Wednesday, September 18th, 2019

DAAWO | X X Taariikhda K Dybrune Waa Afrikan & Sida Xaaskiisa Courtois uu ula seexday

Published on January 29, 2019 by   ·   1 Comment

Daawadayaasheena dunida ciyaaraha Tube Asc Kuna soo dhawaada muuqaal cusub

Taabashadiisa sixirka waxey kaa yeeleysa mid aad lacajabtid marka uu garoonka ku jiro , waa Xidig la xaqiray bal cashar udhigay kuwii ka shakiyey tayadiisa oo markii dambe kashalaayey , waa xidiga laf dhabarta u ah kooxda kubadda cagta ee City Keven Dybrune , Qaabkii uu yaraantiisa ubilaabay kubadda cagta , Maxaad ka ogtahay xiriirka dhalasho ee ka dhexeeya Afrika isagoo waliba ka cad kuwa isaga lamidka , muxuu ka turjumayaa buugiisa , Sida ay uqiyaantay xaaskiisa waliba ayku qiyaantay Courtue saaxiibkiisa xulka intaasi & kabadan waxaad ku daawan kartaa muuqaalkan oo kamid ah sil siladaha Xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aad uga barateen bartiina dunida Ciyaaraha Tube iyadoo qoraal ahna waxaad ka heli kartaa dunida ciyaaraha.com .

Keven Dyrune waxa uu ifka yimid 28 June 1991 , waxa uu ku dhashay magaalada Dronking ee dalka Belgiumka , waxa uu nasabsadaa waalidiin lagu kala magacaabo Herwing & Anna , yaraantisii Keven waxa uu ahaa canug laganabad galo.

Waxa uu bilaabay tareenkiisa kubadda cagta waqti hore oo ah sanadihii ugu horeeyey ee hanaqaadkiisa waana sanadkii 1991 xata isagoo aan gaarin da’da 10 jirka waxa uu kubiiray Academiyad da’yarada isagoo fursad uhelay inuu uciyaaro naadi yar oo maxali aheyd waana naadiga Jing waxa uu u arkayey fursad iska caadi ah waana waxa keenay inuu uwareego bariga dalkiisa sanadkii 2005 , isagoo udiyaargaroobaya furashadiisii ugu horeysay 4 sano kadib markii ay ubuuxsantahay da’da 17 ka Sano , waxa uu noqday qeyb aan sinabada loogamaarmeynin shaxda 1aad , waana arin aan sahlaneyn xidiga sida da’diisa oo boos kaxirta naadi caalami ah , halkaasi waxaad ka garan kartaa mowhibadda cajiib ah ee ku duugan.

Markii uu ku biiray academiyadda naadiga Dorgen sanadkii 2003 waxa uu uga sii gudbay laba sano kadib naadiga Genk sanadkii 2005 , intii uula joogay dayarada waxa uu sameeyey horumar cajiib iyadoo lagu soo daray kooxda 1aad , isagoo muujiyey inu mudan yahay isla markaana kasbaday kalsoonida macalinkiisa & tan cusaaqdiisa.

Wiilkan waxa uu kalo xaq ulahaa inuu matalo xulka qaranka wadanka Brundi ee dhaca bariga Afrika , waa Sax warka dhagahaaga kusoo dhacay , dadka badankii ma oga in waalidka dyrune hooyadii oo lagu magacaabo ayku dhalatay dalka Brundi halkaasi qoyskooda waxey ku lahaayeen shirkad qaabilsan shidaalka taasoo awoowgii aasaasay , dybrune aya la rumeysan yahay in hooyadii uu uraacay safar dalxiis oo ay ku tagtay wadamada Ivery Coast & Brundi oo dhacay qaaramada madow ee afrika , halkaasi ayuu ka yimid xirirka afrika & wiilkan ka dhexeeya.

Keven dyrune ayaa sanadkii 2014 waxauu nasiib uyeeshay inuu bilaabo xiriir iyadoo mudo kooban oo deganaasho ayku jireen waxa ay kuwan nolosha ku shirkoobay ay qaateen mudo kooban jawi qurux badan ah iyagoo iclaamiyey in eebe ku irzaaqay canug , waxaana dhashay mison Milian dyrune 10kii marso 2016 .

Dybrune waxa uu leeyahay buug uu isagu qoray isla markaana uukaga hadlayo noloshiisa gaarka ah, isagoo cinwaankiisa ka dhigay unoolow si fudud , qormada buuga ayaa kakooban yahay waxyaabo badan oo noloshiisa sida barbaarista & heerarka noloshiisa Sidoo kale waxaa kujira mashaakilkii uusoo maray ee uu dhanka kale urogay & khilaafkii kale ee uu soo maray intii uu ifka ku noolaa.

Dybrune waxa uu soomaray mushkilad weyn oo aheyd khilaaf weyn oo ku saabsan markii xaaskiisa ay ku qiyaantay saaxiibkiisa Xulka ee Courtue , sanadkii 2013 jariiradda daily mail ayaa shaacisay iney Courtue uu xiriir lasameeyey gacalisada saaxiibkiisa Dybrune gaar ahaan waqtigii uu uciyaarayey naadiga blues Chlesea markii uu hubsatay falka foosha xun ee xaaskiisa , dybrune waxa uu ugacan qaaday Cortue intii lagu gudaha jiray tababarka xulka qaranka Bilgium.

Qiyaanada saaxiibada dyrune & cortua ayaa soo bilaabatay markii dyrune oo isagu kuqiyaanay xaaskiisa saaxiibteed kuweyn isla markaana uula seexday , waxey aheyd arin aad ucaragelisay gacalisadiisa balse gabadhan ayaa waxa ay sameysay arin aad uyaab badnaa oo laga wada fajacay , gabadhan lagu magacaabo Caralin ayaa waxa ay doonatay wado yaab leh iney uga aargoosato waxa ay balansatay Cortue waxey dhansiisay wixii khamri ahaa si uu ugu soo dhacdo dhabteeda kadib waxa ay lasameysay fal jinsi ah , iyadoo sidaasi ku xaqiijisatay hadafkeeda isla markaana baabi’isay sumacadda & sharafta dybrune .

Cortue & Dyrune ayaa sheekada hoos dhameeyey mar ay xeeri & fandhaal kala dheceen lkn ma aysan ka heshiin wixii dhacay .

Keven markii uu kubiiray naadiga kubadda cagta ee Chelsea ma aheyn waqti aad ufarxad badnaa kuma aheyn sida laacibka aadka ufiican ee city isagoo waqti dheer aan ku aadan inuu sii joogo qalcad buluuga ah , ninkan ayaa Chelsea uga soo biiray naadiga Genk lacago lagu qiyaasay 7 milyan oo Uero bal tijaabadaasi manoqon mid guuleysatay , waxaana uu aaday horyaalka Jarmalka kadibna waxa uu ku soo laabtay horyaalka ingiriiska isagoo kubiiray naadiga kubadda cagta ee Manchester city waxa uu usaxiisay hehsiis mudo 6sanadood ah , waxa uu noqday mid ka ugu muhiimsan & lafdhabarka kooxda & mid kamid ah kuwa ugu fiican horyaalka Ingiriiska , waxa uu leeyahay tayo sareysa & xirfad uuku bixin karo maalinta kooxda ay liidato si lamid ah xulka qaranka belgiumka uu isagu matalo .

Xidigan maadaama uu yar yahay weliba ah mid mowhibad weyn xambaarssan waxaa uu heystaa guulo shaqsiyadeed & mid wadareedba , kasoo bilow dalkiisa , soo mar jarmalka ilaa laga soo gaaro horyaalka ingiriiska , waxa uu ku guuleystay laacibkii ugu fiicnaa da’yarada horyaalka Jarmalka xili ciyaareedkii 2014-2015 isagoo kamid noqday kooxda ugu fiican xili ciyaareedkaasi.

Intii uula joogay City waxa uu garoonka gudahiisa kasameeyey waxyaabo badan oo xidigan taasoo usahashay in saaxada caleemasaarka lagu boqro isagoo koobab dhowr ah kula guuleystay kooxda Manchester City.

kuwani waxey ahaayeen xaqiiqooyin ku saabsan keven Dybrune hadaba sidee baad u aragtaan go’aanka xaaskiisa ay kaga aarsatay qiyaanadii uuku sameeyey misna ula seexatay Courtue

Readers Comments (1)

  1. Hussein says:

    Amazing story




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!