Wednesday, September 18th, 2019

Maxaad ka Taqaanaa Nolosha Mascuud Ozil & Xogo aadan ka Ogeyn

Published on December 10, 2018 by   ·   No Comments

Asc Daawadayaasha Dunida Ciyaaraha Tube Asc kusoo dhawaada Muuqaal cusub?
Mascuud Ozil Xidiga Xulka Qaranka wadanka Jarmal & Kooxda Gunners Arsenal Waxa uu ku dhashay 1988, deegaanka Gelen Iskershin ee Wadanka Jarmalka.
Waxaa dhalay Walaadiin Muhaajiriin oo asalkooda kasoo Jeeda wadanka Turkiga kusoo dhawaada Xaqiiqooyin aadan ka Ogeyn Xidiga Xulka Manshafka Jarmalka.
Wiilkan uciyaara Naadiga Arsenal Waxa uu ahaa mid aad ugu daydo Halyeygii reer France & Tababarihii hore ee Malakiga Real madrid Zinidine Zidane, Waxaa uu u arkaa kan ugu Fiican ee Taariikhda soo maray kubadda cagta marka la eego tayada & Akhlaaqda Wanaagsan ee eebe uhibeeyey.
Ozil waa Mid Joogto u ilaaliya aqrinta  Faataxada kahor kulan kasta, waxa uu kahadlay caadooyinkiisa waxaana uu yiri:- “Kahor bilowga Ciyaar kasta waxaa dukadaa Salaad, waxaan aqriyaa aayado kamid ah Qowlkii eebe ee Quraanka Kariimka, Eebe waxaan ka dalbadaa inuu Towfiiqda iwaafajiyo, Saaxiibadeyna si weyn ayey u Ogyihiin, iyaga wax dhibaato kama dareemo inta aan salaada kujiro”.
Mascuud Ozil waxaa uu ka qeyb qaatay dhismaha Masaajidyo kala duwan oo Caalamka ku yaala, waxaa kamid ah 4 Masjid oo ku yaala dalka Brazil, Ozil ayaa sheegay Koobkii aduunka ee 2014 oo ay ku guuleysteen kadib uu Ugu tabarucay Walaalaha Muslimiinta ee ku Go’doonsan Jiida Gaza waxaana tabarucaadaais lagu qiyaasay inkabadan 300 kun oo Uero.
Mascuud Ozil waxaa lasheegay inuu siweyn ugu dadaalo inuu Guto waajibaadka bisha Barakeysan ee Ramadaanka lkn waxa uu sheegay in Mararka qaar uuka fursan waayo inuu furo oo dib kasoo gudo sababo ku aadan Tababarada adag & Kulamada Joogtada ah sida Tartankii uero 2016kii.
Mascuud Ozil ayaa lagu bartay Sameynta Xiriiro fara badan oo Xagga Hablaha Mushkiladaasi & kuwa lamid ah ayaa dad badan u arkaan iney aheyd sababihii keentay iney Real Madrid ay iska hilmaanto adeegyada Wiilkan reer Manshaaf isla markaana laga iibiyo Gunners Arsenal,
Mascuud ayaa Xiriir Saaxiibtinimo lasameeyey Gabadha Fanaanada ee mandika Presto oo asal ahaan kasoo jeeda wadanka Lubnaan, waxa ay kala tageen sanadkii 2013 kii sababo ku aadan khiyaano uuku sameeyey balse markale ayey isku laabteen sanadkii 2015.
Wiilkan waxa uu siweyn ujecelyahay Heesaha gaar ahaan kuwa Raabka, Inkastoo Codkiisa uu caadi yahay hadana Fanaanka uu Siweyn ujecelyahay waa Ninka reer Jarmal balse ahaan kasoo Jeeda Wadanka Tuunis Anis Muxamed Yuusuf Bushiidu kaas oo ku taqasusay Heesaha Rapka.
Mascuud Ozil Kabo Ugaar ah oo Xarig laheyn ayey usameysay Shirkadda Adidas waxaana uu ku leeyahay Logo Ugaar ah Sida Lionel Messi & Cristiano Ronaldo kaa  oo sidaasi kunoqday ninka sadexaad ee leh Kabo & Logo ugaar ah.
Ozil waxaa uu lahaa Naaneysyo kala duwan Ha ahaado Bilowgisii markii uu Joogay wadanka Jarmalka, Spain ama Ingiriiskaba waxaana Naaneysyadaasi ugu Caansan Nimo oo ah,Malaay caan ah oo lagu bartay mid kamid ah Kartoonada sida weyn loo Jecelyahay waxaana Indhaha Malaaygaasi u egyahay sida kuwa Ozil oo kale. 

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!