Tuesday, May 21st, 2019

Aqriso:- Taariikhda Dani Alves & Sida beerkiisa ugu bixin lahaa Abidal qiso lala ooyo

Published on April 8, 2019 by   ·   No Comments
Daawadayaasheena dunida ciyaaraha Tube asc kuna soo dhawaada muuqaal cusub !
Waxaa ay uyaqaanaan kii waalnaa bartamaha saaxiibadiisa uulasoo ciyaaray intii uu kujiray waayihiisa kubadda cagta taasoo ah kan ugu guulaha badan marka laga hadlayo guulaha uu heysto  , inkabadan 39 koob ayaa waxa ay ka yeeleen guuleystihii ugu weynaa ee dambeedka midig taariikhda kubadda cagta dadka qaarna waxa ay ku tilmaamaan dambeedkii midig ee fiicnaa taariikhda heer ahaan & guulo , muuqaalkan waxaan idinku soo bandhigi doonnaa dhinaca qarsoon ee nolosha qoobka ciyaaraha Samba , ee Dani Alves caruurnimadiisii & bilowgiisii kubadda cagta ,Haweeneyda ugu saameynta badan noloshiisa , muxuu ugu biiri waayey Liverpool , sirta diidmadiisa inuu markale lashaqeeyo Pep Guardiola , qaliinkii isqurxinta uu isku sameyey & mowqifkiisa kudayashada mudan ee Eric Abidal , dhamaan intaasi & kabadan waxaan waxaanu wadajir ugu ogaan doonaa muuqaalkan oo kamid ah sil siladaha xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aad uga barateen bartiina dunida ciyaaraha tube iyadoo qoraal ahna waxaad ka heli kartaan dunidaciyaaraha.com .
Waxa uu ku dhashay Dani Alves da Silva tuulada Guazero ee ka tirsan deegaanka bahiya 6dii bisha May 1983 , waxa uu nasab sadaa hooyo lagu magacaabo Dona ooaheyd guri joogto & aabe lagu magacaabo Domingoz waxa uu ahaa beeraley , waalidkii waxa uu sheegay inuu alves ahaa canug kaduwan walaaladiisa 4ta kale , isagoo ahaa mid ka fir fircoon  misna waxa uu jeclaa in qoyska caawiyo , waxa uu toosi jiray 4 :ta subaxnimo salaada subax kahor si uu ugu safro 30 KM oo beerta looga soo shaqeynayo ,  mararka qaarkii waxa uu iib geyn jiray waxsoo saarta dalaga beeraha , kadibna waxa uu noqday kashaqeeye halka maqaayad walaaladiisa ay sheegeen inuu saxiixi jiray darbiga guriga & buugagta iskoolka kaasoo tilmaamaya inuu sii calaamadeysanayo saxiixiisa marka uu  noqdo laacib caan ah .
Dani Alves waxa uu ahaa canug jaceel daran u hayey kubadda cagta markasta oo ay fursada u ogolaato waxa uu ahaa mid laciyaari jiray saaxiibadiisa & deriskiisa waana wixii ku riixay waalidkii inuu u aasaaso koox kubadda caggta oo ugu magacdaray Palmaraz disalter isagoo tababare unoqday , bilowgiisii ALves waxa uu ciyaaray garab weerar balse goolashiisa oo yar ayaa waalidkii uga badalay booska isagoo ciyaarsiiyey dambeed midig waana booska uuka ciyaaray dhamaan waayihiisa kubadda cagta , bandhigiisa cajiibka ah ee Palmarez waxa uu jeediyey indhaha tababaraha kooxda Bahiya Jose Carlos kaasoo kuriixday inuu kadalbado usoo wareejinta bahiya waana wixii ay waafaqeen Dani & waalidkii waliba si dhaqsado leh isagoo kulankiisii ugu horeeyey uciyaaray kooxda Bahiya sanadkii 2001 kana hortagay kooxda Parna waxaana bahiya ayku guuleysatay  3 & waxba taasoo alves oo laba gool oo kamid ah uu caawiyey halka sababteeda uu lahaa goolka 3aad oo aheyd rigoore lagu galay ALves si uu udamaanad yeesho boos rasmi oo kooxda ku yeelanayo kahor inta uusan bilaaban safarkiisa yurub kaasoo amaah lagu siiyey savilia  xili ciyaareedkii 2002.
Naadiga Savila ayaa si buuxda ula wareegtay kadib markii uu bandhig cajiib ah kamuujiyey koobkii dunida da’yarada 2003 kadib markaas oo loo doortay mid kamid ah 3da xidig ee ugu fiican tartanka , waxaana kooxda reer Andulus uulasameeyey bandhig cajiib ah , sanadkii 2006 naadiga Savilia ayaa ogolaatay iney ka iibiso Liverpool balse maamulka Reds waxey diideen iney bixiyaan lacagaha madaxiisa dulsaarnaa oo gaarayey 8 milyan oo Uero si uu usii joogo Spain oo bandhig cajiib ah uula muujiyo wiilsha reer Anduslus xili ciyaareedkii 2006 – 2007 , waxa uu ciyaaray 47 kulan isagoo dhaliyey 5 gool & guushii koobka Uefa Cup oo haatan loo yaqaano Uerope league , kadib waxaa usuuragashay inuu helo jinsiyadda dalka Spain si uu uga badbaado qawaaniinta ajaanibta ah ee yurub isagoo sidaas kunoqday mawaadin yurubiyaan ah .
“Masiibo qowm ku dhacday qowm ayey faa’iido utahay ” sidaas ayaan kusifeyn karnaa xaaladda Alves & Barcelona , laacibka reer Brazil waxa uu qarka usaarnaa inuu ku biiro horyaalka dalka Ingiriiska gaar ahaan naadiga Chelsea ee Englannd naadiga reer London waxa ay Savilia usoo bandhigtay 23 milyan oo Uero waana number aad uweynaa waqtigaasi lkn gudoomiyihii naadiga waqtigaasi Jose maria dilnido waxa uu diiday dhamaan dalabyadii laga keenay laacibka si uu usoo baxo laacibka oo savilia uga dalbado inuu baxo isagoo u arkayey iney aheyd fursad markale aan usoo laabaneyn , waxaa bilowday dagaal afka oo dhex maray alves & gudoomiyihii waqtigaasi ee savilia lkn geeridii xanuunka badneyd ee saaxiibkiisa kooxda Antonio Puerta ayaa ku qasabtay inuu aamuso isla markaana kooxda uulasii joogo xili ciyaareed kale & balan qaad gudoomiyaha naadiga oo ahaa inuu baxayo xili ciyaareedka xiga waana waxa ay kafaa’iideysatay naadiga Barcelona , iyadoo sidaasi kula saxiixatay dambeedkii midig ee ugu fiicnaa taariikhda muqaabil ahaan 23 milyan milyan oo euro lagu daray 7 milyan oo ku xirnaan doonta bandhigyadiisa & koobabka uulaguuleysto kooxda & lacago madaxiisa ladulsaaray oo gaarayey 90 milyan oo Euro .
Mowqiffkii mooska , dhacdadii mooska waxa ay aheyd tiisii ugu caansaneed ee ku qabsatay garoonka gudihiisa intii uuku jiray waayihiisa kubadda cagta , 27 kii April sanadkii 2014 intii lagu gudajiray kulankii Barcelona & Vallareal mid kamid ah taageerayaasha Jaalaha ayaa moos kusootuuray Dani Alves ilbiriqsi cunsiriyadeed oo aad ufool xun lkn ayaa si mucjiso ah u isticmaalay mooska isagoo dhulka kasoo qaaday deedna fiiqay oo cunay kahor inta uusan tuurin Koornada , waana uu kahadlay dhacada isagoo leh :- ” Cunsiriyadda noocan ah dhowr jeer ayaan ku waajahay dalka Spain sahal maahan inaad badashid caqliga qaar kamid ah dadka lkn arinka hadii aadan muhiimad siinin magaari doonaan hadafkooda” , Alves ayaa nasiib uyeeshay garab istaag balaaran oo ay usameeyeen xidigaha caalamiga kubadda cagta oo ay ugu horeeyaan Neymar , Samuel Eto , & kuwo kale kuwaas oo barahooda bulshada ku baahiyey sawiro iyagoo cunaya moos .
Dani Alves waxa jira arin bulshada kubadda cagta siweyn ay u hadal heysay balse isagu si rasmi ah uusan shaacin waxaa la tilmaamay in qaliin qurxin ah uu isku sameeyey iyadoo loo daliishanayo faqriga udhaxeeya sawiradiisa hore & kuwa maanta gaar ahaan bilowgiisii Savilla , waqtiga barca & muuqaalkiisa hada , waxaa lasheegay in qaliin uu isku sameeyey isla markaana uu dhagihiisa usoo dhaweeyey madaxa kuwaas oo markii hore aad uga fogaa , waana isla qaliinkii uu isku sameeyey Gareht Bale oo isaguna aan shaacin isla waqtigaasna ma inkirin Alves arinkaasi .
Dani Alves waxa ku uu ictiraafay wareysi uu bixinayey inuu yahay mid siweyn ujecel Romancenimada , waxaa uu ku cabiray in haweeneydii ugu muhiimsaneed noloshiisa soo martay ay aheyd xaaskiisa hore Dinora Santana , waxa uu bilowday xiriirka Alves & Dibora 1gii bishii janaayo 2005 si ay lamaanahan u go’aansadaan sanadkii 2008 kadib sadex sano oo jaceel jilayeen balse 3sano kadib guurkaasi waxa ay ku heshiiyeen sanadkii 2011 iney kala tagaan , mana lakashifin sababta dhabta ee kadambeysay lamaanahan kala tagooda , waxa ay udhashay gabadhan Alves laba caruur ah Daniel & Vitoria , walina kama zuulin in cilqaadooda aad uwanaagsantahay , inkastoo aykala tageen hadana weli jilaa Diora waxey sharaako ku yihiin 5 shirkadood 3 kamid ah waxey ku yaalaan Spain halka labana ay dhacaan dalkooda hooyada ee Brazil waxaana siweyn ay ucaawisaa waqtiga dhaawacyada waxey isku sifeysay hooyada , walaashii & saaxiibtiisa , bishii June 2017 alves waxa uu go’aan saday inuu guursado lkn markan waa gabadha fashionka sameysa ee kayar 10ka sano Juana zaz waxey arooskoodu ku tunteen xaflad dagan oo jaziirada Ebiza lagu qabtay .
Inkastoo xiriir wanaagsan uukala dhaexeeyo Pep Guardiola & dambeedkii midig ee hore Barcelona , waliba Pheylasuufka kubadda cagta waxaa uu ahaa qofkii soo saaray bandhigiisii ugu fiicnaa ee kubadda cagta kana dhigay dambeedkii ugu fiicnaa intii uu la joogay jiilkii dahabiga ahaa ee koxoda Barcelona lkn Alves waxa uu diiday laba jeer inuu lashaqeeyo marka hore waa markii barcelona uuka tagay taasoo Pep uu ka dalbaday inuu kula soo midoobo kooxda Manchester City & iney markale wada shaqeeyaan lkn Alves waxa uu ka doorbiday inuu ujaheysto magaalada Torino si udamaanad qaado kuguuleysiga waliba ka deg deg badan City , marka labaad waa waqtigii uu katagay Juve taasoo Pep uu kadalbaday inuu kusoo biiri Ctizens lkn dalabka dhaqaale Paris ma aheyn mid ladiidi karay si uu ugu dambeyn ugu wareego kooxda caasimadda halkaasina  aykusoo idlaato rabitaankii Pep .
Dani Alves waxa uu kamid yahay laacibiinta ugu badan ee isticmaala shaabadaha jirkiisa waxa uu ku kusumuday shaabado faro badan oo laxiriira waxyaabo u gaar ah noloshiisa, xabadkiisa waxa uu ku qoray magaca canugiisa Daniel & taariikhda dhalashadiisa luqadda Romaniyiinta halka calooshiisa uuku calaamadeeyey magaca gabadhiisa Votoria & magaca waalidkii , halka garabkiisa uuku sameeyey shaabad hooyadii ah misna uu kaga jeedo dowrka ee kaga laheyd noloshiisa & tan qoyskiisa .
Inkastoo waali lagu tilmaamo Dani Alves marka uu Cameradaha hor joogo hadana waxa uu leeyahay mowqif cajiib ah oo ay adagtahay in naad soo heshid mid lamid ah , waxa uu kusoo muuqday si kudayasho mudan kadib xanuunkii saaxiibkiisa kooxda barcelona ,  dambeedkii bidix ee hore Eric Abidal , waxaa lawada ogsoon yahay in Abidal uu qabay xanuunka kansarka beerka, waana wixii ku qasbay inuu joojiyo ciyaarista kubadda cagta in mudo ah waqtigii uu joogay kooxda Blugrana , lkn arinta soo jiidashada leh ayaa ah in Dani alves uu usoo jeediyey in beerkiisa qeyb kamid ah  uu siiyo Abidal si loogu sameeyo qaliinka abuurka beerka & ka bad baadinta xanuunkan laacibka , waxa uu yiri Eric Abidal hadal uu siiyey Jariiradda As ee dalka Spain sanadkii 2013 :- ” calaaqadeyda Alves waxa ay kaweyn tahay saaxiibtinimo , markii ay dhaqaatiirku ay ubaahdeen iney sameeyaan qaliinka abuurista beerka dani waxa uu doonay inuu beerkiisa ii hibeeyo lkn taasi iney dhacdo waxa ay aheyd mid mustaxiil ah sababtoo ah arinka waxa uu quseeyeyy laacib caalami ah” , inkastoo uu diiday Abidal dalabka alves ee ahaa inuu beerkiisa qeyb loo bixiyo hadana waxa uu sii joogteeyey garab istaaga saaxiibkiisa & xirashada numberka 22 aad kadib marki abidal uu katagay kooxda Blugrana isagoo tilmaamaya inuu weligii garab taagnaan doono saaxiibkiisa.
Kuwani waxa ay ahaayeen xaqiiqooyin ku saabsan nolosha Dani Alves Maxaa kaa cajabiyey daawade ?

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!