Sunday, July 21st, 2019

DAAWO | FARXAD | Xidigiihii kusoo Cimreystay Kacbada Masjidka Xaramka Pogba Ozil Rebry & kuwo kale Dececomtry laga diyaariyey

Published on December 21, 2018 by   ·   No Comments

FARXAD Xidigiihii kusoo Cimreystay Kacbada Masjidka Xaramka Pogba Ozil Rebry & kuwo kale Dececom

Halkan Waa Beti laahi Xaraam Makatal Mukaramah waa gurigii ugu horeeyey sida eebe Quraankiisa kusheegay , Inwala Beytin Wudica linaasi liladii Bibakah , saacadna faaruq manoqoto oo eebe adoomadiisa ayaa dhawaafa, muslimiin badan ayaa uga kala yimaada daafaha dunida, dhowr jeer oo aan booqday Masjidka Xaramka Barakeysan ee Magaalada Makka al Mukarama dareen ahana wixii aanku soo arkay waxey ahaayeen mid aan la qiyaasi karin, dadka oo idil waa kuwa khushuucsan eebe ayaa lawada bar bayayaa, majiro qof qof kasareeya, taajir, qof caan ah & cidkastaba    waxa ay wada xiran yihiin marada dhac, Martideena  maanta waa xidigaha muslimiinta ee eebe waafajitey iney booqdaan kacbada oo ah halka aanu salaadaha utukano taasoo dhacda masjidka xaramka barakeysan ee Magaalada Makka Al mukarama waxaana muuqaalkan uuka mid yahay sil siladaha xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aadka daawataan barteena dunida ciyaaraha tube ee nala daawo muuqaalkan.
1. Arda Turan waa laacib muslim ah waxa uu dhashay 30 kii bisha January 1987 waxa uu usoo ciyaaray kooxo waaweyn oo yurub ah waana laacibkii hore ee Barcelona & Athletic madrid waxa uu kamid ah xidigaha Muslimiinta ee eebe waafajiyey iney booqdaan guriga ilaahey isla markaana duyuuful raxmaanka ayka kid noqdaan, waa laacib ku ad adag diinta islaamka.
2. Kariim Benzema:- Xidigan Muslimka ee ku naaloonaya carshiga weerarka malaki misna hore ugu soo ciyaaray naadiga Lyon waxa uu dhashay 19 kii December 1987,  waxa uu booqday masjidka xaramka eebena waxa uu ugu deeqay nasiibka inuu booqdo dhulka meeshii ugu qiimo badneyd , cibaadadiisa kadibna waxa uu la kulmay masuul katirsan dalkaasi gaar ahaan kuwa isboortiga, sawirkan waxa uu kamid yahay kuwii ugu soo jiidashada badnaa waa isagoo xiran dharka cad oo canug usaxiixaya canaanada Real Madrid.
3. Kolo Xabiib Toure:- Xidigii hore ee kooxaha Gunners Arsenal & liverpool waxa uu dhashay 19kii marso 1981, wiilkan reer Ivauri ayaa rabi  ku manaeystay nimcada aragtida guriga ale kadib markii uu booqday Dalka Sucuudiga oo ay dhacaan Magaaloooyinka Makka Al mukarama & madiina Al munawara.
4. Maxamed Abu Tarika Xidigii Xulka Qaranka Masaarida & Kooxda Al Ahli haatan waa falanqeeyey ka tirsan tvga Bein Sports waxa uu kamid ah raga ugu sumcada dheer ee Afrikankii kasoo ciyaaray qaaradda madow, waxa uu dhowr jeer ku guuleystay koobka Qaramada qaaradda afrika eebe waxa uu uhibeeyey inuu gaaro hadafkiisa kadib markii uu niyeystay inuu soo cimreysto waana wixii dhacay ficil ahaan kadib booqashadiisii beytka alle.
5. Mascuud Ozil laacibka xulka qaranka ee Jarmalka balse asal ahaan kasoo jeeda Turkiga laacibkii hore ee Real Madrid & kan xiligan ee Gunners arsenal isaguna waa mid kale oo nasiib uyeeshay inuu booqdo beytka ale , isagu waa mid had & jeer si weyn uheysta diinteena suuban ee islaamka camerooyinka ayaa soo qabta isagoo aqrinaya suurada faataxa sida isaguba hore usheegay misna doceysanaya kulanka kahor.
6. Frank Bilaal Rebry xidigan kooxda Bayern Muchen & xulka France waxa uu kubadda cagta kasameeyey kadib markii uu qaatay diinta suuban ee islaamka waxaana doorweyn uukulahaa in Bavarianku koobab badan ay qaado waxa uu booqday Masjidul xaraamka ku yaala magaalada Makka Al mukarama isagoo halkaasi kusoo cibaadeystay si uu u adkeeyo kudhaganaashaha diinta islaamka isla markaana waxa uu bartaa qowlkii eebe quraanka kariimka.
7. Demba Ba Laacibkii hore ee Kooxda kubadda cagta ee Chelsea haatan waxa uu uciyaaraa mid kamid ah kooxaha wadankaasi Shiinaha , waa muslim ku ad adag diinteena waxaa kaaga daliil dhowr jeer oo loo soo taagay abaalmarinta xidiga ugu fiican premier leagu oo aheyd dhalo khamro ah uu diiday sidoo kale waxa uu kamid ah xidigihii muslimiinta ee booqday beytka ilaahey kaasoo meel tago tago tan kheyrka badan.
8.Fred Cumar Knoute waa kamid ah xidigihii ugu caansanaa muslimiinta ee yurub kasoo ciyaaray waa mid aad udhaqan wanaagsan isla markaana runta aanka gaban, waqtigii savila waxa uu diiday inuu xirto fanaanada kooxda Savila oo xiligaasi xabadka ugu qorneed shirkad qamaar, warbaahinta spian ayaa weerartay balse isagu waxa uu ku adkeystay mowqifkiisa waxaana loo xiray fanaanad aan xabadka waxba ugu qorneyn, Knoute waxa uu tagay Masjidka Xaramka isagoo halkaasi kusoo cibaadeystay.
9. Niclos Anelka Xidigii hore ee kooxaha kubadda cagta Mancity, Arsenal, Chelsea & kooxo kale waa mid kamid ah kuwa ugu badan ee meelo kala duwan kasoo ciyaaray hamigiisu waa uu hirgiliyey kadib markii uu kutagay goobkii uu aadka u daneyni jiray ee Xaramka barakeysan.
10. Riyad Mexraz :- waa mid kamid ah kuwa ugu fiican city wiilkan reer Al jeria ayaa kamid ah xidigaha muslimiinta ee kaciyaara yurub, waxa uu kamid ah kuwa eebe kumaneystay iney soo arkaan xaramka muqadaska ah ee makka,
11. Ngolo Kante makiinadda kooxda Chelsea & xulka France waa lafdhabarkii xulka diiqyada ee sabab u ahaa inloo caleema saaro mondiyaalkii dunida ee ruushka lagu soo afmeeray muuqaalada waxaa laga qabtay isagoo ku dhex cibaadeysanaya guda masjidka xaramka halkaasi uu utagay inuu usoo cimreysto.
12.Max’ed Salaax wiilka xulka Qaranka Masaaradii & garabka saaruukhda ah ee Liverpool salaax waa mid kamid ah kuwa ugu fiican haatan ka kubadda cagta kujira waxaa uu leeyahay awood jir ahaan oo xoogan & lug bidix oo waxqabadkeeda kumudutay amaanta Messiga Masaarida kudarso oradkiisa xawaaraha dheereeya , eebe ayaa waafajiyey inuu soo cimreysto oo uu booqdo masjidka xaramka.
13. Poul Pogba :- wiilkan reer France & Makiinada kooxda Manchster United waxaa uula daalacayey xiliyadii ugu dambeeyey mushkilad isaga & macalinkiisa Jose laga yaabee iney soo afmeerantay taasi kadib markii aakhirkii kaguuleystay Macalinkiisa oo uu daaqada kasaaray, Wiilkan waxa uu qaatay diinteena suuban ee islaamka isagoo ehelkiisa aysan muslim aheyd waxa uu booqday marar badan dalka sucuudiga gaar ahaan magaalooyinka Barakeysan si uu ugu soo cumreysto masjidka Xaramka .
Daawayadaal waxaa kudhiiragelinayaa cidkasta oo awooda iney booqato Xaramka & dhulka barakeysan iney u deg degto, sidee baad u argtaan macluumaadkan aan idinla wadaagnay.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!