo uu halkaasi kuqaadan 11 sano waxaana loo arkaa mid kamid ah laacibiintii ugu fiicneyd naadigaasi , waxa uu ciyaaray Klop laba boos oo kala duwan uukasoo ciyaaray , bilowgiisii waxa uu ahaa weeraryahan toos ah isagoo ka faa’iideysanaya dhererkiisa si uu kubadaha hawada kusocda umadaxeeyo kahor inta uusan isku badalin dambeed midig¬† & difaac dhexe kadib markii uu yimid Mainz waxaana waayihiisa uuku dhameystay qeybta 3aad ee garoonka , klop waxa uu ku guuleystay inuu dhaliyo 52 gool¬† dhamaan intii uu kubadda kujiray waana number fiican marka la eego booskiisa dambe.
Waalidka Klop waa midka uu ku daydo & kan ugu saameynta badan noloshiisa tayo ahaan & shaqo ahaanba , waxa uu ka dhaxlay jaceelka kubadda cagta , waxa uu ka bartay ciyaarista teniska waxa uu yiri klop waxa uu iisameyn jiray wax kasta oo aan ubaahdo, waqtigii uu geeriyooday aabihii waxa uu ahaa ilbiriqsigii ugu adkaa ee noloshiisa markii uu geeriyooda sanadkii 2000 cumri gaaraya 67 sano kadib markii mudo dheer oo 3sano ah uula dhibaatoonayey xanuunka kansarka , umana suuragelin inuu arko aabihii isagoo tababaraya kooxda Mainz ama ka marqaati noqdo guulihiisa Dortmond , Klop waxa uu hor istaagay inkabadan 20 kun oo taaageerayaal ah isagoo yiri :- “Wax kasto aan ahay waa fadligaaga aabe , weli iga mazuulin inaan rumeysanahay inaad igala socotid samada oo aad garab istaageysid talaabadeyda” .
Waxey kala tageen Klop xaaskiisa Sabin & hooyada canugiisa mark kaasoo laacib u ahaa Brousia Dortmond lkn dhaawac xoogan ayaa ku qasabtay inuu waqti hore garoomada ka dhaamaado isagoo jira 23 sano , Lamaanaha ayaa go’aansaday iney kala tagaan sanadkii 2001 kahor inta uusan uula kolmin Ola oo iyadu kashaqeysa mid kamid ah maqaayadaha dalkaasi , waxa uu la kulmay waqtigiisa Mainz , dad ayey ucajabisay waana is guursadeen lamaanaha 2005 tii ,waxaana Ola ay sheegtay iney waxbadan ka garaneynin kubadda cagta markii hore¬† , lkn waxa uu kunoqday saaxir waxa ay uqaaday dareen jaceel aragtideedii ugu horeysay waqti badan kuma qaadan fekerka ah iney guursato waxa ay ogolaatay ilbiriqsigii uu guurka usoo bandhigay.
Lagaabee dadka badankiis ineysan Ogeyn inuu qaliin qurxin ah isku sameeyey gaar ahaan madaxa si uu uga hortago bidaarta taasoo asiibtay tan & marki uu laacib ahaa , klop waxa uu sheegay inuu kufaraxsanyahay arinkaasi isagoo xusay iney adagtahay marka ay bidaartu ku haleesho adigoo da’yar¬† isla markaana aad noloshaasi kamilatid adigoo madax xiiran , waxaa lasheegaa iney aheyd isla qaliinkii uu isku sameeyey weeraryahankii hore Manchester United Weyne Rooney.
Yorken Klop waxaa lagu tiriyaa ragga ugu badan eeku caanbaxay sameynta dacaayadaha & kuwa ugu qaalisan Jarmalka , waa midka dacaayadeeda shirkado caalami ah sida Opel & Buma , Tusaale ahaan hore waxey usheegtay shirkadda  Opel iney kordheen iibsashada gawaarideeda 35 % kadib markii Klop u udacaayadeeyey marka la eego shacbiyadda uuku leeyahay gudaha & dibadda Jarmalka waana waxa keenay iney ku tartamaan shirkadaha qaar sidii ay ugu qancin lahaayeen dacaayadeynta wax soo saarkooda.
Intii lagu guda jiray bilowgiisii tababrida Dortmond waxaa hareereeyey khilaafaad & mashaakil qolka labiska  , gaar ahaan markii kooxda ayka tageen laacibiin waaweyn oo muhiim & keenista xidigo cusub oo kooxo kala duwan ka yimid & dhalasho kala jaat ah , waxaa lumay isfahamka & isla jaan qaadida , Ma aheyn ilaa in laacibiinta uu uwaday Safar Sweden ah waxa uu geeyey meelo laga guuray oo aan laheyn waxyaabo badan , Koronto , & waxbaayaha kale ee lagu madadaalo , waxaana mida kaliya ee waqtiga lagu dili karay ay aheyd in midkasta uu saaxiibkiisa lasheekeysto waxaana kooxdu ay uga soo laabatay isfaham & midnimo , waxaana usuuragashay iney qaadan koobka horyaalka wadanka Jarmalka , waxaana Klop uu geeyey xidigihiisa iney kula dabaal dagaan shacabka xaafadaha dhalashada sanadka cusub waana waxa ka yeelay iney wada jeclaadaan jamaahiirta isagoo noqday tababarihii ugu shacbiyad badnaa naadiga.
Intuu uu laacib ahaa Klop waxa uu qaatay wiilka magaalada Studgart shahaado jaamacadeed oo cilmiga ciyaaraha ah kaasoo uukaqaatay Jaamacadda Grother
ee magaalada Frankfort , jawiga qalin jibintiisa waxa uu ahaa mid aad uga fogaa kubadda cagta waxa uu kusaxiixay waxbarashadiisa baarista tartamada Orodka.
Madaama lagu bartay Klop waalidiisa ku aadan cabirida farxadiisa guulaha ay gaarayaan naadiyada uu maamulo & goolasha ay dhaliyaan xitaa mid kamid ah kulamadiisii Bundusliga waxaa haleelay dhaawac xoogan iyadoo bareele lagu qaaday kadib markii uusi waali ah udabaaldagay kadib markii ay dhalisay gool kooxdiisa.
Inkastoo uusoo bandhigay mid kamid ah kubadda ugu fiican ee weerarka hadana Klop waa ku nasiib xun yahay marka lagaaro finalada , tabaraha reer Jarmal waxa  uu guuldareystay 6 final 7 kamid ah uu galay tan iyo 2012 kii , kadib markii uuka guuleystay Buyern Munchen finalkii koobka Jarmalka waxa uu ku guuldareystay final champions league oo isla Buyern ayka hortageen sanadkii 2013 , 2014 koobka Jarmalka ayaa laga qaaday markii isla Buyern uwaayey , markale ayuu Wolvberg ku hor guuldareystay kahor inta aan laga qaadin koobka FA Cup ka markii wiilashiisa ayka hortageen Manchester City isla sanadkaasi Yurub League ayaa waxa uu uwaayey kooxda Savilia sanadkii tagay 2018 waxa uuku fashilmay inuu rumeeyo riyadiisa markii Liverpool ay guuladaro kala kulantay kooxda Real Madrid markaa oo malaki loo caleemo saaray koobkoodii 3aad ee Uefa Champions league .
Waqtigii uu yaraa Klop waxa uu siweyn ujeclaa naadigiisa hooyada & halkii uu ku dhashay Studgart , Sidoo kale waxa uu shaaciyey laacibka uu jecelaa oo ah difaacii hore Carl Henz , ninka 2jeer finalka koobka dunida la gaaray Jarmalkii galbeed amaa banaanka Jarmalka waxa uu kashifay Yorgen Klop sida uu ujeclaa liverpool tan & yaraantiisa gaar ahaan naadiga reer ingiriis oo caalamka kubadda cagta heysatay waqtigii uu dhalinyarada ahaa & yaraantiisaba intii lagu guda jiray 70 meeyadii & Sideetameeyadii ee qarnigii tagay , sidoo kale waxa uu xafidsanaa heesta naadiga tan & yaraantiisa YOU WILL NEVER WALKA ALONE oo loo soo gaabiyo YNWA , Kaligaa masoconeysid marna , waxaana usuutagashay inuu xaqiijiyo riyadiisa isagoo noqday tababaraha liverpool markaas oo uu diiday dhowr kooxood oo kale kaa oo tababare unoqonlahaa markii uu katagay Donrtmond si uu u aado garoonka Anfield & cushaaqda Reds .
Mar hadii uu daacad uyahay mehnadiisa kubadda cagta &¬† jaceelka jamaahiirta hadana waxa uu leeyahay caado layaab leh intii uusoo galay dunida tababarka , marka uu guuldareysto ciyaar weyn ama koob kamid ah koobabka waxa uu gurigooda kunoqonayaa isagoo lugeynayaa ama isagoo raacaya tareenada madax banaan si uu ula socdo falcelinta jamaahiirta isla markaana uu dhageysto ra’yiga ayka qabaan wixii dhacay , dhacdadii ugu caansaneed waxa ay aheyd markii Dortmond looga reebay koobka Champions League sanadkii 2015 si fool xun oo waliba gurigeeda ah gacanta Juventus natiijo 3-0 muusan bixin iyadoo cid lasocoto mana raacin wax gaari ah balse waxa uu ku laabtay gurigiisa isagoo lugeynaya waxaana uu shaaciyey safarkaasi bulshadada dhexdeeda ah ayka caawineyso in qalbigiisa ay sifeyso iyadoo keeneysa inuu dib uga fekero umuuro badan , waxaana uu doorbidaa inuu xakameeyo carada jamaahiirta oo farxad urogo¬† ¬†si aysan usaameynin niyadda laacibiintiisa.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!