Wednesday, September 18th, 2019

10ka xidig ee bahdilay Macalimiintooda & Messi & Ronaldo & Keppa

Published on April 4, 2019 by   ·   No Comments

Daawada yaasheena dunida ciyaaraha tube asc kuna soo dhawaada muuqaal cusub !

Waxaa uu ahaa muuqaal ka fajaciyey dhamaan cushaaqda kubadd cagta waxa uu kamid ahaa muuqaalada aan ka go’doonin xusuusta qofkasta , maaha ciyaariyahan midka kale maagay , mid garsoore wax ay dhex mareen bal waa ciyaariyahan ku caasiyey Macalinkiisa , markan actarka waa Kepa Arizabalaga goolhaya xulka qaranka Spain , Maxey aheyd doodii macalinka & xidiga , Muuqaalkan waxaanu eegi doonaa kahor Kepa kumey ahaayeen xidigaha caasiyaasha ee diiday amarka macalinkooda ma Ogtahay inuu Messi kujiro hakareebin Ronaldo & kuwo kale oo aadan hore umaqal balse maanta aad kaga bogan doonto Video gan oo kamid ah sil siladaha xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aad uga barateen bartiina dunida ciyaaraha Tube iyadoo qoraal ahna waxaad ka heli kartaan dunidaciyaaraha.com .
1. Super Mario Boloteli :- Weeraryahanka reer Taliyaani ayaa kasoo horjeestay amarka macalinkiisa & ninka ay isku wadanka yihiin ee Robert Mancini intii lagu guda jiray ciyaartii kooxaha Manchester City & Los angles Glaxy ee dalka mareykanka sanadkii 2011 bixitaankiisii waxa uu la murmay macalinka isagoo kusigtay inuu ugacan qaado Tababaraha , xiriirka laba dhinac ayaa ahaa mid aad uxumaa isla markaana cilaaqadoodu waxey sii galeysay jawi mugdi leh isla waqtigaasi waxaa la xasuusan yahay in tababarka ay gacmaha isula tageen intii lagu guda jiray tababarka ee Manchester City waxeyna kamid aheyd sababihii uu isaga diray Super Mario , sidaasi oo ay tahay Mancini ma qarinin jaceelka uu uqabo Boloteli isagoo carabka ku adkeeyey inuu yahay laacib aad u fiican lkn maxukumi karo caradiisa .
2. Xusaam Qaali :- Laacibkii hore ee Masaarida ee iscasilay ayaa si adag uga soo horjeestay  go’aanka tababarihiisa Tottenham ninkii holandeeska ahaa Martin hiul badalkii lagu sameeyey Xusaam aad buu uga carooday kulankii kooxdiisa ay ka hortageysay Kooxda Gunners Arsenal , markii uu sii baxay waxa uu siibay fanaanadiisa isagoo ku hortuuray fanaanadda tababaraha hortiisa , dhacdadaasi kadib naadiga reer Ingiriis ayaa go’aansatay iney kamaarmaan xidigan isla markaana ka diray safta Wiilasha White hart Line , Qaali ayaa mowqifkiisa ku adkeystay waxa uuna sheegay in naceyb gaar ah uu tababaraha uqabay isla markaana uu isagu ugaarsan jiray Isagoo leh :- ” Badalkeygii ugu dambeeyey waxa uu yimid anigoo xitaa si fiican u ciyaaray ” balse tababaraha Holandeeska ah ayaa beeniyey warkaasi kahor inta ay maclain & laacibka ku heshiinin isla markaana wadajir aysan isula shaqeyn naadiga ahli ee wadanka masar.
3. Ahmied Xusaam Midu: -Xidigii hore ee xulka qaranka masaarida kooxaha Ajax & Tottenham Hosper , ayaa isku dhac xoogan dhex maray ,macalinkiisa xulka qaranka Xasan Shaxaata kadib markii uu kadalbaday inuu garoonka kasoo baxo si loogu badalo camr Zaki ciyaar ka tirsaneed Semi finalka koobka Qaramada qaaradda afrika oo ay faraacinada ka hortagayeen xulka wiilasha madow ee Senigal sanadkii 2006 , arinta & isjiid jiidka ayaa keenay inuu soo kala dhexgalo captanka xulka xusaam xasan , Midu waxa uu diiday inuu ka jawaabo go’aanka macalinkiisa , waxaana uu sameeyey fal jees jees & ihaano ahaa oo ka dhan ah macalinka , waana arinka carada kusii ziyaadisay shaxaata oo ku adkeystay inuu soo baxo midu waana wixii dhacay ugu dambeyn , cilaaqadooda waxey aheyd mid aad uxumeyd xitaa sanado kadib lkn ugu dambeyn waa ayka heshiiyeen waxaana midu madaxa uu ka shumiyey macalinkiisa uuku xad gudbay ee xasan Shaxaata kadib markii uu kubadda iskacasilay isla markaana uu isku badalay dhanka tababarida  , midu ayaa madaxa macalinka qaabilay markii uu tababare u ahaa naadiga Ismaaciili halka uu xasan Shaxaata macalin u ahaa naadiga muqaawiluunal carab.
4. Adam Liayich :- weerarka reer Serbia ayaa atoore ka ahaa qisadan loogu gafay macalinka & mowqifkan yaabka leh oo uu kaga soo horjeestay go’aanka macalinkiisa Del Rosi  Fiola sanadkii 2012 ,  isagoo aflagaadeeyey si uu tababaraha feer ugala daalo talaabo macalinka taliyaaniyeeska  Rossi ka yeeshay mid mugdi gelisa waayihiisa kubadda cagta isla markaana waxaa uu hooy unoqday eedaha & weerarka warbaahinta reer Taliyaani , iyadoo sidoo kale naadiga fiorantina ay go’aansatay iney dirto macalin dela rossi oo ugu dambeyn isagu uga cudur daartay wixii uuku sameeyey xidiga , Lkn laacibka reer Serbia isma seejin fursadkasta oo uu ku daan daansanayo tababarihiisa misna uuku yareynayo tayada macalinkiisa , iyadoo xusid ay mudan tahay in Tababare Dela Rossi uusan tababarin koox weyn kadib dhacdadaasi .
5. Dani Alves:- Dambeedka midig ee Samba ayaa siweyn uga soo horjeestay go’aanka badalkiisa ee Luis Enrike , kahor 15 daqiiqo ciyaartii Barcelona ayka hortageysay kooxda Manchester City oo katirsaneed horyaalka qaaradda yurub ee Uefa Champions league , waxa uu si xoogan dhulka uu ugu dhuftay caaga biyaha isaga xitaa isdhaawici gaaray natiijada habdhaqankiisa yaabka lahaa , Alves ayaa daqiiqado kahor waxaa haleelay dhaawac kaasoo keenay go’aanka badalkiisa laga yaabee inuu doonay Lius Enirkie inuu nasiiyo si aysan halis ugalin xaaladiisa caafimaad , sidaas oo ay tahay uma cuntamin alves kaasoo sameeyey hab dhaqan aan wanaagsaneyn oo warbaahinta oo idil hadal heyn badan ka keentay.
6. Francesco Totti :- Halyeeygii hore ee kooxda Roma ayaa diiday sanadkii 2009 go’aanka tababarihiisii waqtigaasi Cloudio Ranieri badalidiisa kulankii Torino isagoo ujeestay dhanka Tababaraha lana hadlay islamarkaana dib ugu laabtay garoonka si loo saaro laacibkale , dhacdadaasi Totti ayaa ka guuleystay macalinkiisa balse habadhaqankaasi ka dhanka ah macalinkiisa ayaa hadal heyn badan ka dhalatay , iyadoo dad badan ay layaab kunoqotay in garoonka uukusii jiro waqti uu  macalinkiisa doonay inuu badalo islamarkaana uuku qasbo Tababare Rinieri inui badalo xidig kale , dhacdadan ayaa ah bar madow oo boog kaga dhigan waayaha quruxda badan ee Francesco Totti kaasoo waqtigiisa oo idil kusoo qaatay kooxda As Roma waliba iyadoo ay jireen dalabyo waali ah oo laga keenay xidiga kana yimid naadiyada waaweyn ee yurub.
7. Cristiano Ronaldo :- Lama cajabin xidiga Portugal go’aanka macalinkiisa Zinidine Zidane ee badalidiisa kulankii Real Madrid & Las Palmas xili ciyaareedkii 2016, waxa uu baxay isagoo careysan waliba waxa uu la weydaartay kalmado intii uu fadhiyey kursiga keydka , Zizu ayaa go’aansaday inuu badalo Cristiano Ronaldo daqiiqadii 72aad si loosoo geliyo Luskas Vascez , Camerooyinka ayaa soo qabtay Ronaldo oo gacantiisa ku garaacaya kuraasta keydka kana careysan go’aanka Zizu uuku badalay , Zidane ayaa kahadlay go’aanka uuku badalay Ronaldo isagoo leh:- “go’aankeyga badalida Ronaldo Kulanka Laspalmas waxa uuku yimid inaan leenahay kulan adag oo horyaalka qaaradda Yurub ah , Cristiano waxa uu ciyaaray 70 daqiiqo waxaana waajib aheyd inaan nasiino kulanka Champions league dartii xitaa hadii uusan isagau dooneynin “.
8. Lionel Messi :- Dadkoo idil ayaa la fajacay markii uu iska indha tiray dalabkii macalinkiisa Luis Enrikie kasoo uu uga dalbaday inuu badalo , waxa uu utuuray gacantiisa isagoo u tilmaamaya sida uu udiidan yahay go’aankiisa intii ay socotay ciyaartii Barcelona & Ebar sanadkii 2014 , Tababaraha ma helin wax ushafeeca kadib markii uu ku caasiyey ciyaariyahankiisa , waxa uu garoonka kasaaray Neymar si uukeeno Mounir Al xadaadi , Leo Messi kulankaasi waxa uu dhaliyey gool daqiiqadii 72aad sida caadada waxa uu aaday dabaal deg balse markii uukasoo laabanayey Luis Enrike ayaa iskudayey inuu lahadlo si uu ugu sheego inuu soo galayo Mounir , ma aheyn laacibka ilaa uu iska indha tiray waliba isagoo aan u jawaabin.
9. James Redrogez :- Laacibka reer Clombi ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aanka tababarihii hore ee Real Madrid Rafael Benitez inuu badalo kulankii Real Sociedad waxa uu baxay isagoo aan salaamin macalinka waxaana dhulka uuku tuuray fanaanadiisa markii uu fariisanayey kuraasta Keydka , waxa uu eedo kalakulmay james Jamaahiirta & qaar kamid ah warbaahinta Spain oo ku tuhmay ixtiraam daro & xad gudub ka dhan ah macalinka  halka daliil ahaan aykaga dhigtay sida ay daciif utahay shaqsiyadda Benetez kaasoo waayihiisa malaki waxbadan aan sii socan si loo ceyriyo isla markaana uu uyimaado Macalin zidane oo isaga dhaxlay.
10. Kepa Ariza Balaga :- Goolhayan reer Spain ayaa noqday kii ugu dambeeyey ee loo diiwaan geliyey caasinimo , waxa uu sameeyey fal hadal heyn badan dhaliyey kulankii naadigiisa chelsea ayka hortageysay naadiga Manchester City finalkii koobka Carabao Cup , waxa uu diiday dalabkii macalinkiisa  Mourisio Sarri kaas oo doonay inuu badalo daqiiqadihii ugu dambeeyey qeybtii dambe waqtigii dheeri ahaa ee lagu daray , tababare Sarri ayaa doonay inuu ciyaarta kasaaro Keppa isla markaana kubadalo Wilian Cabalerio waqtigii qarka loosaarnaa rigoorooyinka lkn goolhayaha ayaa dadka oo idil ka fajiciyey kadib markii uu diiday inuu kabaxo garoonka si kasto oo leysugu dayey in loo qanciyo , sida duufaan oo kale Sarri ayaa caro gil gishay , jawaab celin yaab laheyd ayuu Sameeyey kuna sigtay inuu fanaanadiisa jeexo , arinka layaabka laheyd ayaa ah markii ciyaarta dhamaatay in sarri uu sheegay inu Keppa uu xaq kutaagnaa markii uu diiday kabixiyaanka garoonka waa uu hadlay Sarri isago leh :- ” Waxa uu ahaa isfaham daro waxaan doonay in Cabalerro uu matalo rigoorada lkn waxa uu doonay inuu iisheego inuu diyaar uyahay qabashada rigoorada , xaq buu ku taagnaa lkn waxa uu udhaqmay qaab aan quruxbadneyn , dhacdada wiilkan qoorta dheer ee reer Spain ayaa gaartay iney ka fariistaan maamulka naadiga si loogu ciqaabo in lagooyo hal todobaad oo mushaharkiisa ah halka uu macalinka uu keydka ku cabay kulankii xigay ee Tottenham isla markaana uudoortay Wlilab Cabalero , ilaa ay timaado maalinkii laacibka & macalinka ay dib uheshiisiin dhab ah ay dhexmarto oo sheekada lagusoo afmeeray in dib loo wada midoobo .
hadaba daawadayaal Xidigee isleedihiin waa midka ugu caasisan ee diiday awaamiirta macalinkiisa !

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!