Wednesday, November 13th, 2019

Aqriso:- Taariikhda Wiilka Mucjisada ee Madrid Marcelo maxaad ka taqaanaa Noloshiisa?

Published on December 10, 2018 by   ·   No Comments

Asc Akhiyaarteena Dunida Cyaaraha Tube kunasoo Dhawaada Muuqaal cusub.
Waxa uu ku Tilmaamay Halyeygii Kooxda Ac Milan Paulo maldini Dambeedkii Casriga ahaa, Waxa uu heystaa Gambis qurux badan & Tayo kale oo cajiib ah , Waa Wiilka reer Brazil Marcelo, Wadnaha Real Madrid ee dhaq dhaqaajiya Sida uu ugu Magac daray Tababarihiisii hore ee reer France Zinidane Zidane, Muuqaalkan waxaan idinkugu soo gudbin doonnaa Taariikhda & Wax badan oo ku saabsan Nolosha Marcelo, Barbaaristiisii Faqriga aheyd, yuu ahaa qofkii bad baadiyey Tayadiisa & Tareenkiisa kubadda Cagta, & Cadaawadiisii Cristiano Ronaldo kahor inta aysan isku badalin Saaxiib & Sidii uu isugu badalay Laacib Saaladeed  ilaa Mid kamid ah Laacibiinta Dunida Loogu Jecelyahay, Dhamaan intaasi & kabadan waxaad ku daawan doontaa  Xubinteena Xaqiiqooyinka oo kamid ah Silsiladaha Taariikhaha aad ka daawataan ee Dunida Ciyaaraha Tube. 
Inta aanan Bilaabin Muuqaalkan waxaan ku Xasuusineynaa inaad Subscribe 
Marcelo Viera da Silva JR waxa uu ku dhashay 12kii May 1988, Mid kamid ah Xaafadaha Faqriga ah ee Magaalada Riyo Di Janeero ee Wadankaasi Brazil, Aabihii Waa Marcelo Viera Da Silva oo ka shaqeyn Jiray dab damis ka Ama Ciidamada Difaacul Madaniga loo Yaqaano, Hooyadiina Waa Maria Da Silva oo aheyd Macalimad Iskool, Waxa uu leeyahay Gabar kaliya oo la dhalatay Waxaana lagu Magacaabaa Julia Viera.
Marcelo Waxa uuku soo Noolaa Nolol Heerkeedu hooseeyo isla markaana Adag Marka la eego dhaqaalaha Qoyska, Marcelo Waxa uu ahaa si lamid ah Canug kasta oo reer Brazil oo Jecel kubadda Cagta waana Waxa kaliya uu bartay Sanadihiisii ugu horeeyey,  waxa uu ku Riyoon Jiray inuu Meel sare ka Gaaro Kubadda Cagta  Si uu uwanaajiyo Xaaladda Nololeed ee Qoyskiisa.
Markii uu Gaaray da’da 8 Jirka waxa uu bilaabay in Kubadda uuku Ciyaaro Xeebaha Caasimadda Wadankaasi Brazil ee Riyo De Janero, Waxaana uuku dhawaaday inuu noqdo Goolhaye sababo ku aadan Boodistiisa & Sida uu uduuli Jiray oo Aan Caadi aheyn isagoo aan waliba Wax dhibaato dareemin, Tayadiisa Cajiibka ee Xukunka kubadda Cagta ayaa ka dhigtay inuu ka Tanazulo Fekerkaasi & Rabitaankaasi oo uu kubilaabay ayuu sii waday Waxaana Dadka oo idil aykuwada Barteen dambeed bidix ilaa Markii ugu horeysay uuku Biiray Naadiga Hilininkon oo aheyd Naadi Ciyaarta Kubadaha Saaladaha oo ka dhisneed deegaankiisa.
Shaqsi badalay Noloshiisa”Hadii uusan dhinaceyga Taagneyn awoowgey Pedro Ma Noqdeen Laacib kubadda Cagta”, Sidaasi ayuu ku Hadaaqa marcelo marka kasta oo uu kahadlayo qaabkii uu Noqday Xidig Caan ah.
Pedro Viera waa awowga Marcelo oo dhinaca aabaha ah, Waxa uu Saameyn weyn kulahaa Tareenkiisa kubadda Cagta , Markii Marcelo uuku biiray Naadiga Helininkon awowgii waxa uu ku kaxeyn jiray Gaarigiisa Duqa, Maalin maalmaha kamid ah Marcelo Naadiga ayaa ka Joojisay tababarka Sababo ku aadan bixinta Lacagihii lagarabay, Awowgiis waqtigaas waxa uu iibiyey Saacad uu lahaa oo dhaxal u aheyd Qoyska Waxa uuna ku yiri:- “Waxaan hubaa inaad iisoo celin doontid laba laab& Laba laab” Waxaana uu Yiraahdaa Marcelo:- “Marka uu i arkayo awowgey Marna kuma dhaceynin wax qalad ah Marka aan u ciyaarno Qaab aad uliita oo aan guuldareysano waxa uu idhihi jiray :-        “Micno malaha adiga waxaad tahay Laacibka ugu Fiican halkan waad garan doontaa sida aad gadaal uga saxdid Waxa uu iga Yeeli Jiray inaan dareeno inaan Ahay Ronaldo aniga da’deyda tahay 9 jir”.
Sanadkii 2002 Marcelo waxa uu ku biiray Naadiga Valomenence ee Dalka Brazil isagoo jira da’da 13ka sano waqtigaasi awowgii waxa uu sii waday inuu ku dhiirageliyo Tababarka Naadiga Markale ayuuna tababarka Gaarigiisa ku keeni Jiray, Waxa uu waqtiga socdaba waxaa xumaatay Xaaladda dhaqaale ee Awowgii, Waxaa ku adkaatay dhaqaalaha Banziinka & Cuntada waxa uu go’aan qaatay inuu iibiyo gaariga waxaana uu isticmaalay qeyb kamid ah Tikidhada Basaska si uusan tababarka uga baaqan.
Markii uu Marcelo Mudo dheer ku jiray Tababarka waxaa timid Maalintii Kooxda 1aad ee Dooraneysay 3 laacib oo kooxda da’yarada ah :- “Waxaana Marcelo uu ka sheekeeyaa Qisadaasi isagoo Yiri:- “Waxaa igu waajib aheyd inaan bixiyo Lacagaha Tikidka basaska , awowgeyna Ma uusan Heysan Xoogaa Shilimaan ah Mooyaane, waxaanu marnay Goob qamaar ah  Waxaa kujiray wadamo dhowr ah si aad u guuleysatid waxaa kugu waajib ah inaad u dooratid sida saxda ah, waxaan geliyey Qaanada Croatia Xoogaa Shilimaan ah Waxaana ku guuleysanay 25 Riyaal oo Brazil ah Maalintaasi waxaan Cunay wax kasta Sida Humbergar iyadoo ay iisuuragashay inaan aado Tababarka”
Waqtiga waa uu Socday waxaa Timid Maalintii Marcelo uu waqti marayey Xaaladiisa ugu Xumeyd Waxa uu go’aan saday inuu katago waxkasta oo uu afogaado kubadda Cagta, Lkn Awoowgiis ayaa ku dhiirageliyey inuu sii wado misna uusan niyad jabin ilaa Marcelo uu noqday Mid kamid ah Xidigaha ugu Fiican Kooxda, Waxaana Mushaharaadkiisii ugu horeeyey uusiiyey Awowgii.25kii Bishii July 2014 ayuu Geeriyooday awowgiis kadib Xanuunka Kansarka  oo mudo dheer la ildarnaa.

Marcelo Waxa uu naadiga Volomenco uu uciyaaray Xiliciayareedkiisii ugu 2005-2006, waxaa uu saftay 30 kulan iyadoo uu dhaliyey 6 gool, bandhigiisa Cajiib ah Saxaafadda Brazil waxa ay ku Tilmaantay Jowharad cusub oo usoo baxay Kubadda dalkaasi, Sidoo kale waxaa indhahooda soo jiitay Kooxo badan oo Yurub ah sida CSK Moscow & Savillia, iyadoo siweyn ugu dhaweyd Kooxda Savilla lkn Waxa uu taleefoon ka helay Mid kamid ah Masuuliyiinta Kooxda Real Madrid kaas oo kadoonayey inuu soo xaadiro Baaritaanka Caafimaad.
Marcelo waxa uu siweyn uga wal walsanaa qaabka uu wadahadalku usocdo Mana aheyn mid Rumesaneyey lknse waxa uu go’aansaday inuu safro, markuu uu tagay Madrid waxa uu arkay Heshiis ku sugaya Miiska Malakiga Umuurtuna waxey ku dhamaatay si ufudud oo uu waliba Maleysanin isagoo noqday Laacib real madrid ah Bishii Janaayo 2007, Go’aanka waxa uu ahaa in lagu daro Kooxda Heerka labaad balse Tababare Fabio Capelo ayaa ku adkeystay inuu kamid noqonayo Kooxda 1aad.
Marcelo waxa uu Xiriir Jaceel lasameeyey Gabar Kaliya waxaana lagu magacaabaa Clares Alves, waxa uu bartay waqtigiisii uu ciyaari jiray kubada Saalada taas oo walaashii aheyd mid kamid ah Saaxiibadii oo ay isku kooxda ahaayeen, waxaana Xiriirkooda Saaxiibtinimo uu socday ilaa ay iska Guursadeen Sanadkii 2008 dii, Iyadoo udhashay Canugooda uhoreeyey ee Inzo Alves Viera Sanadkii 2009kii, Sanadkii 2015 kii Waxaa u dhashay Canugooda 2aad Liam, waxaana marcelo uuka sheekeeyaa Qiso cajiib ah oo dhex martay isaga & Xaaskiisa Bilowgii Barashadooda Waxaana uu yiri:- “Markii aan ahaa laacib Kubaddaha Saalada waxaa iitimid Clares Maalin Maalamah kamid ah kahor Ciyaar muhiim ah waxaana ay itiri :- “Sidee u aragtaa hadii tinta aan kaa jaro” Waxaana ku iri “adiga waxaad awoodaa waxkasta oo aad dooneysid” Waxaan isku dayey sidii aan ukasban lahaa qalbigeeda lkn Markii aabahey qaabkaa igu arko waxa uu idhihi jiray waan ku gowracayaa kabadal tintaada qaabkan”.
Marcelo waxa uu kamid yahay Xidigaha Jirkooda sida aadka ah ushaabadeeya waxaana wiilkan reer Brazil uu Wareysi uu siiyey Mid kamid ah Warbaahinta waxa uu kusheegay in Mawaadinkiisa Roberto Carlos uu ahaa mid uu siweyn ugu daydo tan & yaraantiisii. 
Roberta Carlos oo mar ka hadlayey Marcelo ayaa isna ku tilmaamay dhaxalkiisii garoomada,  dambeedkii bidix ee ugu Fiicnaa Caalamka kubadda cagta soo mara, waxaana uu inta ku daray Carlos, Marcelo waxa uu awood u leeyahay Xakameynta Kubadda inkabadan aniga, Su’aal marcelo laga weydiiyey Shaxidiisa ugu Fiican. waxa uu goosha udoortay Julio Cisar, Difaacana Dani Alves, tiago Silva Sergio Ramos & Roberto Carlos, Amaa Qadka dhexe waxa uu doortay Casamero, mascuud ozil, Luka Modric & Zinidine Zidane dhanka weerarkana Cristiano Ronaldo & Narmar Da Silva Sidoo kale Marcelo waxa uu tababaraha ugu Fiican Caalamka udoortay Zidane.
Marcelo Viera da Silva JR waxa uu Guuldaradii Xanuunka badneyn ee todobaadleyda ee kala kulmeen Jarmalka Koobkii dunida ee dalkiisa lagu qabtay  uuku tilmaamay Maalinkii ugu madoobeyd Taariikhdiisa, Waxa uuna ka Yiri “Waxey aheyd maalinkii ugu madoobeyd Shaki la’aan, waxaan raadinay Fasiraad lknse Mahelin waxey u ekeyd Korontada oo kaa tagtay oo aadan fasir uhelin”.

Sidoo kale waxa uu kahadlay Ilbiriqsiyadiisii ugu Xumaa waxaana uu yiri “Markii aan imid real madird waxey igu dhaheen iney Rajeynayaan in Amaah lagu diro si aan khibrad usoo helo lkn Jawaabteydu waxa ay aheyd inaan halkan ka dhaqaaqeynin, waxa ay ii aheyd ilbiriqsigii ugu adkaa, waayo waxaan rumeystay in Kooxda aysan ii baahneyn lkn waa ibiriqsigii iga yeelay inaad xoogoobo, waan usoo dagaalay, waana usoo dhibtooday si aan usoo gaaro halka aan taaganahay waxaana noqday mid kamid ah Hogaamiyeyaasha Kooxda”.
Sanadkii 2011 Marcelo waxaa usuuragashay inuu helo Jinsiyadda Dalka Spain waxaana uuku cabiray inuu siweyn ugu faraxsanyahay, sidoo kale waxa uu fursad usiiyey Naadiga malakiga iney soo iibsadaan laacibiin aan aheyn Yurubiyan maxaa yeelay Midowga Yurub waa uu xadiday tirada xidigaha Ajaanibta ah ee Yurub ka baxsan oo Kooxda lasoo wareegi karto, Geesta kale waxaa uu Wiilka reer Brazil ku guuleystay Koobab badan tareenkiisa kubadda Cagta waxa uu hore ugu soo guuleystay Koobka Kariyooka hal jeer, Koobka Riyo Hal jeer oo uu la qaaday naadiga Valomenece, Sidoo kale Naadiga Real madrid waxa uu la qaaday Koobka laliga 4 jeer, koobka Boqorka 2 jeer, Super kobaha Spain 3 jeer, Champions League 4 jeer lagu daray Koobka Super Kobaha Yurub 3 jeer si lamid ah Koobka Naadiyada Dunida, hadii Caalami ahaan eegnana Waxa uu qaaday Koobkii qaaradaha sanadkii 2013kii oo uukala guuleystay dalkiisa Brazil.
Marcelo Waxaa is macruuf ah in Xiriir saaxiibtinimo oo weyn uu kala dhexeeyo wiilkan reer Portugal Cristiano ronaldo Inu madeera, Waxaana uu uyahay saaxiibkiisa ugu weyn, iyadoo ay tahay tan ugu caansan laacibiinta kubadda cagta balse arinta layaabka leh ayaa ah Xiriirkaasi saaxibtinimo ee xoogan misna jira 9 sano waxaa ka horeysay cadaawad xoogan oo labada dhinac ah waxaana labada laacib ay dagaalameen Kulan saaxiibtinimo oo Portugal & Brazil ay Ciyaareen 2008dii taaso oo ku idlaatay 6-2 oo ay kuguuleysteen xulka Samba lkn Markii Ronaldo uu yimid Real madrid waxaa dagaalkaasi uu isku badalay Saxaabtinimo xoogan Gudaha Garoonka & Banaankiisaba, Waxaana Warbaahinta aykasoo wada muuqdeen Mawaaqif dhowr ah xitaa markii uu katagay madrid oo uu ku biiray Juventus marna meysan Saameyn taasi Waxaana uu yiri:- ”Hubaal inaan tabeyno Ronaldo Isagu waa kan ugu Fiican dunida Weli kama Zuulin inuu saaxiibkeyga ugu dhow yahay welina waan xiriirnaa isagu waa mid weyn waxaana urajeynayaa waxkasta oo wanaag ah”
Hadii uu kucajiyey Muuqaalkan fadlan Subscribe Saar Like nagu dhiirageli Riix Gambaleelka Digniinta si marka aan muuqaal soo gelino si uu kusoo gaaro aad baad ugu mahadsantahay soo booqashada barteena dunida Ciyaaraha Tube..

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!