Sunday, November 17th, 2019

Tobanka Xidig ee loogu doon doonis badan yahay Suuqa kala iibsiga

Published on December 10, 2018 by   ·   No Comments

Daawayaasheena Dunida CIyaaraha Tube Asc, Kuna soo dhawaaqa Muuqaal Cusub.
Iyadoo aysoo dhawdahay gabagabada Qeybta hore ee Xili Ciyaareedka, Kooxo badan waxa ay bilaabeen dhaq dhaqaaq ku aadan Suuqa & sidii ay safkoodu  u xoojin lahaayeen Gaar ahaan Naadiyada Waaweyn kuwaas oo bandhig Liita lasoo shirtagay taasoo aan u dhadhameynin taageerayaasha & Cushaaqda Kooxahaasi, Waxaana Ficil ahaan bilowday Heshiisyo Waaweyn oo badan kood ay dhici doona Bisha Janaayo ee Nagu soo aadan, halka kuwa kalena dib loogu dhigi doono  ilaa dhamaadka Xili ciyaareedka, Sidaa daraadeed Muuqaalkan waxaan idinku soo gudbin doonaa Saaxiibada aanu Jecelyahoow 10 Heshiis ee ugu waaweyn ee la Filayo iney dhacaan Bisha Janaayo ee Soo aadan ee Nala daawo, 
Inta aanan bilaabin Muuqaalkan  Waxaan ku xasuusineynaa Inaad Subscribe Saartid Like Si Marka aan muuqaal soo gelino uukuu soo Gaaro Sidoo sii share Garee oo Asxaabtaada kula Wadaag baraha Bulshada Sida Facebook, Intigram whats Up, Google+ & Dhamaan adeeyada kale ee lamidka  aad baad umahadsantihiin Sida aad ugu Xiran tahay Barteena Dunida Ciyaaraha Waqtiga Waxaan Heegan unaahay Raali Gelintiina.  

1. Matis Delekh & Frank Dejonk:- Da’yarada Kooxda Ajax amistardam ayaa siweyn ugu dhow iney kamid noqdaan Safka Barcelona, Jariirada Sport ee kasoo baxda Catalonia waxey sheegtay in Difaaca Matis Deleckt uu hadafka 1aad uu yahay Maamulka Barcelona oo u aragta badalka Mustaqbalka Gerrad Pique isla markaana lagu Xoojiyo qadka Difaaca, iyadoo ay jirto dhaawacyo hareeyey Varmalen & Umtitti, Jariiradda ayaa intaasi ku dartay in Maamulka Ajax ay go’aamiyeen Lacag dhan 50 Milyan oo Uero in lagu iibiyo laacibka hadii leysku waafaqo Bisha January ee nagu soo aadan, Waana wax keeni kara in Barcelona dib udhigto Heshiiska ilaa Xili ciyaareedka dambe iyadoo rajo kaqabto in Ajax hoos udhigto qiimaha Xidiga, Hadii aanu eegno Frank De Jong Masuuliyiinta barcelona ayaa dagaal ugu jira Sidii Heshiiskiisu ay udhameyn lahayeen Bisha Janaayo, inkastoo Heshiiska Ninkan uu fashilmay Xiliciyaareedkii tagay sababo ku aadan qiima Barcelona ay soo bandhigtay halka ay dhici karto ay Barcelona Hal heshiis ay ku qaadato labada Xidig ee Reer Holand iyadoo lagu heshiinayo lacago Munaasab u ah labada dhinac.
2. Aron Ramsey:- Lagayaabee in Wiilka reer Wales ay wadadiisu tahay inuu baxo marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee soo socda kadib Markii wadahadalada Heshiis Cusbooneysiintiisa ay gaareen Meel Rajo beel ah iyadoo taasi ay jirto Jariirada Calcio  Marceto  ee dalka Taliyaaniga ayaa sheegtay in Juventus ay wadahadalo la bilowday Wakiilka Xidiga kadib dalabkii Tababare Masimiano Alegri kaasoo siweyn ula dhacsan adeega Wiilkan reer Wales.Ramsey ayaa waxaa siweyn udoonayey maamulka Liverpool balse markii waa ay ka laabatay iyadoo ku eed sheeganeysa in Asluubta ciyaareed ee Xidiga & Tababare Klop aysan isku mid aheyn.
3. Malcom Di Olivera:- Xidiga reer Brazil ee Barcelona ka soo Afduubatay daqiiqadihii ugu dambeeyey Kooxda Roma ee dalkaasi Taliyaaniga kama Helin farxadii uu Filayey Tijaabadiisa Spain uu uga ciyaaro iyadoo uusan kamid aheyn doorashada 1aad ee Macalin inesto ve verde, Malcom ayaa wax dhameyn 5 kulan kasoo muuqday Shaxda Macalin Ver vverde waana wax soo dadajinaya inuu ka tago kooxda Catalonia , Warbixino badan oo Ingiriiska laga helayo ayaa Tilmaamaya in Laacib ay siweyn udooneyso Kooxda Gunners Arsenal gaar ahaan Rabitaanka Tababare Uni Emry oo u arka laacibka Hada ee Barcelona uu awood Xoogan siinayo weerarka Kooxda Madaafiicda Arsenal, Waxana la sugayaa dalabka Rasmiga ee naadiga reer Ingiriis ay laacibka ka gudbiso bisha Janaayo Si amaah ah, Maadaama Barcelona aysan Ogoleen iney si rasmi ah u iibiyaan xidigan.
4. Alexandaro Pato:- Naadiga Ac Milan ayaa qorsheeneysa iney soo Ceshtaan Weeraryahankeedii hore ee haatan u ciyaara  Naadiga Litian gi gu’ayan ee Dalkaasi Shiinaha hadii ay ku Fashilmaan Helitaan Xidiga reer Sweden Zalatan Ibrahimovic suuqa kala iibsiga ee Bisha Janaayo Furmi doona , Waxaana AC Milan lala xiriirinayey Ibrahimovic iney soo Ceshanayaan kaas oo haatan uciyaara Naadiga Los Angles ee Dalkaasi Mareykan ka, Rabitaanka Zalatan ee inuu sii joogo Naadigiisa ayaa Milan ku dhalisay in Pato ay doontaan, Ficil ahaanna waxey sheegayaan iney bilowdeen Wadahadalada labada dhinac  lkn waxaa jira Culeysyo dhanka dhaqaalaha, Pato haatan waxa uu qaataa 9 Milan oo Uero sanadkii  lagudaray 25 Milan oo iibkiisa ah Milanna diyaar umaha iney lacagtaasi bixiso ilaa in pato uu Mushaharkiisa hoos udhigo  si uu ugu soo laabto garoomada Yurub.
5. Alexis Sanchez:- Waxaa la filayaa maalmaha soo aadan iney warar kasoo baxaan Mustaqbalka Xidiga reer Chile, Warbixino dhowr ah oo Ingiriiska laga helay ayaa Xusaya in Laacibka uusan   Faraxsaneyn tan & Markii uukusoo biiray Kooxda Manchster United Bishii Janaayo ee Tagtay, Maadaama uusan usoo Muuqan sidii lagarabay, Sidoo kale waxa uu dareemayaa inuu ubaahan yahay inuu jawiga badasho , Horyaalka France ayaa noqon doona wadadiisa ugu Horeysa Gaar ahaan Naadiga Paris Sant German oo iyadu siweyn udooneysa in Laacibka ay keento Beerta Amiirada Bisha Janaayo ee Soo aadan lkn Caqabadda ugu weyn ayaa ah in naadiga reer Ingiriis ay dalban Lacago waali ah, waxaa xusid mudan in Sanchez uu ku yimid Old Traford heshiis is dhaafsi ah kaas oo Henerik Makhiterian uu ku aaday Naadiga Arsenal iyadoo wax lacag ah aysan ku bixin.
6. Mahdi Bin cadiyah:- Wiilka reer Marroco waxa uu ugu horeeyaa dalabka macalinka reer Portugall Jose Mourinho si uu ugu xoojiyo safkiisa Shayaadiinul Xumur, Jariiradda Tutto Sport ayaa waxa ay sheegtay in Special One uu Maamulka Man utd ka dalbaday inuu noqdo xidiga ugu horeeya aysoo xero geliyaan, iyadoo la ogyahay in United ay difaaca ka dhibaatooneyso Sidaasi daraadeed Naadiga ayaa la sheegay iney Ogolaatay dalabkii Macalin Mourinho waxaana dalab rasmi ah oo gaaraya 20 Milan oo Uero ayka gudbin doontaa bin Cadiyah, United ayaa siweyn uga Faa’iideysaneysa Rabitaanka wiilkan ee ku aadan inuu ka tago sayidatul Cajuuz kadib markii uu waayey booskii shaxda 1aad ee Cajuusta, waxaa xusid mudan in laacibka sidoo kale ay daneynayaan Kooxaha Arsenal & Barcelona.
7. Paulo Dybala & james Rodregez:-  “Waxaa hubaal iney jiraan laacibiin Fiican lkn marka aan ku fakaro inaan laacib soo qaato laacibkaasi waxa uu noqonayaa Dybala” Kalmadahaasi waxey afkiisa kasoo baxeen Cal heiz Romengey, Madaxa Fulinta ee Bayer Munchen,  Dybala waxaa loo arkaa mid kamid ah ahdaafta ugu weyn ee Bavarianku ay doonayaan lagayaabee in ficil ahaan ay markan usoo dhaqaaqeen wiilkan dheemanka ah iyagoo doonaya iney Heshiis is dhaafsi uu dhexmaro Juve, Bayer waxey Heleysaa Dybala halka Biaconeri ay qaadaneyso James Rodregez makiinadda reer Colombia lagu daray lacago kale oo aan badneyn, waxaan ognahay 2 Sano oo amaan ay James uga soo qaateen Los Blancos Real madrid, iyadoo suurtagal tahay iney lawareegaan Xili ciyaareedka soo socda marka ay bixiyaan 43 Milyan oo Uero, waxaana dhici karta in Bayer ay sugto waqtigaasi isla markaana Heshiiskaasi isdhaafsiga lagasho Kooxda Bianconeri.
8. Poul Pogba & Alexsando:- Heshiis kale oo isdhaafi ayaa lafilayaa inuu dhaco bisha Janaayo ee soo aadan, Barta Express ee laga leeyahay dalkaasi Ingiriiska ayaa tilmaameysain Manchester United ay soo jeedisay in qaataan Dambeedka bidix ee Juve alex Sandaro lagu daray lacag si Juventus ay u helaan Ninka 100 Milyanlaha ee Poul Pogba , Shabakadda ayaa intaasi ku dartay in wadahadaladu aysan aheyn mid fudud sababtoo ah Juventus madooneyso iney weyso dambeedkaasi kaasoo lagu tilmaamo mid kamid ah kuwa ugu fiican ee boos kaasi kacayaara, Sidoo kale waxey ogtahay in aan ladayici karin adeegyada Pogba kaasoo ajandaha ugu jira Kooxo waaweyn oo yurub sida Barcelona & Real madrid, Rabitaanka Xidiga reer France ee inuu ka baxo qalcada Old Traffod kadib markii ay isku dhaceen Macalin Jose ayaa u sahleysa Juve hadiiba uu ogolaado inuu dib ugu laabto halkaasi.
9. Luka Modric:- Masuuliyiinta Naadiga Inter Milan weli kama aysan rajo Dhigin in laacib reer Croatia ay keenaan Garoonka Gossipe messa walow ay hadana fashilmeen wadahadalada xili ciyaareedkii tagay kadib markii Real Madrid ayku dhagtay, Jariiradda Correari Dela Sport ayaa Tilmaameysa in Naadiga inter ay markale isku dayeyso sidii ay uheli laheyd Wiilkan reer Croatia ah kan ugu Fiican caalamka, iyadoo ka faa’iideysaneysa rabitaankiisa inuu jawiga badasho   Mid kamid ah Dadka ku dhow dhow laacibka ayaa xusay inuu Modric daneynayo Bixitan isla markaana lafilayo iney Nerazuri ay dalab rasmi ah ayka gudbiso Bisha Janaayo ee soo socota.
10. Mouro Icardi:- Weeraryahanka reer Arjjentiin waxa uu noqday mid kamid ah Laacibiinta sida weyn udooneysa Naadiga Real Madrid oo Xusul duub ugu jirta sidii safkeeda uxoojin laheyd kadib katagitaankii Saaruuq madeera Cristiano Ronaldo, wararka qaarna waxa ay tilmaameen Florentina Prez Madaxweynaha Naadiga Malakiga uu ficil ahaan ubilaabay wadahadalada ku aadan  in Inter Milan kala soo saxiixdo icardi wiilkan 25 jirka ah, Mana diidi doono inuu bixiyo lacag kabadan 100 Milyan oo Uero, Wararkale ayaa Tilmaamaya hadii inter ay diido dalabkaasi Prez wuxuu isku dayi doonaa inuu adeegsado Luka Modric oo siweyn ay inter udaneyneyso uu ubandhigo lagu daray 40 Milyan oo Uero, iyaguna ay soo dhiibaan Icardi.
Muqaalkan kadib Hanaga Galmaamin Inaad Subscribe Saartid Like Si Marka aan muuqaal soo gelino uukuu soo Gaaro Sidoo sii share Garee oo Asxaabtaada kula Wadaag baraha Bulshada Sida Facebook, Intigram whats Up, Google+ & Dhamaan adeeyada kale ee lamidka  aad baad umahadsantihiin Sida aad ugu Xiran tahay Barteena Dunida Ciyaaraha Waqtiga Waxaan Heegan unaahay Raali Gelintiina.  

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!