Tuesday, May 21st, 2019

DAAWO | Gabar si layaab leh u qiyaantay Gacaliyaheeda & Midkale ayey ka dooratay

Published on April 12, 2019 by   ·   No Comments

Majiro waxka dhadhan qaraar khiyaanada , waa mid inbadan ku dareyn siineysa in lamaanahaaga uusan ku jecleyn isla markaana uusan qadarineyn qiimahaaga waana wax in badan aad uxun ha ‘ahaato ninka ama haweeneyda .

Maanta waxaan idin soo turjumi doontaa qiso ku dhacday nin lagu magacaabo Jordan kaasoo lahaasaawayey gabar Zooy lagu magacaabi jiray , isagoo umaleynayey in sheekadooda si fiican ayku socoto inkabadan 2sanadood lkn arinka uusan Jordan ka warqabin ayaa aheyd in lamaantiisa ay qiyaaneysay isagoo aan Ogeyn maalin maalmaha zoy ayaa fariin codsi talo ay qof weydiineysay waxa ay ku qaldantahay saaxiibteeda una dirtay lamaanaheeda , waa uu helay Jordan fariinta si uu ukashifo gacalisadiisa oo u diyaar garoobeysa lakulanka saaxiibkeeda kale isagoo aan kawarqabin jordan walow hore uu ugu sheegay inuusan maalintaasi qorsheyneynin inuu aado shaqo si uu iyada waqti ula qaato balse ZOy ayaa mid kamid ah saaxiibadeeda ka dalbatay iney ku caawiso waxa aysameyn karto si aysan laba ninba ulumin , waxaana ay sheegtay in cilaaqadada laba ninba ay dooneyso iney xafidato sidoo kale waxa ay codsatay in talo laga siiyo waxa ay ka yeeleysiiyo maadaama saaxiibkeeda kale uu ka codsaday inuu waqti laqaadanayo maanta waxaana fariinteeda ayku soo gabagabeysay iney u diyaar garoobeyso iney habeen Romance ah laqaadato saaxiib keeda kale marka uu jordan shaqada aado balse lama filaanka ayaa waxa uu ahaa markii ay u dirtay dhamaan sheekadaasi Jordan lafsadiisa , Jordan waa uu carooday waxaana uu dareemay inuu qalbi jabay durbadiiba Jordan ayaa fariin qoraaleed soo dhigay bartiisa gaarka ee Twitterka isagoo leh :- ” Markii ay lamaantaada kusoo dirto sheeko aykaagala hadleyso qiyaanada ay kugu sameysay #labasano_oo aan lajoogay qiyaanooleey .

Waxa carada kusii zaa’idiyey jordan ayaa ahaa in shaqo dheeraad ah uu uqaban jiray si ay ugu suuragasho in dhaqaale uu uhelo iyada & gacalisadiisa si ay ugu safraan safar dalxiis ah sidaasi daraadeed waxa uu qoraal kale soo dhigay bartiisa Twiterka isagoo leh :- “waxaan ushaqeyn jiray 60 saac oo dheeraad ah isbuucii si ay iigu suuragasho inaan ula safro Florida hadana waxaan ogaaday iney labalan santahay shaqsi kale”.

Markii ay ogaatay Zooy waxa ay isku dayday iney dajiso isal markaana ka dhaadhiciso in fariinta ay laheyd saaxiibteeda oo ay uga sheekeyneyso riyadeeda isku daygaasi waa uu fashilmay bal Jordan ma rumeynin waxa uu soo qoray fariin kale isagoo leh :- ” waan joojiyey dhamaan diyaar garowga waxaa qosol ah iney iisheegeyso in fariinta ay laheyd saaxiibteeda oo ay kaga hadleysay riyo ay aragtay ” qiso ada ayaa noqotay mid saameyn ku yeelatay baraha bulshada waxaana laga jawaab celiyey in kabadan 52, kun mid kamid ah dadkii saaxiibka kula ahaa barta twiterka ayaa ayaa ku garab istaagay erayadan:- “xiligan uma baahnid inaad baartid & inaad raadisid qiyaanadeeda” , halka ay gabar kale soo qortay – ineysan rumeysaneynin in Zoy ay si khalad ah usoo dirtay bal waa ay ogeyd iney isagu udireyso waxeyna ubadan tahay iney kutalagal ugu soo dirtay si uga yeesho jordan mid iyada marka hore kataga.

Qisada ugu muhiimsan ee aad fariintad ka faa’iidi kartid ayaa ah in marka aad cilaaqad la jileysid qofkale aad ula tacaamusho sida akhlaaqda ugu wanaagsan oo aad u daacad ahaatid balse hadii aadan ku faraxsaneyn usheeg kuna soo gabagabee si cad sidii aadba si cad ugu bilowday .

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!