Tuesday, May 21st, 2019

Liverpool Mise Manchester City? Eden Hazard Oo U Kala Hiiliyay Labad kooxood Ee Tartanka Ugu Adag Ku Jira

Published on December 10, 2018 by   ·   No Comments

Xiddiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa doortay kooxda uu u arko mida ugu fiican gudaha horyaalka Premier League xilli ay tartanka ugu adag sanadkan ku jiraan kooxaha Liverpool iyo Manchester City.

Hazard iyo kooxdiisa ayaa si wadajir ah usoo af-meeray musalasalkii guuldaro l’aanta Man City kaddib markii ay 2-0 ku dhaafeen kulan ka dhacay Stamford Bridge Sabtidii toddobaadkan.

Chelsea ayaa soo guuldaraystay laba kamid ah saddexdii kulan ee ka horreeyay kulankii toddobaadkan balse waxa ay hab ciyaareedkoodii wacnaa markale dhibcaha kaga qaateen Citizens.

Hazard ayaa sheegay inay kulan adag la ciyaareen kooxda Guardiola isla markaana ay qaybtii dambe ee kulanka fiicnaayeen waxaana uu si toos ah u sheegay in kooxda ay guusha ka gaadheen ay tahay kooxda ugu fiican gudaha dalka England.

27 jirka Blues ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waa dareen wanaagsan gaar ahaan kaddib kulankii badhtamaha toddobaadka markii aan ku guuldaraysanay Wolves”

“Waxa uu ahaa kulan adag gaar ahaan qaybtii hore laakiin qaybtii dambe waanu xakamaynay kulanka anaga oo dhalinay gool, Ugu dambayntii waxaan filayaa inaan u qalanay guusha waana inaan sii socono”

“Dabcan dareenku waa mid xataa ka fiican marka kale, Waa marka aad la ciyaarto wax aan filayo inay tahay kooxda ugu fiican dalka ee aad guuleysato”

Ugu dambayn, Chelsea ayaa dib usoo noolaysay hamigeeda kaddib guushan waxaana ay haatan sideed dhibcood ka dambeeyaan Liverpool oo hogaanka u haysa PL.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!