Sunday, July 21st, 2019

Aqriso:- Sirta kadambeysa Cadaawada ay isu qabaan

Published on December 10, 2018 by   ·   No Comments

 Daawayaasheena Dunida Ciyaaraha Tube Asc kusoo dhawaada Muuqaal Cusub.
Kulanka Classico waa Midka ugu Weyn uguna Caansan isla Markaana Waa Kan ugu shacbiyadda badan Marka La eego kulamada kale.
Malaayiin dunida ku Nool ayaa Horfadhiya Tv-yada si ay ugu Raaxeystaan Saacad & barkaasi Classico & Khilaafka kubadeed ee ka dhexeeya Labada Kooxood balse waxaa jira Sababo Dhowr oo ka baxsan kubadda Cagta oo Sare uqaaday Hardanka adag ee u dhexeeya labada Kooxood ee Real Madrid & Barcelona, Muuqaalkanna Waxaan kusoo bandhigi doonaa 5 Arin oo sabab u ah cadaawada Taariikhiga ah ee u dhaxeysa labadan Kooxood, 
1. Go’itaanka Katalanka
Cadaawada Siyaasadeed ee Catalaneeska & Caasimada  Spain ee Madrid waxey soo bilaabatay 11 September 1714 kii Markii Ciidamadii Spain ay Xoog ku qabsadeen Gobolkaasi kuna soo dareen Dowladda Spain waqtigii Boqor Philpkii 5 aad waana waxa Naceybka & Karaahiyada kureebay reer Catalan kuwaas oo haatan Xusul duub ugu jira sidii ay kuheli lahaayeen Xoriyadooda dibna ugusooceshan lahaayeen Madax banaanidooda waxaana Matala Naadig Barcelona Halka Naadiga Caasimada Spainna ayka Socoto Real Madrid oo Boqor Alvoskii 2aad siiyey Caalamada Taajka Boqorka loona Hibeeyey Naaneysta Naadiga Boqortooyada si Real ay umatasho Guud ahaan Dhulweynaha Spain.
2. General Franko
Cadaawada waxey sii hurtay Markii uu General Franco uu Afgambi kuqabsaday 12 Kii July 1936 Talada dalkaasi, waxaana qalalaasahaasi uusababay in dagaal sokeeye uu dhaco kaas oo socday 3sano waxaana aakhirkii Guuleystay General Franko kadib markii Garab uuka helay Hitler & Mosolini, iyadoo Nusmilyan ruux ay dhibaatadaasi ku dhinteen, Waxaana Wararka qaar ay Tilmaamaan in Milyan Ruux ayku dhawaayeen oo ayku jireen 35 kun Natiijada Maxkamadeynta Askareed ee cadaaladarada Aawadeed waxaana dadkaasi kujiray Josep Sona Garabka bidix ee Jamhuuriga ahaana Qareenkii Gobolka Catalonia , Isagoo Xiligaasi ahaa oo mid siweyn uga soo Horjeeday Ficiladii General Franco walow markii dambe ladaldalay, General Franko waxa uu Amray ineysan qaadi karin heesta Astaanta u ah Naadiga Naadiga Sidoo kale calanka Gobolka waxaana Barca Halheyskeedu uu ahaa “Barca waa Ka weyntahay Naadi” 
3. Classico Real 11-1 Barca
Ciyaartii dhacday Xili Ciyaareedkii 1942-43 Lugtii 2aad Ee koobkii General ka ee Haatan loo Yaqaano koobk Boqorka, waana mid kamid ah ciyaaraha ugu yaabka badnaa waana Midii ugu Xanuunka badneyd Taageerayaasha  Barcelona sababo ku aadan natiijada Culus oo ah Tan ugu weyn Classico, Waxaana Hadal heynta badisay markii lugtii hore Barcelona ku adkaatay 3-0 Halka Finalkiina Real gool & Waxba ay uga qaaday Athletic Bilbao, Taas oo kuu Muujineysa iney Real Aheyn Kooxda sidaasi u Xooganeed sida Dadk qaarkii ay qabaan Waxaana Dhacay Shey aan la Ogeyn, Jamaahiirta Barcelona Waxey ku Andacoodaan in General Franko uu Mid kamid ah Ciidamadiisa usoo diray Ciyaariyahanada Barca kuna Yiri hadii aadan uciyaarin si tabar daran waliba sida uu rabo Nidaamka  idin dambi dhaafay iyadoo Wadaniyadiina Naaqis tahay Waxaad mudan doontaan Cawaaqib xun, Waxaana lasheegaa inuu Siweyn uhandaday Ciyaariyanahada taas oo Real Madrid ayku adkaatay 11-1 oo uukusoo dar daarmay General Franko.
Dhamaan Umuurahaasi waa Dood aan daliil cad loo Heynin oo ku aadan kuwa diidan Natiijadaasi, taas oo Maamul Barcelona ay ictiraahsantahay Natiijadaasi.
4. Xatooyada
Alvered Di estifano Mid kamid ah laacibiintii ugu Fiicnaa ee soomara Real Marid markii hore waxa uu Nasiibkoodu ahaa Barcelona oo wadahadalka Xidiga dhameysay kaas oo aykula Jirtay Naadiga Revelblate 1953, Balse Xiriirka Spain & Kan Fifa ayaa diiday heshiis Barca ee Di estifano sababo ku aadan Milkiyadiisu oo ay leheyd kooxda Deportivo los Minolariyos, waxaana Sidaasi ku Daftay Real Madrid oo waqtigaasi uu Hogaaminayey Santiego Barnabue.
5-  Khaa’inkii Weynaa
Kadib Markii sanadkii 2000 Figo uu si toos ah inta Barca uga tagay uuku biiray Real madrid waxey aheyd dharbaaxo kale oo sii hurisay Kulankan Classico, Cidii daneyneysa qaabka Figo looga Xaday Barca Fadlan ka daawo Barnaamij aan hore uga Sameynay linkigiisuna Muuqaalka Hoostiisa ayaad ka heli kartaa, Hadaba daawade maxaad is leedahay Classicada Maanta  waa dhamaan doontaa ? Yaa Badin doonaa imisa ayaana lagu kala badin doonaa ? Dhamaan Su’aalahaasi Jawaabahooda & Fekerkaagaba noogu reeb Muuqaalka Hoostiisa.
Hadii aad daawatay Muuqaalkan hana halmaamin inaad subscribe Tiraahdid Like nagu dhiirageli Sidoo kale Riix Gambaleelka Digniinta  

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
alertThis is the FAR COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!