Tuesday, May 21st, 2019

Aqriso:- Taariikhda Saaxirka kubadda Cagta ee Ronaldinho & Ninkii dheel dheelka dhab kayeelay

Published on December 18, 2018 by   ·   No Comments
Asc Akhiyaarta Dunida Ciyaaraha Tube kusoo dhawaada Muqaal cusub.
Maanta waxaan ka hadli doonnaa Saaxirkii kubadda Cagta 1aad¬† ¬†& Mowhibadii Cajiibka aheyd ee Sanado Sixirtay Caalamka, Ilaa ayka Go’aamiyaan Halyeeyada Kubadda Cagta iney ugu Magacdaraan kii ugu Tafsanaa Taariikhda,
Waa Ronaldinho Mid kamid ah kuwii Ugu Fiicnaa ee soo maray Taariikhda Kubadda Cagta , Laacibkii Waaqica khiyaal ubadalay ama Dheel dheelka Dhabka Yeelay, Laacibkii Jeclaadeen Cadowgiisa kahor  inta aysan Jeclaanin Taageerayshiisa & Saaxiibadiisa, Waxa uu ahaa Laacib ka kaliya ee Aadan Maleysan karin Waxa uu Sameynayo Marka ay kubadda lugtiisa ku Jirto.
Ronaldinho Galjo Waxa uu ku dhashay 21kii Marso 1988 Magaalada Gajjo Taas oo loogu Magacdaray Madaxweynihii hore ee Brazil Gajjo, waxaana aytimid kadib Jaceelkii darnaa ay uqaadeen dadkii Magaaladaasi ku Noolaa Madaxweyne Galjo & Xuska Xasuustiisa.
Waalidka Ronaldinho ayaa waxa uu ugu Yeeray Galjo, Jaceel daran uu uhayey  Madaxweyhii hore ee Brazil aawadeed, Waxaana lawada Ogyahay In Magaca Ronaldinho ay Portugal ahaan Micnahiisu uu yahay Ronaldihii Yaraa.
Waalidkii oo lagu Magacaabi Jiray Gua Murera waxa uu ahaa Laacib kubada Cagta oo Hore, Waxaana uu ka sheqeyn jiray Sameynta doomaha yar yar ee Maxaliga ah, hooyadiisna Waxey suuq geynta uqaabilsaneed, Xarun lagu iibiyo waxyaabaha leysku qurxiyo, kadibna waxbarasho ayey gashay Waxaana ay Noqotay Kalkaaliso, Waxa uu  kasoo jeedaa Qoys iska Basiid ah oo ka kooban Hooyo, Aabe & 4 Caruur ah oo Ronaldinho ugu Yaraa.
Inkastoo si aad ah Ronaldinho ujeclaa Kubadda Cagta Hadana ma aysan Halmaansiin Waajibaadkiisa Waxbarasho waxaa uu baadi goob ugalay Sidii Cilmi ubaran lahaa iyadoo wali Jirto Duruuf dhaqaale, Si lamid ah in badan oo kamid ah Mawaahiibta Da’da yar ee reer Brazil.
Tayada & Xirfada Ronaldinho waxey soo bidhaantay Sanadihii ugu horeeyey Yaarantiisa, Waxa uu la dagay Qoyskiisa Guri Cusub oo ku Yaala Xaafad Siweyn loogu Madadaalo isla Markaana Hodan ku ah kubadda Cagta kadib Markii walaalkiis kaweyn Roberto uuku biiray Kooxda Gramiu.
Walaalkii waxa uu ahaa mid heybad uleh kubadda Cagta Si lamid ah aabihii & & Adeeradii inkasto walaalkii Roberto Dhaawac halis haleelay looga mamnucay kubadda Cagta oo Galaafta Gebi ahaanba Bandhigiisii garoomada, Halka aabihii Ronaldinho uuku Geeriyooday Barkadda Dabaasha Gurigooda Cusub Waxaana Waqtigaasi halyeygii hore ee Barcelona Da’diisu ay aheyd Sideed Jir, walaalkii Roberto waxa uu Uqaabilsan yahay Xiligan Maamulka Howlaha Galjo Halka Walaashii Dezi ay lataliye uga Tahay Dhinaca Warbaahinta.
Xirfadda Ronaldinho Waxa ay Soo Muuqatay, markii¬† warbaahinta si weyn usoo hadal qaaday oo uu dhaliyey 21 gool isagoo Jira da’da 13 sano Xiligaas uuka horjeeday mid kamid ah Kooxaha Maxaliga ah.
Warbaahinta dalka Brazil ayaa indhahoodu uusoo Jiitay Markii uu ka qeybgalay koobkii Dunida ee 17ka Sano kaas oo lahu qabtay Wadankaasi Faraacinada Masar.
Tareenka kubadda Cagta Ronaldinho waxa uu kasoo bilowday da’yarada Kooxda Gremio ee dalkaasi Brazil, Waxaana markii ugu horeysay uu u Ciyaaray ay aheyd Sanadkii 1998, Waxa uu Mudadaasi u dhaliyey 23 gool 48 Kulan uu Ciyaaray, Talaabadaasi waxey indha daraandarisay Ragga Jihaazka Uqeybsan Xulka Qaranka Brazil oo rabay iney Xulka kusoo daraan Ficil ahaan waa ay heleen Wixii ay dooneen, Ronaldinho ayaa lagu daray Xulka da’yarada Qaranka Brazil sanadkii 1999 Waxa uu 19 Jirkiisii ka qeyb ka ahaa Ciyaaranadii Xulka Dalkiisa uga qeyb galay Koobkii Confederation Cupka Markaas oo Dinho lagudoonsiiyey kubadda dahabka oo ka dhigneed Xidigii ugu Fiicnaa Tartanka & Abaalmarinta Kabta Dahabka oo uuku mutay Dhalinta Goolashii ugu badnaa tartanka.
Naadiyada Waaweyn ee Yurub ayaa kudagaalay Sidii ay u heli lahaayeen adeega Ubaxa Cusub ee usoo baxay Brazil balse waxa Afduubta Naadiga Paris Santi German sanadkii 2001 markaas oo ay bixisay lacagihii madaxiisa dulsaarnaa oo gaarayey 5 Milyan oo Uero, iyadoo halkaasi uuka bilaabay Ka Ciyaaristiisa Yurub
Ronaldinho ayaa ku biiray Naadiga PSG iyadoo siweyn ay usoo dhaweeyeen Dhamaan Taageerayaasha&  Cushaaqda Naadiga ka dhisan Caasimadda France ee Paris.
Sanadkii 2002 Dinho ayaa Xulkiisa Brazil kala Qeyb galay Koobkii dunida ee Korea & Japan lagu qabtay, Ronaldinho waxa uu dhaliyey 2 Gool 5 Kulan  uu Ciyaaray, Mid kamid ah Waa Goolkii Guusha Ciyaartii Brazil ay ka hortageysay England, Waana Goolkii Caanka ahaa ee Laadka Xorta oo Meel dheer uuka Soo tuuray kaas oo sabab u ahaa in Xulka 3da Libaax ayka Haraan Koobkii Dunida ee 2002, Kadibna Brazil waxey Final ugu Tageen Jarmalka oo ay Aakhirkii ku dubteen 2& Waxba Markaas oo ay kor uqaadeen Koobka kubadda Cagta loogu Jecelyahay Ee Mondiyaalka Dunida Markoodii 5aad.
Sanadkii 2003 dii Ronaldinho Waxa uu ku biiray Naadiga Kubadda Cagta ee FC Barcelona ee dalkaasi Spain, iyadoo si cajiib ah ay usoo dhaweynayaan Cushaaqda Catalaanka, Waxa uu Helay Numberka 10 aad Kaasoo aan la Siin ilaa Xidigaha Waaweyn ee Kooxda soo mara, Waxaana Xili Ciyaareedkiisa ku bilaabay Gool Taariikhi ah lkn Waxa uu la Kulmay Dhaawac culus  kaas oo Garoomada ka Fogeyey Kala barka Xili Ciyaareedka, balse waxa uuka soo laabtay dhaawaca isagoo Kooxdiisa Barca kuhogaamiyey Kaalinta 2 aad Kagadaal Valencia.
Waxa uu kabadalay Kooxda Wax kasta Isagoo Kooxda kusoo celiyey Xiliyadii Barca ay aheyd Barca dii la yaqaanay, Waxaana uu unoqday Hogaamiye lagu daydo, Xataa Jamaahiirta Kooxda Cadowga isku yihiin Real madrid uu ka yeelay Mid ay Usactumaan isla markaana ayku heeshaan Magaca Ronaldinho kadib Mid kamid ah Goolashiisii Cajiibka ahaa dhacdo ay adagtahay in Markale dunida kusoo Laabato.
Waxey ku Ziyaaday Caanimada Ronaldinho bandhigyadiisa Cajiibka, Gambiskiisa Quruxda badan oo aadan dareemi karin halka uu kubaddu Geynayo waxaana Sidaasi uu ku noqday Mid kamid ah Laacibiinta ugu Fiican looguna Jecelyahay Kubadda Cagta Dunida isagoo Xidigaha kale dheer Iney wada Jecelyihiin Cadow & Saaxiibba, isagoo 2005-tii loo doortay Xidigii ku guuleystay abaalmarinada Sida weyn loo Jecelyahay ee Bollon Di’or, & Abaalmarinta Ninka ugu Fiican dunida oo ay Sanad kasta Bixiso Fifa 2004-2005, Sidoo kale waxaa lasiiyey abaalmarinta Ninka ugu Fiican barcelona ee Ebid soo Maray Taariikhda.
Barcelona waxa uu uciyaaray 200 oo kulan, waxaa dhaliyey 94 gool, isagoo caawiyey 69 gool, waxaana uu kula guuleystay 5 Koob oo ugu Muhiimsanaa Koobkii Uefa Champions League 2006.
Xulka Brazil ayaa uu hogaamiyey Tartakii Koobkii Dunida ee Sanadkii 2006 iyadoo siweyn loogu saadaalinayo Wiilasha Samba Kuwaas oo ay kujireen Xidigo dunida dahab ka ah lkn Arinta ayaa ku dhamaatay Si aan loo Fileynin oo Niyad Jab ah kadib markii Wiilasha diiqyada France ay dhamaan dadka Kayaabsadeen oo ay Brazil Tartanka uga saareen, Wareega 4 Dhamaadka.
2008dii Ronaldinho waxa uu katagay Qalcada CampNou Kuna biiray Kooxda ku Ciyaarta Sansiro ee AC Milan Mid kamid ah Naadiyadda ugu Waaweyn Yurub,¬† Lacago dhan 24 Milan oo Euro ayuu ugu Biiray Halkaasi LKN Numberka 10aad waxa uu Urukunnaa Saaxiibkiisa Sedroff Sidaa daraadeed waxa uu doortay kan 80aad Waxaana Ronaldinho¬† Xili ciyaareedkii 2008-2009 ku dhameystay isagoo dhaliyey 10 gool 32 Kulan uu ciyaaray, Iyadoo Xili Ciyareedkiisii ugu Horeeyey uu ahaa mid Rajo beel ah, Hoos udhac xoogan oo Jir ahaan ayaa ka muuqday & Asluub Nolol is baabi’in ah Sababo ku aadan Xafladaha habeenkii taas oo aan ku habooneyn Ciyaariyahan, Sababo ku aadan Arintaasna Laguma soo darin Ciyaariyahanadii Xulka Brazil umatalay Koobkii Dunida ee 2010 oo lagu qabtay Markii ugu Horeysay Qaaradda Modow Gaar ahaan¬† Koofur Afrika.
 Sanadkii 2010 kii Ronaldinho ayaa Markale dib ugu Laabtay dalkiisa markaas uu ku biiray Naadiga Valumengo, Xiliciyaareedkiisii ugu horeeyey waa uu Fiicnaa Lkn Arinka ayaa Markale Xumaaday, Waxa uu ahaa inuu googooyo Tababarka, Sidoo kale waxa aad uliitay bandhigiisa garoomada sidaasi daraadeed waxa Gebi ahaan la Cancelay Heshiiskiisa, Intaasi kadib Ronaldinho waxa uu ku biiray Kooxdiisa Athletic Rominero Sanadkii 2012dii Bandhigiisuna Maxumeyn kadibna Waxa uu Xulkiisa kumalatay Koobkii Dunida ee 2014kii, kadibna Waxa uu heshiis 2 sano ugu biiray Naadiga Queritaro ee Dalkaasi Mexisico Lkn Bishii June 2015 ayuu katagay isagoo 35 Jir ah.
Ronaldinho ayaa ku dhawaaqay iney Gebi ahaanba iska casilay kubadda Cagta isagoo 38 jir ah Waxaana ay aheyd Bishii January Sanadkii 2018, isagoo kasoo Muuqday Xafladii gabagabada Koobkii Dunida ee Arooskiisu Ruushka lagu soo gabagabeeyey.
Wararka Ronaldinho ayaa soo laabtay iyadoo kafajacisay Dunida Bishii May 2018 Markaas oo la iclaamiyey inuu guursaday Labadiisa Saaxiib kadib Xaflad lagu Tumay Qasrigiisa California, Waxaana jariirada Leqiepe ay shaacisay in Xidiga reer Brazil uu Jebiyey Qaanuunka¬† kaas oo aan Sharciga Brazil aan Saamaxeynin in Naago badan laguursado, Waxaana ay Xustay inuu Niyeystay inuu Guursado Labadiisa Saaxiib Risila Quelo & Partis Susa, Waana Arin aan Ronaldinho ku Cusbeyn inuu Badsado¬† Haweenka taas oo¬† sababo u aheyd Baabi’bi’ida Xidignimadiisa.
Ronaldinho waa Laacib Saaxir ah Dhamaan Sida Kalmadu Micno Uleedahay, Kubada waxa uu ula dhaqmaa si layaab leh oo ka duwan Laacib kasta, Waxaa Suurta gal ah inuu wax ka Sameeyo shey aan Jirin.
Pelle Waxa uu Yiri¬† :- “Ronaldhinho wax uu Nafteyda isoo xasuusinayaa Anigoo Laacib ah”.
Sidoo kale Maradona waxa uu ka yiri:- “Ronaldinho waa Laacib ka duwan Laacibiinta kale hadii uu Jiro Laacib leyla bar bar dhigo karo Waa Ronaldinho Caljo, Isagu waa Dhaxalkeyga, waa laacibka kaliya ee aan Tikid Lacag ugu Goosanayo si aan Garoonka ugu daawado”.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!