Sunday, November 17th, 2019

DAAWO | Xidigihii Muslimiinta ee mawaaqifta cajiibka ah qaatay waad la ilmeyn doontaa

Published on December 18, 2018 by   ·   No Comments
Inta badan laacibiinta muslimiinta Kubadda cagta ee ka ciyaara yurub waa kuwa kudhagan diinteena suuban ee islaamka qaarkood waxa ay bartaan diinteena islaamka iyagoo qaada talaabooyin geesinimo kuwaa soo kudayasho mudan waliba iyadoo ay udheertahay iney kujiraan wadci aad u adag waliba garoonka gudahiisa & banaankiisaba waxaa ugu dambeeyey Riyad Mexrez Xidiga kooxda Manchester City muuqaalkan waxaan idinkugu soo bandhigi doonaa 10 qiso oo laacibiin muslimin ah midkastana waxa uu leeyahay sheeko caajib ah, Laacibiintan ayaa garoomada yurub kasameesamey go’aamo cajiib ah oo umada Islaamka ka farxisay qeybtan ayaaqa kamid ah Xubnaheena taxanaha ah ee Xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aad kadaawataan dunida Ciyaaraaha Tube ee Nala daawo muuqaalkan.
1. Fred Knoute:-¬† Xidigan Islaamka ah ayaa qaatay go’aan ka farxiyey umadaha Islaamka, markii uu Joogay Safka kooxda Savila waxa uu sameeyey tusaale aqlaaqda looga daydo, waxa uu bad baadiyey masjidka kaliya ee ku yaalay magaaladaasi Andalos, waqtigaasi waxaa dhamaaday heshiiskii dhigayey mudada masjidka dhisnaanayo kaas oo heshiiska ay wada galeen dadka dhulka lahaa & muslimiinta magaaladaasi, Fred Knoute ayaa qaatay xiligaasi go’aan geesinimo lahaa oo kudayasho mudan, waxaa uu bixiyey 700,000 oo Uero si dhulka loogu iibiyo waana wixii dhacay ficil ahaan oo lagu hor istaagay in masjidkaasi la baabi’iyo , muslimiinta Spain ayaa warkaas farxad ku qaabilay iyadoona aad u ixtiraamay uguna qadariyey talaabadaasi, ninkan oo qaatay diinteena suuban ee islaamka waxa uu leeyahay mowqifyo badan oo kuwaas oo kamid ah inuu diiday xirashada fanaanada Savilia sababo ku aadan iney xayeysiineysay shirkad qamaar taasoo qasabtay in naadiga rabitaankiisa ay fuliso Dhinaca kale garab istaagiisa walaalaha falastiin waa ka sheekee dhibaato kuma jirto , waxa uu kusoo qortay fanaanadiisa gudaha ah Falastiin weli kama zuulin iney quluubteena ku jirto lagu daray tabarucaadiisa aan lasoo koobi karib ee Gaza.
2. Masout Ozil:- Laacib kii hore ee naadiga Real Madrid & kan xiligan ee Gunners Arsenal waxa uu kamid yahay laaciibiinta muslimiinta ee ugu caansan dunida waxa uu ku caanbaxay aqrinta quraanka kahorta bilowga ciyaar kasta si ay uga caawiso kamiradhalinta hadafkiisa, laacibka ayaa hore uga yiri mowduucan:- “Taasi waansameeyaa marwalba kahor inta aan ubixin garoonka waan dukadaa, saaxiibdeyna wey ogyihiin ineysan ila hadli karin mudadaasi gaaban, waxaan la halmaami karin tabarucaadii uu ubixiyey lacagihii abaalmarinta uhelay kadib kuguuleysigii koobkii dunida ee 2014 markaa oo daqligiisa ugu tabarucay Caruurta reer Falastiin kuwaas la dhibaatoonaya go’doominta dulmiga maamulka yahuuda, Ozil sidoo kale markii uu idlaaday koobkii dunida waxa uu sii joogay Brazil markii uusoo gabagaboobay mondiyaalkii dunida si uu ufuliyo balan uu nafsadiisa lagalay kaas oo aheyd inuu udhiso 4 masjid dadka Muslimiinta ee kunoolaa Brazil lagu daray Xidiga Mannchaft ee asal ahaan kasoo jeeda Turkiga ayaa Iclaamiyey inuu bixinayo qarashka ku baxaya qaliinka 23 caruur brazilian kaasoo uga jawaabayo qaabka quruxda badan ay umarti geliyeen.
3. Eric Abidal:- Laacibkii hore ee Kooxda Barcelona Haatanna kamid ah masuuliyiinta kooxdaasi waxa uu ku adkeystay inuu soomayo bisha barakeysan ee Ramadaan iyadoo la ogyahay inuu maray qaliin caafimaad oo beerka ah, Waxa uuka yiri saaxiibkiisa Dani Alves:- “Isagu waa mid ku ad adag diinta ama mutadayin ah waana mid ilaaliya sidaasi daraadeed eebe ayaa kumaneystay awood & geesinimo.”, Abidal ayaa ah mid aad loo wada jecelyahay oo la ixtiraamo marka uu ciyaaraha kujiray ilaa hada uu iska casilay barca ayaa iyadoo taasi laga duulayo kamid dhigtay mid kamid ah masuuliyiinteeda, waxaana udhaxday gabar Al Jeria udhalatay.
4.Yaxye Toure :- Laacibkii hore ee kooxaha Barcelona & Mancity waxa uu lahaa mowqof mudan in Xuso oo lagu qadariyo waana mid dhamaan kawada farxiyey umadaha islaamka kadib markii uu diiday abaalmarinta ninka ugu fiican kulanka ciyaartii City ay wajaheysay News castle sanadkii 2012, abaalmarinta ayaa xiligaasi aheyd dhalo khamri ah waxa uu yiri waqtigaasi “Aniga macabo waxaan ahay muslim”, ninkan ayaa barcelona lagaaray guulo taariikhi ah markii hal xili ciyaareed uula qaaday 6 markaas uu yiri :- “Guushan waxaan uhadiyeeyey umadaha islaamka ee idaawanaya kuwaas oo marwalba ii rajeeya nasiib wanaagsan ” .
5. Demba ba:- Wiilka reer Senigal horena ugu soo ciyaaray naadiga Chelsea iminka matala naadiga Shangahai ee dalkaasi shiinaha waxa uu kutaagnaa wado geesinimo leh markii uu diiday inuu qaato abaalmarinta ninka ugu fiican kulanka ciyaaratii kooxdiisa ay wajaheysay Manchester United¬† oo katirsaneed koobka FA Cup ka waxey aheyd waqtigaa dhalo khamri ah balse arinta soo jiidashada laheyd ayaa ah inuu ku dabaal dagay inuu sujuud la dhaco oo eebe ugu mahadceliyo goolkaasi, kulanka kadib fariin baraha bulshada uu soo dhigay ayuu ku yiri :- “Ala maxey aheyd ciyaar Ala maxey aheyd bandhig ala maxey aheyd gudasho fiican ala muxuu aha gool Ilaahbaa mahad iska leh.
6. Suleymaan Ali Mountari:- Sanadkii 2009 waxey aheyd mowqif uu wiilkan qaatay mid kafarxiyey dhamaan umada islaamka sidoo kale hadal heynbadan ka dhaliyey baraha Bulshada, waxaana taasi ayka dambeysay kadib markii uuku adkeystay inuu soomayo bisha barakeysan ee Ramadaanka, isagoo waqtigaasi si adag uga soo hotjeestay Tababarihiisa macalin Jose Mourinho, Xili ciyaaredkii sadexleyda ay qaadayeen wiilashii Mourinho waxa uu daqiiqadii 28aad kasaaray Mountari ciyaatii Paris markaa oo uu ku badalay Boloteli waqtigaas oo ciyaartu kus
soo idlaatay bar baro bse kadib kulanka Mourinho waxa uu yiri :- ” Waxaan usoo saaray isagu inuusan awood laheyn sababo ku aadan soonka” badalka Mountari kooxda uma fiicneyn waayo kooxda bar baro ayey gashay.
7. Ibrahim Afaley:- Dareenka bulshadaa Ayuu soo jiitay laacibkan qadka dhexe ee Holand balse asal ahaan kasoo jeeda Marroco sanadkii 2011 markii uu uciyaarayey naadiga Catalanka ee Barcelona
arinta cajiibka aheyd waxey timid wiilkan markuu kutukaday diyaaradda dhexdeeda mid kamid ah safaradii naadiga ay galeysay, wariye ka tirsan Mondo diportivo ayaa wax ka qoray arinkan kadib markii naadiga Barca ayka soo laabatay ciyaartii Real Sociedad, kana tirsaneed horyaalka sanadkii 2011, wariyaha ayaa yiri waxa aan aragnay Ibrahim oo xiran dhar dhaadheer kaas oo ku dhex dukanaya inta ay diyaaradda hawada kujirtay :- ” Kooxdu waxa ay ixtiramatay Afaley waana aamusnaayeen intii salada uuku jiray fursad si ay ugu siiyaan gudashahada waajibkiisa” Sida waxaa tibaaxay wariye ka Tirsan jariirada mundo deportivo, Kudarso wiilkan & Ehkiisa ayaa ah kuwo aad ugu dhagan diinteena suuban ee islaamka.
8. Mehdi Bin Cadiyah:- Wiilkan uciyaaraha haatan Juventus waxa uu hore u ahaa mid dhowr jeer joojiyey dabaaldaga caleemasaarka kooxdiisii hore ee Bavarianka sababo ku aadan cadaada qadiimiga ah ay leedahay oo ah in dhalooyin qamri ka buuxo leysku daadiyo oo lagu dabaal dago, bin cadiyah & Rebry ayaa ahaa kuwa ladabaal dagayey Qoysaskooda kana fogaa saaxiibadooda kale, waxaana dabaaldagga noocaasi ay u diideen iney muslimiyiin yihiin inkabadan hal jeer oo kooxdu koobab  ay ayku guuleysatay, Sidokale waxaa xusid mudan in guardiola uu soo qaatay dhalo khamri uuka buuxo uu doonay inuu kushubo kulana dabaal dago Mehdi bin cadiyah kahor inta uusan ilbiriqsigii ugu dambeeyey kalaaban.
9. Maxaned Salaax :-¬† Weeraryahanka kooxda Liverpool¬† wareysi uu siiyey mid kamid ah tvyada Swizterland waxa uu carabka ku adkeeyey waqtigii uu joogay Basel inuusan wax dhib ah ku qabin 5ta salaado uu oogo maalinkii waxa uu ka yiri arinkaa:- “Xitaa mar aan ku jiro safarka waxaan waqti waliba wataa sijaayad waana wax lagama maarmaan ah inuu wato waqti walba qofkasta oo muslim oo ilaalinaya gudashada cibaadada maalinkii”
Salah ayaa sheegay inuu dhageysto nashoodooyinka isagoo ka jawaabaya hadal Saaxiibkiisa Matic kaasoo yiri in Salaax uu dhageysanayo music xun waxaana uu tilaamay in wax auu dhageysanayey aysan aheyn Heeso balse ay ahaayeen Anaashiid uuku Luqeeyo Sheekha Caanka ah sheekh Mashaaril Al Cafaasi , Salaax ayaa  Joogteeya goolkasta uu dhaliyo inuu Sujuudo taasoo eebe uu ugu shukrinayo.
10. Riyad Mexrez :- Waa xidigii ugu dambeeyey oo Muslim ah oo qaata go”aan kudayasho mudan , Wiilka reer Al Geria ayaa ka qeyb ahaa xidigihii City laqaaday koobkii Community¬† Sheild markaa oo ay Chelsea ka qaadeen, intii dabaal daga uu socday Mexrez ayaa qaaday talaabo soo jiidatay dareenka daawadayaasha kadib marki¬† Gabar ay usoo taagtay dhalo khamri uuku jiro balse Mexrez ayaa diiday kana dalbaday iney siiso Wiilka reer Arjentiin Aguero oo garabkiisa taagnaa balse markale ayaa Aguero usoo celiyey Mexrez isagoo lakaftamaya Riyadna waa uuku adkeystay mowqifkiisa muuqaalkaasi oo baraha bulshada lagu faafiyey ayaa soo dhaweyn badan ka helay umadaha Islaamka.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!