Wednesday, September 18th, 2019

DEG DEG :- Higuin oo uduuli doona London & Chelsea &

Published on January 17, 2019 by   ·   No Comments

Kooxaha Chelsea iyo Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay ugu dambayn ka heshiiyeen saxiixa xiddiga weeraryahanka Gonzalo Higuain sida ay sheegayaan wararku.

Sky Italia ayaa sheegaysa in Ay Chelsea Higuain ka saxiixan doonto heshiis 6 bilood ah oo ilaa bisha June ah laakiin ku qasban in ay hal sano oo dheeri ah ka saxiixato hadii la gaadho wax u fiican xddiga iyo kooxdaba.

Taas ayaa la macno ah in ay si Rasmi u soo afjarantay heshiiskii amaahda ahaa uu Higuain kula joogay kooxda Ac Milan

Heshiiska ayaa la gaadhay xalay intii lagu jiray kulankii Supercoppa ee ay kooxda Juventus 1/0 uga badisay kooxda Ac Milan.

Walaalka Higuain ahna wakiilkiisa ayaa lagu soo waramayaa in uu haatan ku sugan yahay London si uu u dhamaystiro inta ka dhiman heshiiska.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Gonzalo Higuain xalay ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Ac Milan isaga oo maalmaha yar ee soo socda dhamaystiri doona ku biiristiisa Chelsea.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!