Wednesday, November 13th, 2019

Aqriso:- Taariikhda Diego Costa & Waalidiisa garoonka & Khiyaanada gacalisadiisa

Published on December 10, 2018 by   ·   No Comments

Xiligan lagu Jiro Majiro weeraryahan lamid ah Hab dhaqanka Cajiibka ah ee uu leeyahay Weeraryahanka Athletico Madrid Diego Costa.
Xidiga reer Spain ee Kooxdiisa ku Hogaamiyey Koobkii Super Copaha Europe  Bilowgii Xili Ciyaareedkan, Waa Ogyahay in Mucaashaqiinta kubadda Cagta ay u arkaan Laacib Maskax adag oo ay dhibtahay in lala Tacaamulo lkn waa uu ku Faanaa Wax yaabaha ugaarka ah Shaqsiyadiisa waxana uu u Cabiraa qeyb aan ka qeybsameynin Noloshiisa waana sababta ugu weyn ee shaqsiyadiisu tahay..
Muuqaalkan waxaan kusoo bandhigi doonnaa Nolosha Gaarka ee Diego Costa, Muxuu udilay eygiisa, muxuu ahaa Go’aankii ugu adkaa ee uu qaatay Noloshiisa, Sidee buu uga badbaaday Geerida & Maxey tahay Sirta ka dambeysa Naaneystiisa Gudoomiye , Dhamaan intaasi & kabadan wadajir ayaan u ogaan doonnaa Muuqaalkan oo kamid ah Sil siladaha Xaqiiqooyinka Xidigaha ee aad kadaawataan Channelkeena Dunida Ciyaaraha Tube Nala daawo Muuqaalkan .

Diego Costa Waxa uu ku dhashay 7dii bishii October 1988 deegaanka Biyoodka  Lagarto Gobolka Sikibi Waqooyi bari Dalka Brazil.
Waxaa iska dhalay walid Brazilian ah Jose de Jesus Silva & Hooyo Spanish ah Gozalidi, Waxaa la dhashay Gabar & Wiil lagu kala Magacaabo Gayer & Talita, Waalidkii Jose waxa uu ahaa mid aad ujecel kubadda Cagta Waxaana Wiilkiisa uu ugu Magacdaray Diego Isagoo ku Samiyey halyeeygii reer Arjentiin Diego Armanda Maradona.
Costa Yaraantiisii waxa uu ku soo qaadanayey ciyaarista kubadda Cagta wadooyinka Maalinkii oo idil lkn kuma Riyoon in Maalin uun noqonayo Xidig Caalami ah, Xaaladda Dhaqaale ee Qoyska waxa ay aheyd mid aad uliidatay taasina waxey aheyd mid caqabad ku Keeneysay Costa , Waxaana uu sheegay dhawaan war uu warbaahinta Siiyey inuusan dooneynin Ciyaarista kubadda Cagta Waxa uu Yiri :- “Waxaan Rabay shaqo dhaqaale badan laga helayo Si ay iigu suuragasho uyeerista Gabdhaha Asaageyga”. 

Lkn Waalidkii ayaa ku Riixay kubiirista Naadiga Athletico Club Legarting Tijaabo aan laga qorin wax Guul ah oo Go’aamisay inuu ka haajiro deegaankiisa waqti uu jiray 15 sano una Jaheystay Sao Paolo si uu ula Shaqeeyo Adeerkii isagoo go’aan saday inuusan Ciyaarin kubadda Cagta balse adeerkii waxa uu lahaa Fikir ka duwan mid kaa, Xiriir Mug leh oo kala dhexeeyey Naadiga Lagu Magacaabo Barcelona Ebona ayuu kaga Faa’iideystay si uu ugu biiriyo wiilka uu Adeerka uyahay.
Costa ayaa Brazil katagay Tareenkiisa kubadda Cagtana ka bilaabay Garoomada Yurub Xili uu Jiray Da’da 18 Jirka Markii uu Heshiis u Saxiixay Naadiga brague ee Dalka Portugal 2006 balse Tijaabadiisii halkaasi Miro qurux badan lagama Guran waxaana Taasi keentay in Amaah loogu diro Naadiga Penevel ee Heerka 2aad ee dalkaasi Portugal.
Bandhigiisa halkaasi waxa uu soo Jiitay indhaha Kooxdaha Yurub,  iyadoo  ay soo dadajisay lawareegista Athletic Madrid balse inta uusan bilaabin inuu uCiyaaro ayaa markale Amaah lagu Siiyey Brague Celta Vigo & Alba City Mudadii u dhaxeysay 2007 Ilaa 2009, Markii uukusoo laabtay Rojo Blancos kama Mid noqon Shaxda Joogtada waa uukatagay kuna biiray  Real Validoad balse mudo gaaban kadib Athletico dib ayey usoo iibsatay waxaana bandhig Cajiib ah uulasameeyey Xili Ciyaareedkii 2013 kii kahor inta aysan Chelsea iibsan 2014 kii, Waxaana halkaasi uuku qaatay 3 Xili Ciyaareed kadibna Waxa uu dib ugu laabtay Athletico Madrid bishii September 2017 Markii Khilaaf Xoogan ka dhex dilaacay Costa & Tababarihiisa Antonio Conte.
 Diego Costa waa mid kamid ah Xidigaha Jecel Xiriirada badan ee Haweenka, Waxaa ugu weyneed Xiriirkii kala Dhexeeyey Gabadha lagu Magacaabo Micheal Zuwan taasoo kashiftay Xiriirka Xoogan ee Noloshooda War ay siisay Jariiradda The SUN waxaana ay tiri :- “Costa waxaan ku bartay Goob lagu Caweeyo sanadkii 2010 kii, Waxa uu iyaga doonayey wax dhab ah , Waxaan Rumeysanahay inuu IJeclaa , Sheekada waxey u socotay sifiican, Waan Jeclaaday In badan lkn Waan katagay Waayo waxa uu isku dayey  inuu Xiriir lasameeyo walaashey & Saaxiibadeyda ii dhow, Waana Ogaaday inuu ka tagay Saaxiib hore Sababo ku aadan Canugiisa ay caloosha kuwaday aawadeed, Waxey intaasi ku dartay Waan awoodi waayey inaan Xamilo Xumaantiisi, Waxaan Go’aan saday inaan Gooyo Walaasheyda uu ku Xad gudbay dareed”. 
Walaasheeda oo iyaduna Warbaahinta hadal siisay ayaa Tiri:- “Costa waxa uu igu yiri Walaasheyda waa ineysan marna Ogaanin wax a dhexdeena ka dhacaya” .
Hogaamiyaha  Dagaalka:- ” waxaan Weynaaday anigoo wadooyinka kubadda ku Ciyaaraya, Waa dugsigeyga , waanku bar baaray Waana la qabsaday Inaan Cidkasta weeraro Mana Awoodin inaan isxakameeyo Waxaan Xumeeyey Dhamaan Mana Ixtiraamim kuwa igasoo horjeeda, Waxaan Rumeysnaa iney aheyd inaan Dilo”.
Hadaladaasi waa kuwii uu Shaaciyey Diego Costa kadib Markii wax laga weydiiyey habdhaqankiisa cadaawada ah ee gudaha Garoonka.
Weeraryahanka reer Spain waa Mid uu ku Raaxeysto daan daansiga kuwa kasoo horjeeda, Isagoo ka yeela iney kudhacaan Qaladaad Xiriir ah, LaYaabna maleheen in Saxaafadda Ingiriiska ayku Naaneysto Halyeygii Dagaalka, Suurtagal maaha inaan Halmaano wixii uu ku Sameeyey Loren Konciely & Gabreal Paulista Xidigihii Arsenal 2015, markaa oo dhowr jeer wejiga kagaraaceen, Wixii hore uu uu ugu sameeyey Garsooraha  Ciyaartii Chelsea & Everton, Diego waxa uu weeraray laaciib badan Waxaa kamid ahaa Martin Skertel, David Luiz lagu daray Mawaaqif kale oo lamid ahaa, Sida isku dhacyadii Joogtada ahaa mataanihii Real Madrid Sergio Ramos & Pepe.
Nolosha Costa waxey leedahay Jihooyin badan oo isburinaya, Gooldhaliyaha Spain Waa Mid Joogto ubixiya Tabarucaarada Kheyriga, Waxa uuna Hada Caawinayaa 100 caruur ah oo ku nool halka uu ku dhashay, Cagsigeeda Majeclanla Ciyaariyahanka si joogto uwata Howshiisa Sportiga, Isagu waa Mid Jecel Habeenada Gaduudan , Markii uu uciyaari Jiray Naadiga Alba City Waxa uu had & Jeer ugu Yeeri Jiray laacibiinta xafladaha Dhafarka ee Waqtiga Dambe lagu Gaaro Halkaasi kuma Istaagin waxa uu kaloo Ku hogaamin Jiray iney daawadaan Aflaamta aan quruxda Badneyn, Sidoo kale Waxa uu Ciriiri usababi Jiray deriskiisa kuwaas oo dhowr jeer ka Ashtakooday Xita Markii haweeney da’ ah ayka dalbatay iney kagaabiyaan Waxa ay daawanayaan balse Costa Waa uu diiday isagoo ku Yiri Miyaanan Jecleyn Jinsiga ?.
 Inkastoo hore uu usoo Xirtay Fanaanadda Xulka qaranka Brazil 2 kulan oo Saaxiibtinimo Bishii Marso 2013 Lkn Costa waxa uu ka doortay inuu Matalo Xulka La Roja Matadoorka Spain kadib markii uu Helay Jinsiyadda Spain bishii Luulyo 2013 Taasina waxa uu ku kashifay Wareysi dheer oo siiyey Jariiradda Mirror ee dalka Ingiriiska waxa uu Yiri:- “Go’aankeygii ugu adkaa ayuu ahaa Nolosheyda,  brazil Waa halka uu ku dhashay Go’aan Xanun badan aniga Xageyga, Waxa uu intaasi ku daray Spain Waxey isiisay Wax kasta, Si dhab ah ayaan u fekeray waana kala Hadlay ehelkeyga & Saaxiibadey lkn Rabitaankeyga ayaa Sheekada Soo Afmeeray , Wax badan  oo Spain  aan siiyo ayaan hayaa”. 
Su’aal laga Weydiidyey aragtida Brazilianka ee doorashasa Spain Waxa uu yiri:- “Waan qadarinayaa Fekerkooda waana Fahmayaa Cidkasta waxey leedahay Rabitaankeeda, Qoyskeyga Waxa uu weli ku Noolyahay Halkaasi welina igama Zuulin Rajada ah inaan kulaabto Brazil oo Maalin un ku noolaado”.
Xidiga Xulka Qaranka Spian ayaa Sheegay marar badan  in halyeeyga reer Ivawari Didier Drogba uu yahay Midka uuku daydo kubadda Cagta Waxa uu sheegay isagoo Yiri:- “Mar walba waxaan  u arki Jiray Didier Drogba weeraryahan wax badan leh, Joogitaankiisa aan kala Go’a laheyn ee Tababarka wax badan ayuu iga caawiyey, Waxa uu ahaa Halyeyga Kooxda Taarikhna Dhigay, aad baan isugu Fiicneyn wuxuuna iiga tagay Xusuus qurux badan”.
Waxa uu kaloo yiri Costa:- “Waxaan Xiriir Xoogan naga dhexeeyaa Eden Hazard, si lamid ah Fabrigas & Koke”.
Waxa uu sidoo kale ka sheekeeyey Balwadiisa isagoo Sheegay inuu Jecelyahay bar baarinta Eeyahay & dhageysiga Musica lagu diray Muuqaalada lagu Ciyaaro”.
Diego Waxa uu heystaa abaalmarino wadareed dhowr ah & Mid kali kali ah, Waxa uu awooday inuu chelsea Kula Guuleysto Horyaalka Premier League 2 Jeer , Leage Cup ka Hal Jeer Sidoo kale Horyaalka Spain ayuu kula Guuleystay Naadiga Rojo Blancos Athletico Madrid, Koobka Boqorka haljeer, Europe League hal Jeer & 3 Jeer Super Copaha  Uerope, Shaqsi ahaantiisa Waxaa loo caleemasaaray Abaalmarinta Gooldhaliyaha koobka Boqorka Spain Xili Ciyaareedkii 2012-13, Abaal marinta Xidigii ugu La liga  Bishii Semtemper 2013, Xidiga ugu Fiican Horyaalka Ingiriiska Bishii Agust 2014 & November 2016.
Sidoo kale Abaalmarinta laacibkii ugu Fiicnaa Laatiin Ameerika Ayuu Helay 2013 -2014, Waxa uu Dhamaadka Champions Leage la gaaray Roji Blankos 2014.
Hooyada Dhashay Dieog Costa ayaa Sheegtay wareysi dheer oo ay bixiyey shil halis ahaa oo kusigtay inuu soo gabagabeeyo Nolosha Weeraryahanka reer Spain Diego Costa Yaraantiisii waxaana ay Tiri:- “waxaan isku dayey inaan dhameeyo Howsha Guriga Halka Diego uu Jiifay Qolka kale, Waan ka Wardoonay waxaan arkay wax ka Koreeya sariirta Costa markii aan u dhawaaday waxaan ka Helay Mas weyn oo qarka usaaran inuu sariirta kusoo degto, Waan Ogaa iney igu waajib aheyd in Go’aan deg deg  qaato, Waxaan Gacanta Qabtay diego Waana soo Jiiday waxaana usoo Cararnay Banaanka”.
Geesta kale Hooyada Costa ayaa Shaacisay Naaneys uu siweyn ujecelyahay Diego Waana Naaneysta Gudoomiye, Waxaana ay Tiri Sababta taas ka dambeysay ay aheyd inuu ka Awood badan dhamaan inta garoonka kujirta, isagoo Sidoo kale awooda inuu Calaamad aan la Halmaameynin ku reebo, Waana mid kamid dagaalamayaasha Gudaha Garoonka.
Waqtigii Diego Costa oo dib ugu laabtay Naadigiisii hore ee Athletico Madrid Xili Ciyaareedkii 2017 ma uusan awoodin inu uciyaaro ilaa Bishii January kadib marka aysoo gabagabowdo Waqtiga Ciqaabta ayka Saarneyd suuqa kala iibsiga ee looga Mamnuucay iney wax soo Gadan karaan.
Diego isagoo waqtigaasi ka Faa’iideysanaya ayuu bilaabay Ciyaarta Feerka si uu usoo Ceshto awoodiisa Jir ahaaneed isagoo ku feertamayey Saaxadda Feerka ee uu Milkiyadeedu Leeyahay Saaxiibkiisa hore ee Fernando Torres.
Dhinaca kale Jariirada Daily Star ayaa Kashiftay Mowqif murugo badan ku Abuuray mudo bil ah kadib markii ey uu soo iibsaday uu si qalad ah Gaari dul u marsiiyey.
Waxaan soo gaarnay Gabagabada Muuqaalkan Nolosha Gaarka ee Dagaalyahanka Cajiibka ah ee Diego Muxuu yahay Fekerka aad ka Qabtaan Macluumadkan aan idin soo gudbinay, Su’aashaas Jawaabteeda & Fekerkeeduba noogu reeb Muuqaalka Hoostiisa.
Muqaalkan kadib Hanaga Galmaamin Inaad Subscribe Saartid Like Si Marka aan muuqaal soo gelino uukuu soo Gaaro Sidoo sii share Garee oo Asxaabtaada kula Wadaag baraha Bulshada Sida Facebook, Intigram whats Up, Google+ & Dhamaan adeeyada kale ee lamidka  aad baad umahadsantihiin Sida aad ugu Xiran tahay Barteena Dunida Ciyaaraha Waqtiga Waxaan Heegan unaahay Raali Gelintiina

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!