Sunday, November 17th, 2019

Qiimaha lagu heli karo Xidigaha qaar & Salah oo kaqaalisan Messi & Ronaldo

Published on December 10, 2018 by   ·   No Comments

Waxaa uu dhawaan shaaciyey Xarunta Caalamiga  Diraasaadka Kubadda Cagta  Liis cusub oo ayku qoran yihiin 100 ka laacib ee ugu qaali san Caalamka, Tirakoob uu usameeyo si Nidaamsan.
Liiska waxaa ka baxay Laacibiin badan oo kubadda cagta ah, Cristiano ayaa galay kaalinta 18 aad qiimo dhan 103 Milyan oo Uero halka uu Pogba uu liiskan ka helay kaalinta 17aad qiimo dhan 130 Milyan oo Uero Amaa Lionel Messi, Waxa uu meel dhexe kasoo galay liiska 10 k xidig ee ugu qaalisan dunida , Waxaa Xusid mudan in Xaruntan caalamiga ah ay u cuskadaan dhowr arin si ay uxadidaan qiimaha suuqa ayka joogaan Laacibiinta oo ay kamid tahay Da’da Laacibka, booska uuka ciyaaro garoonka, Mudada Heshiiskiisa kaharay, Heerka & Booskiisa kubadda cagta Caalamiga lagu daray dhowr arin oo kale, Sidaa daraadeed udaargarooba si aan idin kugusoo gudbino Muuqaalkan liiska 15 Xidig ee ugu qaalisan kubadda cagta Caalamka  sida Xarunta diraasaadka ay qabto.
Inta aanan bilaabin Muuqaalkan  Waxaan ku xasuusineynaa Inaad Subscribe Saartid Like Si Marka aan muuqaal soo gelino uukuu soo Gaaro Sidoo sii share Garee oo Asxaabtaada kula Wadaag baraha Bulshada Sida Facebook, Intigram whats Up, Google+ & Dhamaan adeeyada kale ee lamidka  aad baad umahadsantihiin Sida aad ugu Xiran tahay Barteena Dunida Ciyaaraha Waqtiga Waxaan Heegan unaahay Raali Gelintiina.   
1. Eden Hazard:- 142 Milyan oo Uero , Laacibka loogu hadal heynta badan Mustaqbalkiisa, waxaa uu inta badan sheegaa inuu ku faraxsanyahay uciyaaristiisa Chelsea, Mararkiina waxa uu tilmaamaa inuu Niyeysanayo inuu baxo, Sida uu dhawaan shaaciyey Rabitaankiisa inuu uciyaaro Real Madrid, Ninkan 26 Jirka ayaa Naadiga reer London waxa uu kula Joogaa heshiis ilaa 2020 ka isagoo diiday inuu Cusbooneysiiyo Heshiiskiisa dhowr jeer, laga Yaabee Maalmaha soo aadan in Laacibka uu qalinka ku duugayo Heshiis cusub Naadigiisa Blues  gaar ahaan bandhigiisa cajiibka ah ee Xili Ciyaareedkan, & Iyadoo aysan jirin dalab rasmi ah oo Real Madrid la timid si ay uhesho.
2. Roberto Farminho:-  146 Milyan oo Uero , 26 Jirkan ayaa boos kaxirtay Liiskan kadib markii qaab ciyaareed cajiib ah uula qaatay naadigiisa xili ciyaareedkii tagay & Bandhigiisii Brazil ee koobkii dunida, Farminho ayaa Reds kula jira Heshiis ilaa 2023 da , inkastoo hoos udhac laga dareemayo Heerkiisi & gooldhalintiisii Xili ciyareedkan hadana Waa mid kamid ah kuwa ugu Muhiimsan Shaxda Ninka reer Jarmal Joken Klop.
3. Lory Sane:-  150 Milyan oo Uero, Mid kamid ah Laacibiinta ugu waaweyn Premier League Sanadihii ugu dambeeyey kaas oo kuraaxeysanayo Xirfad weyn marka loo eego Da’diisa oo gaareysa 22 sano kaliya, iyadoo Hoos udhac laga dareemayo Xilicyaareedkan mustawihiisa, hadana man City waxey la bilowday Wadahadalo wakiilka laacibkan si heshiiskiisa loo cusbooneysiiyo kaasi oo ku eg 2021, Guardiola ayaa laacibka u arka  qeyb aan ka go’eenin shaxdiisa sanadaha soo aadan.
4. Keven Dybrune:- 150.4 Milyan oo Uero, Wiilkan reer Belgium ee 27 jirka ah waxaa lagu tirayaa mid kamid ah kuwa ugu Muhiimsan ee qadka dhexe caalamka, waana mid kamid ah sirtii ugu weyneed bandhigii cajiibka ahaa XIli Ciyaareedkii tagay, waxaa xusid mudan in Dybrune uu la dhibaatoonayo dhaawac markii 2aad xili ciyaareedkan iyadoo heshiiskiisa Sky Blues uu cubooneysiiyey Bishii January ee tagtay lana sii joogi doona ilaa 2023.

5.Poulo Dybala:- 155 Milyan o Uero, Mid kamid ah xidigaha ugu saameynta badan ee Caalamka xiligan, waana mid kamid ah Musharaxiinta Kooxaha waaweyn ee Yurub sidii safkooda ayku xoojin lahaayeen waqtiyada soo socda,Wiilka reer Arjentiinwaa 25 Jir ah waxa Juve heshiis kula jiraa ilaa 2022 balse waxa uu ninkan doonayaa inuu isaga huleelo halkaasi sababo ku aadan kufekerka waji cusub oo Tareenkiisa kubada cagta ah.
6. Anton grezman: 157 Milyan oo Uero, Weerar yahanka reer France ninka 27 jirka ah Xiliga ciyaareedkii tagay waxa uu ku dhameystay qaab qurux badan kadib markii uu ku guuleystay in Athletico madrid uula qaado Koobkii Europe league halka uu kamid ah Xidiga Xulka Diiqyada France ku hogaamiyey i markoodii 2aad ku guuleystaan Koobkii dunida, Waxa uu halkiisa kasii waday bandhigiisa cajiibka ah ee Rojo Blankos Xiliciyaareedkan laga yaabee inuusan ka shalaaynin go’aankiisii uu isaga diiday Naadiga Barcelona isla markaana heshiiska u cusbooneysiiyey ilaa 2023.
7.Deli Ali:- 163 Milyan oo Uero, Mid kamid ah Mawaahibta da’da yar ee kubadda cagta Caalamiga ahna mid kamid ah kuwa ugu madax fiiqan Xulka 3da libaax, Waxa uu jiraa 22 sano kaliya, warbaahinta caalamiga ayaa laxiriirisay kooxo badan oo waaweyn balse Tottenham ayaa ku guuleysatay iney heshiis dheer oo ilaa 2024 ka kasaxiixdo ali, waana dabiici ah kadib markii uu kamid  Noqday  xidigaha lafdhabarta u ah shaxda macalin Mouricio Pochatino.
8. Romelu Lukaku 164 Milyan oo Uero, Weeraryahanka manchester United Wax uu kamid ahaa Heshiis yadii ugu cuslaa ee Xili ciyaareedkii tagay kii kahoreeyey dhacay isagoo ka yimid Everton kuna biiray Kooxda Shayaadiinul Xumur lacag dhan 85 Milyan oo Uero kaasoo saxiixay heshiis ilaa 2022 ka tan & waqtigaas 25 jirkan ka ayaa noqday mid kamid ah Laacibiinta uu ugu jecelyahay Macalin Jose Mourinho, iyadoo si qurux badan uu uga soo muuqday koobkii dunida balse waxa si lama filaan ah loo arkay xili ciyareedkan qaab ciyaareedkiisa oo hoos udhacay mana dhalin wax badan 4 gool 14 kulan uu ciyaaray, sidoo kale waxaa haleelay dhaawac garoomada ka fogeeyey kulamdii ugu dambeeyey ee United ay ciyaartay.
9. Rahiim Sterling:- 164, Xidig ifaya oo ku jira Shaxda Macalin Pep Guardiola Tababaraha Sky Blues & Mid kamid ah xidiga ugu Culus ee Xulka Qaranka Ingiriiska, 23 jirkan heshiiskiisu waxa uu ku ekaa 2020 balse naadiga rer Ingiriis waxa ay ku guuleysatay iney Wiilkan heshiis dheer ka saxiixdo oo gaaraya 2023.
10. Lionel messi 170 Milyan oo Euro, Halyeyga Barcelona waxa uu noqday kan ugu Mushaharka badan dunida kadib markii uu heshiiska u dheereeyey ilaa 2021,kaas oo uu ku gaadanayo 43 Milyan Sanadkii, Messi hada waa 31 Jir waana waxa lagu fasiray ka fogaanshaha kaalmaha ugu horeeya liiskan, iyadoo uu kufashilmay in Mondiyaalkii dunida ee Ruusha uu geeyo Bones Aires  Hadana waxa uu heystaa qodobo dhowr ah oo ugu tartami karo abaalmarinta kubadda dahabka  gaar ahaan markii bandhig cajiib ah kubilwoday Xili ciyaareedkan.
11. Phiple Coutinho 171.3:- Milyan oo Uero, Xidiga reer Brazil ayaa Liverpool katagay oo ku biiray Barcelona Bishii Janaayo ee tagtay, lacag dhan 160 Milyan oo Uero & heshiis socan doona 2023, isagoo kamid ah xidigaha ugu qaalisan ee qadka dhexe ka ciyaara dunida, 26 kan ayaa Xaqiijiyey Riyadiisa mar hadii uu cago dhigtay qalcadiisa Camp Nou, inkastoo bilowgiisii uu dhibaatooyin uukala kulmay jawiga spain hadana waxa uu Noqday mid kamid ah kuwa ugu Muhiimsan ee uu Heysto Macalin Inesto Ver Verde.
12. Maxamed Salaax:- 173 Milyan oo Euro, Xidiga Liverpool waxa uu shaki la’aan yahay Heshiiskii ugu guusha badnaa Xili ciyaareedkii tagay kadib markii uu qoray Xili ciayareed taariikhi, waxaana Musharax unoqday abaalmarinada kan ugu Caalamka & Kubadda Dahabka dunida , waana waxa lagu fasiray sare kaca qiimihiisa, iyadoo weli jirto eedo loo jeedinayo oo ku aadan heerkiisa xiliciyaareedkan hadana waa Ninka ugu Muhiimsan Kooxda & ahdaafta 1aad ee Naadiyadda waaweyn ee Yurub .
13. Naymar Da Silva:- 197 Milyan oo Uero, Ninki ugu qaali sanaa Taariikhda Markii uu ku biiray naadiga PSG sanadkii 2017 isagoo katagay qalcada Campnou cagana dhigtay Xadiiqatul Umaraa . Liiskan waxa uu ka galay kaalinta 3 aad, hadal heyn badan ayaa ka dhalatay kadib markii aysoo baxday inuusan qorsheyneynin inuu dhameysto heshiiskiisa kaas oo ku eg 2022, kahor inta uusan beenin isla markaana tilmaamin inuu doonayo in Beerta amiirada loogu caleema saaro Koobka dhagaweynaha Uefa Champions League.
14. Harry Kane 197.3 Milyan oo Uero, Xidig kale oo ingiriis ah oo liiskan 10 ka ugu horeeya kusoo baxay, weeraryahanka reer Ingiriis 25 ka ah  waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah kuwa loogu doon doonista badan yahay caalamka, Amiir Harry ayaa xafidta dhalinta  goolashiisa xili ciyaareedkasta, waxa uu noqday gooldhaliyaha ugu fiicnaa ee Premier leage ga kooxdiisa Taariikhda, sidoo kale waxaaa loo caleema saaray abaalmarinta kabta dahabka gooldhalinta koobkii dunida, waana waxa keenay in raadeerkoodu uusoo qabto kooxo dhowr ah oo ay ugu horeyso Naadiga Real Madrid, Ninkan Heshiiskiisu waxa uu dhacayaa ilaa 2024.
15. Kilian Mppape 216 Milyan oo Uero, Garabka reer France ee laga yaaban yahay waxa lagamamaarmaan aheyd inu hogaamiyo liiskan kadib marka uu marayo waqtigiisii ugu fiicnaa ee taariikhda kubadda cagta, Mpappe waa ninka loogu doon doonista badan yahay caalamka waxa uu jiraa kaliya 19sano, waxa uu kubiiray PSG sanadkii 2007dii si amaah balse lafuliyey xili ciyaareedkii tagay haatan waxa uu heshiiskiisu dhacayaa 2022 ka. Mpape xili ciyaareedkiisu waxa uu ahaa mid cajiib ah Kooxdiisa waxa uu kula guuleystay 3 koob oo maxali ah halka Xulka France uuku hogaamiyey Koobkii dunida ee Ruuska lagu soo gabagabeeyey.
Gabagabadii waxaa nagu waajib ah inaan idin Ogeysiiyo in liiskan 20 ka ugu horeeya aysan kujirin wax difaac ah ama  Goolhaye , Ninka reer France Samuel Umtiti waxa uu galay kaalinta 24 aad qiimo dhan 99 milyan oo Uero, difaacii ugu qaali sanaa caalamka, Goolhayeyaashana Ninka reer Brazil Ederson waxaa lasiiyey kaalinta 23 aad qiimo dhan 102 Milyan oo Uero oo ka dhigan goolhayaha ugu qaalisan halka ninka reer Jarmal Mar andres Stergen uu iska soo xaadiriyey kaalinta 25 aad qiimo dhan 99.1.
iisheega Fikirkiina & Ra’yiga aad ka qabtaan Liiskan lasoo saaray idinkoo nagula wadaagaya muuqaalka hoostiisa.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!