Sunday, July 21st, 2019

Xidigaha 20 jirada ee Suuqa loogu doon doonis badan yahay waa Kuma ?

Published on December 10, 2018 by   ·   No Comments

Asc Akhiyaarteena Dunida Ciyaaraha Tube kusoo dhawaada Muuqaal Cusub.
Sanadba Sanadka ka dambeeya Dunida kubadda Cagta waxaa kusoo kororta Xidigo Cusub Qaarkood waa kuwa halkooda ka Joogteeya Bandhigooda halka kuwo kalena Xidignimadooda Waxey kusoo koobantaa Da’yarada kadibna waa ay Lumaaan.
Xili Ciyaareedkan Waxaa Jira Xidigo badan oo kasoo muuqday Kooxda 1aad ee kooxdooda.
Muuqaalkan Waxaan idinkusoo Koobi Doonnaa Xidigaha da’da yar ee aan Gaarin 20 ka Sano kuwaas oo Sida weyn Suuqa kala Iibsiga loogu Hadal Heynta Badan yahay, qaar kood waa Xidigaha Xili Ciyaareedkan Kuwa kalena Waxeyba Musharixiin uyihiin Kuguuleysiga Abaalmarin Ballon Dior Abaalmarinta kubadda Dahabka. Nala Daawo Muuqaalkan.

1. Petro Pelegri :- weeraryahanka reer Taliyaani, Wiilka 17 Jirka ah waxa uu Dhaliyey Gool markiisii ugu horeysay ee uu kasoo muuqday Kooxdiisa Genoa Bishii December 2016, Waqtigaasi Xitaa muusan buuxin  da’da 16 jirka, Isagoo sidaasi ku Noqday laacibkii ugu Yaraa ee Ciyaara Taariikhda Calcio, Wixii waqtigaasi ka dambeeyey waxa uu Plegri lasoo baxay mowhibad weyn, Waxa uu dhaliyey 3 Gool 10 Kulan, Waxa uu bur buriyey Rikooro waaweyn, Waxa uu halkiisa kasoo waday Bandhigisa quruxda badan ilaa kala barkii Xili Ciyaareedkii tagay Markaas uu siweyn usoo jiitay indhaha Kooxaha Waaweyn ee Yurub oo ay ugu Horeyso ka Kuluumeysatada Mawaahiibta da’da Yar ee Manoco Markii uu kubiirayna Waxa uu dhaliyey Gool kaas oo ka dhigay kii ugu da’yaraa ee Shabaqa soo Taabta Taariilkhda Kooxda Wuxuu sidaasi ku bur buriyey  Numberkii Mpappe waxaana la Filayaa in Marka uu furmo suuqa kala iibsiga ay kooxo badan dalab ka gudbiyaan.
2. Mathio Gondozi :- Masugeynin Laacibka reer Farance balse Asal ahaan kasoo Jeeda Marroco inuu Boos ka Xirto shaxda 1aad ee Macalin Uni Emry Xili ciyaareedkan, Durbaba waxa uu bandhgiisa ka sare maray Dhamaan Saadaalinta, Warbaahinta Ingiriiskana Amaan ugu qabeeyeen , 19 Jirkan ayaa kubadda kasoo bilaabay Akademiyadda Paris Santi German, Sanadkii 2014 Wixuu kubiiray Naadiga Lorien laba Xili Ciyaareed oo aad uqurux badan uuku qaatay kooxdaasi Waxaa la dhacay Bandhigiisa Tababaraha Gunners Uni Emry , Waxaana haatan Muhiim uyahay qadka Dhexe ee Naadiga Arsenal, Waxa uu ilaa haatan ka qeyb galay 10 Kulan oo si wacan kusoo muuqday, Inkastoo ay Adagtahay in Arsenal ay iibiso hadana waxaa Jira kooxo waaweyn oo sheeda ka eeganaya Xidigan 
3. Malang Sar :- wiilkan reer France ee 19 jirka ah Tan & Markii kasoo muuqday Kooxdiisa Nice ee France oo waxa uu ahaa mid bandhigiisa kordhayey ,2 dii Sano  ee lasoo dhaafay waxa uu noqday mid kamid ah Difaacyada da’da yar ee ugu Fiican Caalamka, Waxa uu heystaa awood Jir ahaaneed oo Xoogan oo Sabab u aheyd inuu Booskiisa  ka xirto Xulka Da’yarada France & Kooxdiisa Nice, Ninkan Waxaa Siweyn udoon doonaya in adeegìisa ay helaan Naadiyadda Chelsea & Barcelona , Isagoo waliba noqday mid kamid ah difaacyada da’yarada ugu Fiican Caalamka.
4. Matias Dilekht :- wiilkan waxaa loo arkaa mid kamid ah Difaacyada Ugu Culus dalka Holand Xiligan, marka La eego bandhigiisa Cajiibka ah ee Garoomada uuka Sameynayo gaar ahaan Xili Ciyaareedkii tagay 53 kulan uu  lasoo muuqday Kooxdiisa Waqtigaas oo si wanaagsan ugutay Waajibaadkiisa, Isagoo dhaliyey 6gool kuwo kalena Caawiyey lagu daray Qaab Ciyaareedkiisa Xulka Qaranka Holand, Waxa uu bur buriyey Rikoor uyaalay Kooxdiisa Ajax dhamaadKII Europe League 2016 Isagoo Sidaa ku noqday Kii ugu Yaraa ee Taariikhda Final Uerope ah Ajax umatala Waxaana la Filayaa in Bilowga Suuqa kala Iibisga uu wiilkan kooxaha Barcelona Ama kuwo kale oo ka dhisan Yurub  uu aadi waxaana aad u adag ib Ajax ay ku qanciso wiilkan inuu meelna uga dhaqaaqin. 

5. Justin Klivert :- Waxaa dhici karta Wiilka Gooldhaliyihii hore ee Barcelona Patrik Klivert inuu go’aansaday inuu maro wadada Aabihii sanadihii Tagay Wiilkan waxa uu kasoo baxay Akademiyadda Ajaz amisterdam, bilowgiisii kooxda da’yadda ayaa bandhig cajiib kasameeyey kahor inta aan kooxda Weyn lagu soo darin,, Waxa uu ku Caan baxay ka Ciyaarista Garabka & awood gool dhalineed oo cajiib ah kahor inta aan si rasmi ah loogu soo gudbin kooxda 1aad bishii janaayo 2017, halkaasi waxaa uu kusoo bandhigay shaqsiyad weyn waxa uu ka qeyb galay 56 kulan Xili ciayareed & bar, Waxa uu dhaliyey 13 gool siwacan ayuuna uga soo dhalaalay booskiisa taasoo ka yeeshay iney si weyn udoon doonaan Kooxaha Barcelona, Arsenal & Manchester United balse Isagu waxa uu doortay Kooxda Roma Xili Ciyaareedkii tagay, Heshiis 18 Milan oo warbaahinta Taliyaaniga ku tilmaantay Lasoo wareegtistii Kudayashada ah ee Mowhibad Mustaqbal weyn sugaya.
6. Ashraf Xakiimi :- waa mid kamid ah Jiilka kasoo baxay Academiyadda Castila ee Real Madrid Sanadkii 2016 markii bandhig cajiib ah uu ka sameeyey Naadiga Dayarada Madrid Zinidane Zidane ayaa Go’aansaday inuu ku biiriyo Kooxda waaweyn, waxaa uu ciyaaray 17 kulan isagoo 2 gool dhaliyey Kooxdana waxa uu kula guuleystay Koobkii Naadiyadda & Champions League balse imaanshihii Odrizola lagu daray Joogitaanka Carvacal booskiisa waxey ciriiri gelisay booskiisa waxaana la amaasiyey  Naadiga Dortmond, Xiligan waxa uu kamid ah mid kamid ah Laacibiinta loogu hadal heynta badan yahay Bundusligaha Jarmalka, 6 kulan uu ciyaaray waxa uu dhaliyey hal gool 6 kalena waa uu caawiyey oo aykamid ah 3 caawin oo kulankii Athletico Madrid ah inkastoo milkiyadiisu ay Real Leedahay waxaa siweyn u doonaya kooxo ayka mid yihiin Inter & Tottenham..
7. Chadon Sancho:- kadib markii uu Ogaaday iney adag inuu Fursad ka helo Shaxda Macalika reer Spain Pep Guardiola Tababaraha Sky Blues waxaa Garabka reer Ingiriis uu Go’aansaday inuu aado Brussia Dortmond , hal ciyaareed kadib waxaa si qurux badan usoo bidhaantay Mowhibadiisa isagoo xili ciyaareedkan kamid ah noqday Tiirarka Aasaasiga waxaaana siweyn udoon doonaya Kooxo waaweyn oo ay kamid atahay Athletico Madird Naadiga reer Taliyaani Roma & arsenal waxaana sababta ugu weyn ay tahay in Dortmond aysan Xafidan Xidigaheeda.
8.Gian logi Dana Ruma:- Dadka Qaarkii waxey ku Micneeyeen Dhaxal sugaha rasmiga ah ee Ilaalinta Shabaqa xulka Taliyaaniga , waliba iyadoo ay jirto eedaha loo Jeedinayo Xiliyadii ugu dambeeyey lkn wuxuu ahaanayaa Mowhibad aan caad saarneyn , Danaruma waa mid kamid ah ardayda ka aflaxday Academiyadda Milan ee Dalkaasi Taliyaanida, kooxda 1 aad waxaa lagu soo daray Sanadkii 2015 isagoo jira kaliya 16 waxaana uu noqday Goolhayihii 2aad ee ugu yaraa ee Taariikhda Calcio ka ciayara, waxa uu maaweeliyey Daawadayaashiisa tan & intii uukusoo muuqday Fanaanada Rosaneri Ac Milan, wadadiisa & Mowhibadiisa aan caadiga aheyn ee ilaalinta Shabaqa tan & waqtigaasna waa Goolahayaha 1aad ee Ac Milan , waa mid kamid ah goolahayeyaasha ugu Fiican Yurub sidaa daraadeed waxaa doon doonaya Kooxo badan oo ay dhici karto iney dalab ka gudbiyaan marka uu furmo Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
9. Vinicoius JR :- Kadib markii uu ka qeyb galay tartankii Kooba Ameerika ee kayar 17 ka Sano Waxa wiilkan Garabka uu noqday kii ugu Qaalisanaa da’da 16 jirka , markii ay ogolaatay  Real Madrid iney bixiso 46 Milyan oo Uero oo ay siiso Naadiga Valamengo si ay uhelaan adeegga Venicios JR, Mowhibada Vinicios waxey aheyd mid u muuqata dhamaan dadka intii lagu guda jiray kulamadii diyaar garowga Bilowga Xili ciyaareedka, waxa uu soo bandhigay awood caajib ah waxa uu Fursad u helay in marki ugu horeysay lagu soo bilaabo Kooxda 11 aad maalmo yar kahor markii Kooxda ayka hortageysay Naadiga Malilia Tartankii Koobka Boqorka, waxaa uu yahay mid kale oo siweyn looga doon doonayo suuqa kala iibsiga  balse macada in Real Madrid ay oglaan doonto iney Xitaa Amaah kujirto.
10.Kilian Mpappe:- Majiro cidka Fiican Weeraryahanka Garabka ah si liiskan u hogaamiyo, Arinta kaliya ma suqeyso Mowhibad da’yar oo awood ku qabsatay Dunida kubadda cagta balse waxa mid kamid ah 3da ugu Fiican caalamka Sida ay dad badan u arkaan, Mpappe oo kasoo bilaabay tareeenkiisa kubadda cagta Naadiga Mannoco kagana gudbay Paris, Waxaa si weyn udooneysa Naadiga Real madrid Barcelona  Inkastoo aan la gaarin waqtigii dalab laga gudbin lahaa hadana waxaa jira doyaar garow xoogan oo loogu jiro sidii nin loosoo xira gelin lahaa Kooxaha waaweyn ayaa ku dagaalamaya balse Paris lafteeda waa ay adkaan doontaa iney si fudud ku dhiibto xidigahan.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!