Sunday, July 21st, 2019

Aqriso:- Taariikhda Arthur Melo & Sida uu uga duwan yahay Xidigaha kale ee Brazil

Published on December 10, 2018 by   ·   No Comments

Asc Akhiyaarteena Dunida Ciyaarah Tube meel kasto oo aad Joogtaan Kusoo dhawaada Muuqaal cusub?
Dabcan Waxaad hore udaawatay Qaabka Ciyaareedkiisa kubadeed Auther Melo, Tayadiisa & Xirfada ku Jirta & Sida uu kubadda uXakameeyo taasoo ka Yeeshay Mid kamid ah kuwa ugu Fiican kubadda Cagta Xiligan la Taagan yahay, Dadka  qaarkoodna Waxey lala bar bar dhigaan Halyeeygii hore ee Barca Xavi Hernandez lkn Ma ogtahay Sirta kadambeysa Mowhibadiisa ? Taasoo ka dhigtay mid kamid ah Matalayaasha  Kooxaha ugu Waaweyn Yurub isagoo weli da’yar ? Maxaad ka Taqaanaa Cida uukaga daydo Kubadda ? 
Dhamaan intaasi & kabadan Waxaad ku Ogaan doontaan  Xubinteena Sil siladaha Xaqiiqooyinka Xidigan oo aan maanta ku Baran doono Nolosha Gaarka ah Ee Auther Melo ee Nala   Muuqaalkan.

Magaciisa oo buuxa Waa Arthur Henrique Ramos de Oliveira Melo Waxa uu ku dhashay Magaalada Giuena ee Dalkaasi Brazil.
Wuxuu uga duwan yahay Dhamaan Xidigaha kale Brazil , Auther Maaha Laacib Faqri ah ee u arka in Kubadda Cagta ay tahay wadadii Faqrigaas looga bad baadi lahaa, Aurther waxa uu ku dhashay Guena oo ka dhigan mid kamid ah Magaalooyinka ugu Qanisan Dalkaasi Brazil , Xidigan waxa uukusoo bar baaray Nolol  Qurux badan Isagoo ka dhashay Qoys Taajiriin ah oo leh Warshado Sameeyo Dharka Sidoo kale waxey leeyihiin Xoolo badan, Midan waa Tan uu uga duwan yahay Laacibiinta kale e isku wadanka Yihiin Umana Arkin in Kubadda cagta ay tahay Meel dhaqaalihiisa Sare uu ugu qaado waxaase uu ucayaaraa inuu balwadiisa tahay oo uu Jecelyahay
Sida Canug kasta oo yar waxa uu kubaddu ku Cayaari Jiray wadooyinka, Waxaa uu markii ugu horeysay kubadda kasoo bilaabay Naadiga yar oo ka dhisan Deegaankisa waxa uu kuciyaari jiray Garoomada yar yar ee xiran lkn Markii waalidkii ay Caawiyeen waxa uuku biiray Naadiga Gooys oo kamid ah naadiyada ugu waaweyn deegaankiisa.
Auther Mello Xirfadda kujirta Waxey keentay inuu hanto kalsoonida Tababarihiisa, waxaana Maamulka Kooxda u arkayeen Mowhibad dahab oo Mustaqbal weyn Sugaya, Isagoo lahaa Awood xoogan & Xirfad lahaa oo uu uga duwanaa Caruurta kale ee Asaagiisa ah, waxaana Mar walba uula Ciyaari jiray Kuwa kaweyn da’diisa, Hadii Kooxaha kale ubaahdaan cid caawisa waxa Uu Aurther ahaa midka 1aad oo la dooranayey Si kasta oo uu uyaraa.
Naadiga Prem Porto Alegri ayaa Ninka aragtay Markii uu Jiray da’da 12 , waxaana bandhigiisa ayla Cajabeen mid kamid ah kulamadii uu Ciyaarayey, Iyagoo aanka Shakinin ayey ka dalbadeen inukusoo biiro waana ka Ogolaaday, Kubiirista Naadi Taasi lamid ah & Da’da Tan Mello ookale waa Fursad aan Marna la heleynin lkn katagistiisii Naadigiisii uuku bar baaray waxey aheyd mid adag, waa uu baxay waana ka Tagay isagoo wata Boorsooyinkiisa ayka buuxaan Riyooyinkiisa waxa uuna Aaday Magaalada Soapalo mudo yar kadib waxa uu Noqday Mid kamid ah xidigaha ugu Muhiim Da’yarada Kooxdiisa Sidaa daraadeed Sanadkii 2015 Waxaa lagusoo daray Kooxda 1aad , Waxa uu uhelay Fursad uu Wax weyn ku Muujinkaro isagoo waliba Da’Yar kaasoo aanka Gudbin 18 Sano , Arinta Cajiibka ayaa waxaa kale oo ay aheyd Qofkii siiyey Fursada Kooxda 1aad uusan aheyn Tababaraha Kooxda Balse waxa uu ahaa Luis Filpe Scolari kaasoo lagu Tiriyo mid kamid ah Halyeeyada Xulka Brazil waxaana Sabab u ahaa Ku guuleysigii Koobkii Dunida Sanadkii 2002 ee Korea & Japan lagu Qabtay.
waxa uu u arkay Aurther Mowhibad weyn Iyadoo Xiligaas aan Kalsoonida intaa la eg Canugan lagula Dhiiran karin Xiligaas. 
Scolari oo Kahadlayey Isagu  inuu siiyey Fursad Kale iyadoo ay Jiraan kuwa Kafiican lkn Aurther Kaliya waxa uu ubaahnaa Kalsooni Nafeed Waxaana uu rumeysanyahay Scolari qofka ka yeelay in Heerkan uusoo gaaro uu  yahay Tababaraha Hada ee  Kooxda Gremio Renato Galjo.
waxaa Sidoo kale Scolari uu sheegay iney lama Filaan ku Noqotay Markii uu Aurter ka Talaabay Xuduudii uu u Saadaalinayey Sanado kahor.
Markii Qaab Ciyaareed quruxbadan uu lasoo muuqday Naadiga Gremio waxa uu Noqday mid ay ku tar tamaan dhamaan Kooxaha waaweyn ee Yurub Gaar ahaan kuwa Taliyaaniga Sidoo kale Chelsea & Paris ayaa isku dayey in Xidigan ay Helaan Balse Aakhirkii Waxa uu ku biiray Naadiga FC Barcelona Lkn Dhinaca kale Real Madrid Cadowga Blugrana ayaa udagaalameysay Sidii Wiilkan ay ukeeni lahaayeen Qalcadda Cad Cadka , Waxaana Rabitaankooda uu ziyaaday Dhamaadkii 2017 Intii lagu Guda Jiray Koobkii Naadiyadda Dunida inkastoo Waqtigaasi uu Aurther kamamnuuc ahaa inuu Ciyaaro dhaawac uu qabay Aawadeed, Waqtigaasi waxaa soo Shaacbaxday inuu ku biiri doono Naadiga Real Madrid balse Majirin Daliil Cad oo taasi Muujineysay, Waxaa Jirtay In Aurther Uu Jeclaa Ku biiritaanka Naadiga Barcelona iyadoo la arki jiray isagoo dhow jeer lasawiran Masuuliyiin ka tirsan Barca.
Ninkan ayaa Markii Naadiga Barcelona ayaa Dadka oo idil waxa ay la bar bardhigeen halyeygii hore ee Kooxda Barcelona Xavi Harnandez, Waxaana la Rumeysanyahay in 2dan ay Wax badan ay isaga Egyihiin, khubarada kubadda Xagta dunida ayaa Ugu Magacdartay Ninkan Xavi-ga Cusub, reer Spain waxa uu Tusiyey Qaab Ciyaareedka aan Caadiga aheyn ee uu kusoo bartay Koofurta Ameerika.
iyadoo laga Eegayo meelaha badan oo ayka mideysanyihiin Xavi ayaa Nafsadiisa Sheegay in Wax badan uu lahaa uu ka arkayo Wiilkan Dheemanka ah, Waxaa a Hogaamiyihii hore Barcelona uu daboolka ka qaaday in Aurther uu soo Xasuusinayo bilowgiisii kubadda Cagta.
“Aurther waa Laacib Aad ufiican oo leh Mowhibad Naadir ah , Waxaana awood uleeyahay inuu taasi uga Faa’iideysto kubadda, Waxa uu leeyahay Shaqsiyad weyn, Waxa uu waqtigu socdaba waxa uu Noqon doonaa kan ugu Fiican Marka ay isku kalsoonaantiisa Ziyaado, Waxaan u arkaa Mustaqbalka Barcelona ee Dhimaneyn Aurther Maalin uun Waxa uu ahaan doonaa Hogaamiyaha Barcelona” Hadaladaasina waa kuwii uuku cabiray Xavi Hernandez Ubaxa Cusub ee Barca Aurther Mello.
Carlos Puyul Mid kamid ah Halyeeyadii Kooxda Barcelona waxa uu diiday Fikradda isbarbardhigida ee Aurther &  Halyeey Xavi waxa uuna u arkaa ineysan Meelna iska Qaadan karin balse waxa uu sheegay ineysan Taasi aheyn mid Xun isla markaana isagu uula dhacsanyahay dariiqadda uu uCiyaaro Aurther lkn Waxa la bar bar dhigiisa Xavi waxa uu u arkaa iney tahay mid isagu aan uwanaagsaneyn Isagoo Rumeysab in Waqti xaadirkan aysan aheyn mid ku haboon arinkaas.
Waxa uu Yiri :- “Tani Waxey utahay Culeysweyn oo isagu kudhacayo waxaa u fiican inuu isagu Nafsadiisa ahaado Aurther balse uusan Noqon qofkale lkn Waxaan u arkaa inuu yahay laacib ka duwan laacibiinta kale”
inkastoo Waxbadan ay isaga Egyihiin Xavi & Mello Hadana Aurther Waxa uu Sheegay inuusan aheyn mid uu kudayan Jiray Yaraantiisa, Waxa uu Sheegay in Xidiga uu ku dayan Jiray uu Yahay Andres inesta Lucian, Waxa uu tilmaamay in dhamaan Lawada Jecelyahay Qaabka uu uciyaaro, isaogoo Xusay in siweyn uga Helo Jawaabta deg dega uu Bixiyo marka uu Kubadda Heysto & Sida fudud  ee uu uga gudbo Xidiga kahorjeeda, Waxa uu la Cajabsanyahay Aragtida dheer we Andres Iniesta, Waxa uu Yiri Aurther:- “waxaan Jeclaa inaan Garabkiisa ka Ciyaaro, Waxaan Rajeynayey inuu Kooxda lasii Joogo”.
Hadaba Si ay Riyadaasi ugu rumowdo waxa uu Jeclaa Mello inuu Andres ka Garab Ciyaaro lkn Mey dhicin oo Xili Ciyaareedkii tagay ayuu Isaga Huleelay Kooxda kubadda Cagta ee Blugrana.
Aurther Melo waxa uu Kaga Soocan yahay Baasaskiisa Huban, Waana waxa ukeenay Guushan Lagu daray Heysashadiisa kubadda, Kagudbida Kan kahorjeeda waliba Si Fudud oo dad badan ayla Cajabeen, Waxa uu leeyahay Xirfad aan Caadi aheyn , Iyadoo Baasaskiisa ayka Gudbeen Tan iyo Intii Spain uu Yimid 95 % Waana Wax ay adag tahay inaad soo heshid Xidig lamid ah Aurther Melo.

Hadaba Wiilkan Waxaa Sugaya Mustaqbal Waxaa leys weydiinayaa Miyuu Noqon doonaa Halyeey Xavi ama Iniesta mise Bamdhigiisa Waqti kooban un bu ahaan doonnaa. Suaasgaasi Jawaabteeda & Fekerkaaguba Noogu Reeb Muuqalka Hoostiisa, 

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!