Wednesday, September 18th, 2019

DAAWO | Taariikhda Benzema Faqriga uukusoo koray & sida uu ubadalay Noloshiisa & Gabadhii uu ku geegeeyey

Published on April 15, 2019 by   ·   No Comments

Daawayaasheena dunida ciyaaraha tube asc kuna soo dhawaada muuqaal cusub ?

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ninka ay jecelyihiin jamaahiirta kaasoo Maamulka ay kadoorbideen weeraryahano waaweyn tan & intii uu yimid sida Halyeey Ra’ul , Van nestelrooy , Higiun . Adibayor , & Al varo Morata , isagu waa Kariim benzema Wiilka Jaceelka badan uu ugu hayo Zinidine Zidane gudaha garoonka & banaankiisa , inta badan heerarkiisa nolosha waa uu soo dhibaatooday tan & markii uu dhashay ilaa maanta aanu joogno , muuqaalkan waxaan idinku bari doonaa nolosha gaarka ah Kariim benzema , qaabkii uu ku barbaaray & sirta diidmadiisa matalida xulka Al Geria , Xiriirkiisa qarsoon ee Zidane , ku xadgudbidii qarka u saartay in dhowr jeer uu xabsi galo & sir badan oo aadan marna hore uga maqal weeraryahanka Real Madrid Kariim Benzema maanta ayaad ku ogaan doontaan xubintan oo kamid ah sil siladaha xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aad uga barateen bartiina dunida ciyaaraha Tube iyadoo qoraal ahna waxaad kaheli kartaan dunidaciyaaraha.com .

Kariim waxa uu ku dhashay 19 kii December 1987 magaalada Lyon ee dalka France , waxaa uu nasabsadaa laba walaalid oo heysta dhalashada dalkaasi France balse asalkooda Al Geria kasoo jeeda aabihii waa xaafid hooyadiina waxaa lagu magacaabaa waxiida , awowgiis Da aayat benzema waxa uu kasoo haajiray dalka Al Geria 50 meeyadii qarnigii tagay soona aaday dalka France isagoo raadinaya shaqo & kunoolaanshaha duruuf ka wanaagsan tii uu ku jiray.

Kariim waxa uu kadhashay lana soo bar baaray qoys al Gerian ah oo muhaajiriin faqri ah , bartamaha walaaladiisa 8da ah & guri ka kooban laba qol oo dhamaantood aan hal waqti qaadeynin , iyadoo xaaladaasi adag waalidkii ayku jiraan waxa uu go’aansaday inuu uga cararo ciyaarista kubadda cagta si uu isagu madadaaliyo nafsadiisa balse aan aheyn caalaminimo lkn macalimiintiisa iskoolka ayaa dareemay mowhibadiisa cajiibka ah intii uu ka qeyb galayey mid kamid ah tartamadiisa iskuulka , Macalimiinta ayaa waalidiinta kula taliyey inlagu biiriyo Academiyadda bar baarayaasha ee hoostagta naadiga Lyon lagayaabee inuu sabab u noqdo badalka nolosha adag ee ku jiraan & duruufta qoyskiisa , Benzema waxa uu latababartay mid kamid ah kooxaha da’yada ee deegaankiisa si uu usoo jiito indhaha baarayaasha Academiyadda naadiga Lyon isagoo jira 9 sano kahor inta uusan dhalin 38 gool hal xili ciyaareed uu la qaatay naadiga Lyon da’yarada 16ka sano ka yar si loogu soo wareejiyo kuwa 18jirada isla markaana usuuragasho inuu dhaliyo 12 gool 14 kulan oo kooxdaasi matalay si ay u go’aansato in si dhaqso ah loogu soo daro kooxda 1aad .

Benzema waxa uu leeyahay laba walaalo kayar oo ciyaara kubadda cagta kuwaas oo kala ah Gracy Benzema waxa uu weerarka uga ciyaaraa naadi heerka hoose oo france ah & Sabri Benzema isagoo matalo naadiga Prom lkn aad bey uga fogyihiin iney gaaraan wixii uu xaqiijiyey Kariim intuu uu kujiray waayihiisa kubada cagta .

Markii Benzema lagu soo daray kooxda 1aad ee Lyon waxa uu jiray da’da 17ka sano kadib markii uu qaaday kabta dahabka ee kuwa la da’da ah lkn wadadiisu ma aheyn mid ubax kufiraashan , waxa uu ku bilaabay in kooxda weeraryahanka 5aad unoqdo waana wixii ka yeelay inuu noqdo mid lagu qoslo marka la eego fursadaha uu helayo & weeraryahanada kooxda ee kacaansan hadana ka muhiimsan , waxaana jawaabtiisu ay aheyd waxaan noqon doonaa weeraryahanka 1aad ee kooxda & kan ugu fiican france waqti badanna maqaadan arinka ilaa 2 xili ciyaareed mooyaane ilaa uu noqday weeraryahanka 1aad ee kooxda Lyon isla markaana ku hogaamiyey koobab badan , waxaana uu sidoo kale noqday kii ugu qaalisanaa ay iibiso kadib markii uu ku biiray Real madrid xili ciyaareedkii 2009 muqaabilkeeda 35 milyan oo Uero .

Markii uu gaaray Benzema da’da 19ka sano walina halkiisa uuka sii wato bandhigiisa cajiibka ah horyaalka dalka france waxaa horyimid imtixaanka doorashada xulka France & Algeria si uu midkood umatalo marka layimaado bandhigyada caalamiga ah , wadahadalo dheer & dagaal qaraar oo ay wadagaleen xiriirada ciyaaraha France & Geria kaasoo mid kasta uu doonayey guuleysiga xulkiisa adeega laacibkan , Benzema waxa uu doortay halkii uu kudhashay kuna bar baaray isagoo leh :- ” Al Geria waa halka uu ku dhashay aabahey waana wax aanku faanayo lkn waxaan ku dhashay kuna bar baaray halkan suurtagalna iima aha inaan u ciyaaro xul france aheyn “>

Inkastoo xidigo ay joogeen lyon sida Maloda & Wiltod hadana waxa uu noqday weeraryahanka 1aad waxaana loo xiray numberka 10aad sababo ku aadan cilaaqadiisa tababare Alan Beran , wanaaga macalinkiisa waxa uu uga jawaabay gudaha garoonka isagoo dhaliyey 31 gool 51 kulan waxaana loo caleema saaray gooldhaliyaha horyaalka League 1 kadib markii uu 20 gool layimi , waxa uu dhaliyey 6 gool oo Champions league ah & 4 oo koobka france ah waxaana xili ciyaareedka uu ku soo xiray ku guuleysiga laacibka ugu fiican horyaalka & shaxda ugu fiican France oo ka qeyb noqday , dhamaan waxyaabahaasi weli kama uusan gudbin da’da 20 jirada.

Ninkan waxa uu la balansanaa kulmadiisii ugu horeeyey ee waaweynaa isagoo qoorta ugu xiran tahay rajada diiqyada & inuu france meel dheer ku hogaamiyo misna soo afmeero oraahda ah france waxba maaha zidane la’aantii , inkastoo Lyon oo bandhig cajiib ah lasameeyey hadana Uero-tihii 2008 lamafilaan ah ayey u aheyd Kariim & diiqyada waxey ku baxeen wareega hore & heer aad u liita oo aan ka turjumeynin taariikhda diiqyada , kadib bar barihii gool & goolka 1 ahaa ee Romania kaasoo Benzema uukusoo muuqday qaab aad uliita , tababaraha ayaa ku qasbanaaday inuu badalo kahor inta uusan maqnaanin kulanka xiga oo diiqyada looga adkaaday 4gool & gool kadib markii ayka hortageen xulka Holand kahor inta aysan ujabin Azzuri walow kariim lagu soo bilaabay kulankaasi hadana waxii lahaminayey waalagawaayey si soo idlaato Oraahdii aheyd “Zidane-ka Cusub” .

Waa arin aadan filaneynin lkn waa xaqiiqo sanadkii 2008 waxa uu Benzema qarka usaarnaa inuu ku biiro kooxda Barcelona , waxa uu ka gudbay dhamaan baaritaanadii loo baahnaa mana jirin wax shaki ah oo uga jiray mowhibadiisa lkn naadiga ayaa joojisay heshiiska ilbiriqsiyadii ugu dambeeyey iyadoo ku andacooneysa in kuwa kuxeeran aysan ku qayim aheyn Naadiga Blugrana si sanadkadib uu ugu biiro kooxda Real madrid oo uu noqdo mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan kooxda sanadihii ugu dambeeyey .

Waxaa wax iska cad ah in Benzema uu jecelyahay kooxda isla markaana waxkasta uu uhurayo inkooxda ay guuleysato ayaa uga muhiimsan inuu isagu gool dhaliyo , waxaana sabab weyn u aheyd qaabkiisa taatikadeed iney sii heystaan dhamaan tababarayaashii soo maray lkn garoonka banaankiisa maaha kariimkii layaqaanay, bishii April sanadkii 2010 waxa uu ku dhacay inuu cilaaqad lasameeyo gabar aan gaarin da’da cilaaqada , waxaana sidookale lagu tuhmay inuu ka qeyb galay tartamo aan la ogoleyn , waxa uu galay shilal , isagoo ka gudbay xadka xawaaraha gawaarida loogu talagay waliba isagoo cabsan , halka uu ku dhacay inuu kuhandadalo saaxiibkiisa xulka Mathelo Valebuena Cajalad Porn ah , qadiyadaasi ayaa aheyd sababta ugu weyn ee looga fogeeyey safka xulka diiqyada tan & sanadkii 2015, kudarso isagu waxa uu saaxiib lasoo noqday mid kamid ah dambiilayaasha waaweyn & kaganacsadaha waxyaabaha maanka dooriya & mukhadiraatka kaasoo lagu magacaabo Zinati taasoo dhawaan lakashifay umuurtaasi , warbaahinta ayaa ku tuhuntay in Kariim uu zinati kala qeyb galay qaar kamid ah falalkiisa xun xun & ganacsigiisa aan sharciga aheyn , dhamaan umuurahaasi waa waxyaabo handaday misna ilaa & haatan halis gelinaya waayihiisa kubadda cagta gaar ahaan isagoo xabsi qarka usaarnaa qadiyad walba oo kuwaasi kamid ah .

Kariim Benzema waxa uu galay taariikhda kooxda Malaki sanadkii 2014 gaar ahaan kulankii ay la yeesheen naadiga Basel ee Swittzeland taasoo kusoo idlaatay natiijo ah 5-1 maslaxadda malaki , waxa u dhaliyey goolka shanaad oo ka dhigeysa inuu dhaliyey goolkii kumaad ee Los Blancos taariikhda tartamada Yurub si ay unoqoto naadigii ugu horeeyey ee gaaray numberkaasi oo xambaarsan magaca kariim .

Tan & yaraantiisii waxa uu sheegi jirtay inuu ahaa kan ugu weyn uu ku daydo Zinidine Zidane , hada waa tababarihiisa Zizu , yaraantiisa waxa uu arki jiray Zizu oo koobab uxareynaya france sida koobka wadamada yurub & midka dunida halka Zizu uu maray isla wada kariim ee asal ahaanshaha Benzema waxa uu ka yiri shir saxaafeed: -” Zidane waa laacibka aan ugu jecelahay marwaliba waan isku dayaa xirfadiisa inaan keeno isagu waa uu iga fiican yahay inbadan waan ku nasiib badnaa inaan xirto numberka 10 aad ee xulka ” Kariim waxaa loo arkaa kan ugu dhow qalbiga dhaq dhaqaaqa ee Zidane kaaso ka horyimaada weerarkasta oo lagu soo qaado laacibka , Zidane bad baadintiisa kariim maquseynin tababarenimada kooxda lkn sanadkii 2013 bilowgii xil ciyaareedka waxa uu la dhibaatooday miizaankiisa oo kordhay taasoo booskiisa kooxda halis gelisay isagoo sidoo kale caro gelisay gudoomiyaha kooxda Florentina Prez & tababarihiisa Jose Mourinho lkn Zidane ayaa gurmadkiisa deg dega usoo diray kariim si ay ugu suuragasho inuu dhimo 8 kiilo oo miizaankiisa ah misna uusoo ceshto booskiisa safka kooxda Malaki .

Marka laga tago kubadda cagta kariim waxa uu leeyahay waxyaabo badan uu jeclyahay inuu sameeyo waxa uu jeceel daran uhayaa musica HIP HOP waxaana saaxiib shaqi ah uula yahay fanaanka raapka reer France PUPA , waxa uu jecelyahay aflaamta dagaalka , Jilaaga uu ugu jecelyahayna waa Denzel Washinton , Kariim waxa uu kamid ah kuwii ugu fiicnaa taariikhda dalka France ee ku guuleystay koobab farabadan kadib markii 8koob uulaqaaday naadiga Lyon halka 17 koob uula qaaday naadiga Real Madrid .

Daawade qodobkee kaa cajabiyey adigu dhamaan waxyaabahan aan idin soo gudbinay fadlan fekerkaaga nala wadaag Magace

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!